SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho 

Muqdisho Waa Magaalo Macna Badan

CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

A. D. | weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

Agoosto 6, 2002 

Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta, cimilada wangaasan ee dhexdhexaadka, khudaarta aan wali dhadhin ee macaan, badda iyo wabiyaduna, hareer maraan. Dhismayaal qurxoon oo aad u bilicsan geedaha loo yaqaan geed tallaalkuna ku sharaxnaa guri walba iyo laami walba, lahayd meelo taariikhiya oo ka tarjumaysay sooyaalkii jiritaaneed ee ummadda Soomaaliyeed, wixii ay soo martayba. Muqdisho oo dhisan in ka badan 1000 sano, ayaa waxay ahayd meel isku xirta gobolada dalka Soomaaliya oo dhan, inkastoo ay wali sidii ugu tahay udubdhexaad. Magacyo fara badan ayay ummada Soomaaliyeed ula baxday Muqisho sida: Xamar cadeey, Benaadir, magaaladdii sidaa ahayd Ayaa waxay maanta nasiib u heshay inay noqoto god dheer oo mugdiyo qiiq madowna ka baxayo, waa meel manta laga cabsado, waa meel aan loo soo hilobayn, haddii aad mar timadana marka labaad kugu soo dhicimayso inaad ku soo laabato……..

Saaka subaxii hore markii waagu baryay ayaa laga helay gabar da’deeda lagu qiyaasay 12 sano jirta oo mayd ah, garoonkii hore ee kubadda cagta, gabadhan maydka ah ayaa la sheegay in ka dib la ogaaday in xittaa loo galmooday, dhaawac xun ayaa ka muuqday wajigeeda, waxaa suuroobi waysay in si wanaagsan loo aqoonsado wajiga gabadhaas oo la sheegay in uu isku dunsana ayna maqnaayeen qaybo ka mida jirkeeda sida dhegta iyo sanka.

Falalkan argagaxa leh ayaa waxay ahaayeen asbuucyadii u danbeeyey kuwo soo noqnoqonaya iyadoo aan la garanayn cidda falkan gaysanaysa.

Waxaa sidoo kale la kufsadey maalmo ka hor wiil da’diisa ay ka yartahay 10 sano kaaso inta la fara xumeeyey hadana la dilay, sidoo kale waxaa jirta iyadan gabar laga soo tuuray dabaq, ka dib markii loo geystay faraxumayn rag la sheegay inay dabaqaas saarnmaayeen.

Waa arin naxdin leh kana fog banii’aadanimada iyo Islaanimada, waxayna ilaa iyo hadda dadka reer Muqdisho la argagaxsanyihiin dhacdooyinkan xu xun ee soo kordhay, mar wax laga weydiiyey saraakiisha booliiska ee dawladda KMG ah inay macneeyaan ama qeexaan cidda waxan ka danbaysa ayey ku gaabsaden oo kaliya inay ku daba jiraan oo ilaa iyo hadana baaritaan ku wadaan.

Muqdisho waxay ahayd waqtiyadii u danbeeyey meel nabad ah oo ka soo kabsatay dagaaladii sida tooska ahaa ugu dhex mari jiray beelaha wada-dhashay ee wadadega, waxase hadda soo ifbaxaya inay afduub iyo kufsi dad wax ma garata ahi kula kacayaan dadka maatada ah ee aan waxba galabsan.

Maadaama aysan dalka ka jirin dawlad awood badan, ayaa waxaa soo badanaya dad ka ganacsada nocyada kala gadisan ee mukhaadaraadka oo uu ka mid yahay xashiishadda, taas oo dadka dambiilayaashaahi ay ka dib ku kacaan wax allaale iyo ay maskaxdooda ka maagaan.

Dhowr xaafadood oo magaalada Muqdisho ka mida ayaa hadda bilaabeen inay samaystaan ciidamo madani ah, oo habeenkii oo dhan rondo ku sameeya xaafadaha ay ku sugan yihiin.

Xaafadahaas waxaa ka mida xaafadda Boondheere, iyo heliwaa oo waaxo ka mida ahi, ammaankooda ay sugtaan dadka ku dhaqan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxay hadda u muqdan inay gaarayaan heer bislaansho, isla markaana ay u guntanayaan, nabadda iyo horumarka, waxaa meelaha qaarkood ka soconaya olole dadku ay isaga qaadanayaa qashinka iyagoo iska uruurinaya tasiilaadkii ay u baahnaayeen.

Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka soconaya shaqooyin fara badan, waxaa jira shariikado waaweyn oo ka furan kuna shaqeeya qalab casri ah, waxaa ka furan carwooyin waaweyn oo ilaa habeenkii oo dhan shaqeeya, waxaa soconaya dhismaya dhaadher oo aad u qurxoon waxaa hawada ku jira idaacado iyo taleefishanno ay leeyihiin shaqsiyaad iyo waliba hoggaamiye kooxeedyo.

Waxaa lala soo degayaa maalin walba baabuur aad u qurxoon, waxaa furan ganacsigii gobolada kale oo dhan oo si toos ah ugu xiran magaalada Muqdisho.


 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


Ma jirto, hadda hayb la isku dilo, waxaa Xamar maanta ku wada nool beelo isbaacsan jiray sanado ka hor, saxaafaddu waa xor, dadku waxay is dhaafsan karaan aaraadooda, iyo waxay kala aaminsanyihiin.

Idaacadda Hornafrik oo ay iska leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd tii ugu horeysay ee iyadu abuurtay jawi dadku ay isku dhaafsan karaan fikradaha ay kala aaminsan yihiin mid siyaasadeed iyo mid deegaanba.

Idaacadda Horn Afrik oo xarunteedu tahay, Muqdisha waa midda ugu caansan dadkuna ay si aada ugu xiran yihiin, idaacadda Benaadir ayaa iyaduna ka mida idaacadaha laga suurta galiyey Muqdisho, oo iyaduna qayb wayn ka qaadata arimaha nabdda iyo wacyi galinta bulshada.

Waxbarashadii ayaa socota tayaday doontaba ha lahaatee, dugsiyo nidaamiya ayaa shaqaynaya bilaw, dhexdhexaad iyo heer sareba, waxaa dugsidayaas maal galiya wadamada Carabta ah ee ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo waliba Imaaraadka, waxaa iyagana shaqaynaya macahidyo lagu barto culuum kala gedisan oo uu ka mid yahay machadka ASAL COMPUTER oo wax badan ka haqab tiray bulshada Muqdisho degmooyinka ku hareeraysanba dhinaca Kumbuutarka iyo waliba maamulka iyo maaraynta sidoo kale waxaa jirta jaamacadda Muqdisho, oo hadda hana qaaday ka dib markii raga wadaada ahi ay dadaal dheer u galeen waa jaamacadda hadda loogu jecelyahay Muqdisho, dad badanna ka kaafisay inay dibadaha u huleelaan.

Si kastaba ha ahaatee Muqdisho waa magaalo wajiyo badan, horumarka iyo dhibaatooyinkuba way is garab socdaan.

Waxaa xiran dekeddii iyo gagidii diyaaradaha, ka dib markii ay isku khilaafeen beelaha wada dega Muqdisho, waxaa hadda shaqeeya garono macmal ah, iyo dekedo dabiiciya.

Mogadishu Weekly Reporter A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: August 6, 2002 | SomaliTalk


Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD