SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Apr 15, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamijka Radio Xoriyo wax yaabaha aan Caawa idiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • Ø Abaaro Ba,an oo ku habsatay Gobolada Ogaadeenya.
  • Ø Ethiopia oo lagu eedeeyay in mamul xumo ay ku habsatay.
  • Ø Seyoum oo laga yaabo in wasiirnimadii laga qaadayo
  • Ø Gudiga Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ay u xil saartay Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo ku adkaystay Go,aankiisii.
  • Ø Jabhadda Xoraynta Oromiya oo jab gaadhsiisay ciidamada Itoobiya
  • Ø Riwaayad wadani ah oo ay inoo soo diyaarisay Abwaanada Caanka ah ee Rooda Ibaraahin Abadi Guray (Afjano) iyo suugaan wadani ah.

 

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Abaaro Ba,an oo ku habsatay Gobolada Ogaadeenya.

Wariyaha Raadiyoo Xoriyo ee ku Sugan Gobolka Qoraxay ayaa noo soo tabiyay Abaaro ba,an oo ku habsaday guud ahaan Gobolada iyo dagmooyinka Ogaadeenya. Iyada oo la joogo Xiligoo la helijiray Roobka Gu,ga ayaa ilaa iyo hada la, layahay wax roob ah, taas oo keentay Biyo la,aan iyo Daaqii oo ka dhamaaday dhulkii ay Xooluhu ku noolan jireen. Xaaladan Abaareed ayaa waxay dhalisay in dhimasho ku timid Adigii, Lodii, Geelii iyo Xawayaankii Duur joogtaba. Ilaa iyo hada ma jirto wax Dawlad ama Hay,ada Samafal ah oo gacan ka gaystay Abaartaas ku habsatay Shacbiga Reer Ogaadenya.

Dhinaca kale Xukuumada Itoobiya ee ku dhisan Dulmiga ayaa waxay Abaartaas uga faa,iidaysanaysaa hab siyaasadeed oo ay ku dabar gooyso Shacabka ay gumaysato ee Soomaalida Ogaadeenya iyo Duunyadiisaba.

11 Bishan aynu ku jiro ee April waxay Ciidamada Itoobiya ka xidheen Dadkii iyo Duunyadiiba Ceelka Galadiiid oo uu saaranyahay Matoor Biyaha soo tuura. Ceelkaas oo ay Maalin walba ka cabaan Xoolo lagu qiyaasay ilaa 50 Kun oo Neef iyo dad aad u fara badan ayay Ciidamada Itoobiya si ula kac ah Ooda Afka uga Saareen, halkaasna waxaa ku dhintay xoolo aad u badan oo isugu jira Adhi, Lo, iyo Geel.

Markay ka hadleen dadwaynaha halkaas ku sugan Sababta Ceelka looga xidhay iyo baahida ay biyaha u qabaan waxaa loogu jawaabay in lagu guro Xabsiyo ay halkaas ka samaysteen Ciidamada Naloldiidka Itoobiya. Dadkaas Xabsiyada lagu guray oo u badnaa Odoyaashii iyo waxgaradkii deegaankaas waxaa ka mid ah kuwan.

1- Yuusuf Xareed.

2- Cabdi Qani Xassan.

3- Cabdi Nuur Barre.

4- Nuur Cabdi Qani.

5- Cabdulaahi Xassan Cumar.

6- Cabdulaahi Cabdi Xassan.

7- Waahire Yuusuf Xareed.

8- Abaadir Cabdi weli.

9- Sheekh Mohamed Sahal.

10- Cabdulaahi Darwiish.

11- Xumad Siraad Gurey.

12- Qun-usoco.

13- Dahir Mohamed Nuur.

14- Hurle kidaar Hurre.

15- Carab sh. Cabdi.

16- Cankuule Shukri.

17- Hindo Xassa Ahmed iyo laba caruur ah oo yar yar oy dhashay.

18- Shamso Xassan Khaliif, oo isla sanadkan markii sadexaad la xidhay,
markastana lagu ganaaxay 1000/Bir.

19- Mihiib Danab Xassan.

20- Hibaaq Cabdi Daahir.

21- Xamdi Cali Dhagey.

22- Faatumo Ahmed Ciilmooge.

23- Fatxa Dayib Cabdi.

24- Saynabo Deeq.iyo kuwo kale oo badan.


Sidoo kale waxaa Magalada Garbo lagu xidh xidhay Dadwayne kor u dhaafay 100 Ruux oo aanu dib ka soo faah faahin doono.

Ø Ethiopia oo lagu eedeeyay in mamul xumo ay ku habsatay.

Nin ka tirsan Congreska Maraykanka oo soo booqday wadamo badan oo ka tirsan qaarada Afrika ayaa waxuu sheegay in aad iyo aad uu oga argagaxay Abaaraha ku habsaday Afrika gaar ahaan Itoobiya. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Martinery Huge waxaa uu u sheegay gudiga xidhiidhka Caalamiga ah in ayna aheeyn Abaaraha soo noqnoqanaya ee Itoobiya ka dhaca kuwo ay dabeecadu keentay, balse waxuu ku tilmaamay mid ay keentay Maamulxumo gaar ahaan siyaasada ku adan dhaqaalaha. Mudanahaas waxuu shaaca ka qaaday in Cunaqabateen lagu hayo wax soo saarka iyo Ganacsiga, waliba Itoobiya waxay Abaaraha ka dhigatay Mashruuc siyaasadeed oo ay ku wax yeeleeyso Shacbiga Itoobiya ayuu yidhi, waxuuna Xukuumada Itoobiya ku tilmaamay wadanka Maamul ahaan ugu liita Qaarada Afrika.

Ø Seyoum oo laga yaabo in wasiirnimadii laga qaadayo.

Warar aanu ka helay Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in kaligii taliye Melis Zenawi uu Wasaarada Arimaha dibada si dadban ugu magacaabay Dr Kinfe Abraham. Ninkan oo horay u ahaan jiray lataliyaha Wasiirka arimaha Dibada Seyoum Mesfin ayuu Zenaawi ku amray in la siiyo Riboodka wasaarada Arimaha dibada. Amarkan uu Zenaawi bixiyay ayaa waxay u cuntami ladahay Wasiirka Arimaha Dibada Sayoum Mesfin. Dadka la taliya Sayoum ayaa waxay u soo jeediyeen in uu is Casilo maadaama Xilkii si dadban looga qaaday, balse dadka sida fiican u yaqaana ayaa sheegaya in uusan is casili doonin oo uu iska fadhiyi ilaa iyo inta si dhab ah Xilka looga qaadayo. Dr Kinfe oo lagu magacaabo Gacanta aan la,arag ee Melis ayaa la filayaa in uu si buuxda ula wareegi doono wasaarada Arimaha dibada. Dadka u kuur gala siyaasada Xukuumada Itoobiya ayaa khilaafkan cusub ee ka dhex abuurmay TPLFta u arka mi aan xal yeelan doonin.

Ø Gudiga Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ay u xil saartay Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo ku adkaystay Go,aankiisii.

Gudida xallinta khilaafka soohdinta ee Eritereya iyo Itoobiya u dhexeeya, oo fadhigiisu yahay Magaalada Hague, ayaa soo saaray warbixin 11 bog ka kooban, tasoo ay ku caddeeyeen in Magaalada Badame ay tahay magaalo ku taalla dhulka Eritereya. Ilaa iyo kowdii April ayay madax ku-sheegta EPRDF ku shirayeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxayna ka wada-hadlayeen waxa ay ka yeelayaan go’aankaas uu guddidu soohdintu soo saaray. Laakiin dadka arintaas u dhuun duleela waxay sheegayaan inuu khilaaf aad u wayni ka dhex taagan yahay kaligii taliye Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa arimaha dibada, oo ka mid ah dadka ay iska hayeen masuuliyiintii tigreega ahayd, ka dib markii khilaafka xun ka dhex oogmay ururka TPLF.

Keligii taliye Meles ayaa Syoum ku amray markuu soo baxay Go,aankii Gudiga Soohdinta inuu qabto Shir jaraa’id oo uu ku canbaaraynayo bayaankii 1aad ee gudidu soohdintu soo saartay inta ayna bayaanka 2aad soo saarin, laakiin Syoum ayaa amarkaas diiday, wuxuuna soo jeediyay in isga iyo Meles ay shirka jara’id wada-qabtaan. Intaas ka dib Meles ayaa wasiirkiisa arrimaha dibada Syoum Mesfen ku eedeeyay inuu galay khaladaad waawayn, hase yeeshee Syoum ayaa arrintaas hadallo qal-qallafsan kaga jawaabay, si uu eedayntaas isaga difaaco. Afar xubnood oo ka tirsan G/dhexe ee TPLFta oo madax ka ah maamulka goblaka Tigreega ayaa sheegay inaysan aqbalayn go’aanka uu guddiga soohdintu soo saaray. Go’aanka ka soo baxay guddiga soohdinta Itoobiya iyo Erietereya ayaa laga yaabaa inuu khatar hor leh ku keeno jabhadda TPLF, oo la filayo inuu ka dhex oogmo khilaaf ay mar kale ku kala jajabto.

Ø Jabhadda Xoraynta Oromiya oo jab gaadhsiisay ciidamada Itoobiya

Weerar ay toddobaadkii hore Jabhadda Xoraynta Oromiya (OLF) ku qaaday ciidanka gumaysiga Itoobiya ee ku sugan koonfurta dhulka Oromiya ayaa waxay Ciidamada Itoobiya kaga dishay 4 Askari, waxay kaloo ku dhaawacday 2 Askari oo kale.

Isla Todobaadkii hore Jabhadda OLF ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidanka woyanaha ee ku sugan agagaarka degmada Benbisa, halkaasoo ay kaga dishay woyanaha 6 Askari iyada oo Hub iyo Rasaas kala duwana gacanta kaga dhigtay.

15.04.2003

Hibaaq Samatar


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD