SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Wardheere oo ka hadlay arrintii Prof. Samatar & Dr Galayr !

Maalinimadii shalay ee August sideeda aheyd ayaa waxaa magaalada minneapolis ka furmay siminaar uu soo qaban-qaabiyey musharixii hore ee duqa magaalada Minneapolis Max'ud Wardheere oo ku saabsan sida wax looga dhameysto madaxda " How to Loppy" !

wardheere W A R D H E E R E

saacadu markeey aheyd 10-am subaxnimo ayuu xarunta Bryant Cole ee xaafadda Cedar ka furmay siminaarkan oo eey si wadajir ah u bixinayeen Mr Wardheere & Jennifer Gensen oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha wax ka dhameysiga madaxda & la xiriirkoodaba, xafladii furitaanka siminaarkan ayaa aheyd mid loogu gogol xaarayo siminaar-kan oo dhameystiran oo dhici doona bishan August 27 keeda.

Mr wardheere ayaa sidii la filayeyba u soo dhaadhacay arrimaha soomalia intuu ka hadlayey siminaarkan, wuxuuna sheegay in danta laga leeyahay siminaarkan eey tahay kor u qaadida wacyiga soomaalida & ziyaadinta xirfadahooda la xiriirka madaxda & qaab wax ka dhameysigoodaba.

Mr wardheere ayaa sheegay inuu ka xunyahay arrintii dhex maray Prof Samatar & Dr galayr todobaadkii ina dhaafay wuxuuna yiri " Prof. Samatar waa nin aan wanaag ku ognahay, qeyb weyna ka qaatay horumarinta aqoonta dhalinyarada soomaaliyeed, cilmigiisana waa mid loo baahan yahay had & goor" isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu raaciyey " waan soo dhaweyneynaa sidoo kale Dr Galayr & qof walba oo soomaliyeed oo minnesota noogu yimaada, waxaana fileynaa in Dr Galayr aqoontiisa eey ka faa'iideysan doonaan boqolaal dhalinyaro ah " wardheere wuxuu ku celceliyey inuu aad ugu faraxsan yahay muhimada & dabagalka eey saxaafadda minnesota siisay arrintan & dhamaan arrimaha soomaalida " soomaalida minnesota waa ineey si wadajir ah u shaqeeyaan is xag-xagasho la'aan, waxaan wadaagnaa diinta islaamka, midabka madow & soomaalinimo" ayuu yiri Mr Wardheere oo daliishaday xadiis nabawi ah " Man dakhala Beyta-Abi-sufyan fahuwa aamin" ! oo uu ula jeedo " qofkii minnesota noogu yimaada waa badbaaday oo waa in la nabad galiyaa !

" mar hadiiba aan minnesota joogno waxaan nahay soomaali oo kaliyah, ma jirto Somaliland, Puntland, Banadirland, Southwestland & dhamaan Land-yada hadda la soo wado" ayuu ku cabaaday Mr Wardheere oo sheegay in gaalada aan u nahay " soomaali kaliyah" wax walba oo kale oo aad u sheegtana eeysan kaa dhageysaneyn.

Mr wardheere oo eey xamaasadi ka muuqatay ayaa sheegay in hantida ugu weyn oo eey soomalida gobolkan heystaani tahay dhalinyarada soo koreysa oo la doonayo in laga ilaaliyo fal-fal xumada eey ka midka yihiin : Daroogada, Aids-ka & dhaqan-rogga ku dhaca dadka marka eey halkan yimaadaan.

Wardheere waa macalin wax ka dhiga dugsigayada sare ee gobolkan, waxaana lagu yaqaanaa inuu yahay nin aad ugu dadaala dhalinta & dhalaankaba, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxda gobolka & siyaasiyiin kala duwanba, waana mid ka mid ah kuwa ugu firfircoon jaaliyada gobolkan minnesota

Jimacaha soo socota oo eey bishan Augusto tahay 16-ka 4-ta galabnimo ayaa lagu wadaa in labada Prof. ee Samatar & Galayr-ba eey ka soo qeyb galaan xaflad eey ardada jaamacada minnesota soo qaban-qaabiyeen oo ka dhici doonta isla jaamacada hadii eebe idmo.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

Ceynteyare@hotmail.com  

Jimce, 09 Aug 2002 17:02:34 -0700


FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD