SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
Duulaanka, Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!

Muxiyadiin Diiriye Nuur | mnur1@hotmail.com 
Ottawa-Canada

Agoosto 6, 2002

CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

ACWW:

Duulaanka, Dilka, Dulmi Jacaylka, Dal La'aanta,Diin Nacaybka iyo Dibin Daabyeynta Sokeeye oo Korneyl Abdullaahi Darajo iyo Dadnimo ku Doon Doonayo Waxay Ku Danbayn Daah nagama saarnoo waa Duli iyo Dadnimo xumo tii ugu darajo liitay.

Waxaan facilada iyo faah-faahinta dhaqankiisa inooga filan Qoraalada Saaxiibkay C/waaxid C/laahi Khalaf oo ah shaksi hufnaanta iyo dareenka wanaagsan ku bar baaray, barasho gaar ahna aan u leeyahay oo sanooyin badan aanu isku sariir iyo isku Fasal ahayn,waana cabirka muwaadin kasta oo danqasho dadnimo ku jirto leh, kana soo baxda caqli saliim ah oo waliba jecel ka hortaga dhibka ka imaan kara cawaaqib xumada uu cimrigiisa ku soo gaba-gabaynayo oo uu rabo inaynu dhaxalsiino ubadkeena, taariikh hor lehna ka bilaabo Degaanada Puntland oo ka badbaaday dagaalka sokeeye oo salkeedu yahay Gobol Gobol, Qoys Qoys, lehana taariikh fog oo ku dhisan nabad kuwada noolaasho iyo istixgalin ku salaysan dhalasho oo aad u fac wayn.

Waxaa uu qaatay oraadii ahayd "Dal mooyee dad la iigu imaan maayo". Malaha fiicnaan lahaydaa inuu ku ekaado sharafkii shacabka Reer Puntland Gudoon siiyeen isagoo ahaa shaqsi aan istaahilin oo uu xukun sadex sano ah ku dhamaystay, nabadna uu ku dhex mushaaxi jiray dhamaan degaanka Puntland taas oo maanta u jirta inta Cirku u jiro, qori wax lagu caburiyo waxaa darajo ku gaari lahaa saaxibadiis oo fool xumo ku hayaamay, kuna hungoobay damacoodii xukun jacyl.

Maamulka Sweden iyo midka C/hi C/waaxid C/laahi Khalaf
Waxaan Jeclaan Lahaa inaan Sadex eray oo qoraalkaan igu kalifay faah-faahiyo oo uu afkiisa uga andacoonayo inay yihiin dadka uu la dagaalayo isla markaana uu ku riyaaqayo dhiiga dadka wada dhasay oo u daadinayo taariikhdu markay ahayd Aug 4, 2002 waraysigii BBC-da .

1- Waa Carte
2- Waa itixaad
3- Waa arga-gaxiso waxa aanu laynay, dhaawacnay, qaybna maxaabiis u haysano.

A- CARTE--- waxaa uu ka yimid fikrad ummad Soomaaliyeed oo isu tagtay inay dalkii iyo Qarankii Soomaaliyeed baadi goobaan, waxaana shaki ku jirin inay Wado kale qaaday oo ku kaliftay inay xamar dhaafi waydo, amaba ka qayb-qaadatay Cadaawad Hor leh oo dhalata sida xaaladaha Shabeelada Hoose, Jubada Hoose (Kismaanyo) iyo Bu'aale.

Anoo Aamisan 100% inaan darajo ka hoosaysa Qaran Soomaaliyee iyo shacab Somaaliyeed oo walaalo ah looga bixi karin dhibaatada Soomaali gaartay, ayaan xusi lahaa inuu Korneylku yahay kan wiiqaya wadajirka shacabka Reer Puntland oo ilawsiinaya u istaagida ama wax ka qabashada xaalada Kismaayo, waayo haduu isagu Garnayl iyo Madaafiic maanta u adeegsanayo shacab guryahooda jooga, abuurayana dhiilo colaadeed oo la mid ah Tan hada Muqdisho ka jirta oo aanu cashar fiican ka qaadanay, ma waxa uu iibin karaa ama naga dhaadhicin karaa fikrada ah Carte ayaan ka soo horjeedaa oo nala dagaalaysa (Jawaabta akhristaha ayaan u daayay). 


Marxaladdii Puntland Oo Isbadashay

Galabnimadii Axadda ayuu Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed soo Booqday Isbitalka wayn ee Magaalada Bosaso, Booqashada C/laahi aya waxay laxarirtay sida ay u socdan Howlaha cafimad ee daryelka dhawaca Ciidamad Labada dhinac oo si wada jir ahi lookeenay Isbitalka BOSASO. GUJI... Agoosto 6
Waxaana leeayah Carte adaa la jira oo raba inaad noo fasho wado colaadeed oo Kismaayo daayee ay adkaato inaan Punland dib u kicino, taasina ay tahay cadaawada ugu wayn ee aad uga tagaysid Dalkaaga iyo Dadkaaga, waxaana qabaa inaad Carte nooga xun tahay marka la eego dhibka aad Bari dabadiis noogala soo jeedsatay, taasina maha midaan Carte ku raad gadan kartid ee waa ficil aad cadow ka xun u fulinaysid.

B- ITIXAAD---Ummada Soomaaliyeed waxaa EEBE ku manaystay inay 100% aamisan Tahay Diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda, waana mid aanu ka dhaxalney Awoowayaashayo, taariikh dheerna leh, laguna faano oo ALLENA lagu mahadiyo. Waxaa taasi kaliftay inaan xiriir ganacsi,isdhexgal, shaqo helid,darisnimo la leenahay dhamaan wadamada Islaamka ah, gaar ahaan kuwa aan xeebaha dhadhaw leenahay oo aanu xoolaha u dhoofsano, kagana soo badalano waxyaabaha nolosha aasaaska u ah (Raashin/qalab dhismo/Gaadiid iwm) maadaama degaankaasi uusan dhul beereed ahayn,ka shaqaysiga wadamadaasina noo dheer yahay, taasoo oo ay sahashay Islaanimada aan wadaago iyo taariikhda dheer ee naga dhaxaysa, waana mida duulaanka uu ku yahay Kornayl Yuusuf oo aanu ognahay waxa saaxiibkiis Sanaawi uga soo daga inay yihiin waxaa uu ku gumaadayo shacabkayaga,dalkayagii, guryahayagii iyo sharafkayagii.

Korneylku waxaa uu waqtigiisa ku qaatay laga bilaabo 1978 wadan kasoo horjeeda dhaqankaas, xadaaradaas iyo Diintaas ay astaantayadu tahay, ma rabo inaan dani wax ku cabiro laakiin waa dhici kartaa marka la eego ficilada uu samaynayo oo ay ugu danbeeyeen gacan galinta dad islaam ah, dad cadow u ah , isagoo kaga badalayo hub iyo raasaas uu u isticmaalayo shacabka reer Puntland waqtiga la joogo, in hadafka u qarsoon yahay inuu ka mid yahay oo aaminsan yahay mabaadiida cadowgaas.

Marka, lama yaaabo inuu Diinta, Dadka ku dhaqma, astaanta islaanimo leh, ladaagalamo oo ka dido, waase nin godkiisii qodanaya isaga oo nool oo cimri deg-deg isku ridaya waayo shacabkii ILLAAHI abuurtay ayaa u doortin inay noqdaan dad muslinimadu tahay calaamadooda,dhaqankooda, jiritaankooda iyo dhaxalkooda.

D- ARGAGAXISO-- Korneyl Abdullahi waxaa u muuqda oo ka dhaac dhacsan inay kaliya u hartay ku qaraabshada Argagaxiso oo uu ku sheegayo shacabkayaga, hooyooyinkayo, Aabayaasho, waalaalahayaga iyo dhamaan Degaanka Puntland, taas oo uusan waliba haysan waxqabta ama kala taliya cawaaqib xumida uu faraha kula jiro. Argagaxiso uu ku sheego dalkiisa iyo dadkiisa darajo ku gaari maayo, aan ka hayn daadashada dhiig sokeeye iyo abuurida colaad dheeraata taas oo ah hadafka ugu danbeeya ee qolyaha soo siinaya hubkan uu wax ku gumaadayo iyo malayshiyda la argtida ah, waana arinta aan isri joogitaankii waqtiga dheer dalkaas cadaawadu naga dhaxayso raad wayn bay ku yeelatay waxa uu aaminsahay , ficilada uu samaynayaana waxa ay tahay calaamado muujinaya arintaas.

Shacabka reer Puntland, Soomaaliya waxay ku leeyiihiin taariikh dheer marka la eego u halgankii xoriyada Soomaaliyeed iyo Hogaankii Siyaasada Dalka soo maray, mana aha kuwo uu khaldi karo Korneyl Abdulaahi Yusuf oo uu ku maaweelin karo Ujeedada foosha xun ee u wato(Dhaca, Dilka, Boobka,Dhiiga Sokeeye, Sharaf Xumada, Xukun Jacayka)isagoo ku gabanaya (WAA CARTE/WAA ITIXAAD/WAA ARGAGAXISO).

Waxaa waajib ku ah dhamaan shacab waynaha reer Puntland inay isku dhinac ka saftaan masiibadan ku dhex jirta soona jiitamaysay mudo ku dhow 30 sano, maraysana mar xaladii ugu xumayd taariikhda degaankaas oo keentay in ku daato dhiig sokeeye,walina uu abaabulayo una hamuun qabo mid hor leh.

Waxaan Tacsi u diyaariyaa dhamaan dadka soomaaliyeed (Soomaalidu waa is dhashay oo qaarabadu siyaalo kala duwan bay ku timaadaa oo ay dhici karto geerida dagaaladaas inuu Koonfur ama Waqooyi qofka ku nool saameeyo), gaar ahaan Shacab waynaha Puntland dhimashadii iyo dhaawacyadii uu sababay degaaladii uu gaystay Korneyl Abdullahi.

(MIDNIMO/MIDNIMO/MIDNIMO/ /MIDNIMO/MIDNIMO/MIDNIMO/MIDNIMO/MIDNIMO

Waxaa Diyaariyay:

Muxiyadiin Diiriye Nuur | mnur1@hotmail.com 
Ottawa-Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | August 6, 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD