SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
UJEEDO : BAAQ AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

Ku: Dhamaan waxgaradka Somaliyeed ee Ku Sugan Daafaha Aduunka

Ku : dhamaan Jaaliyadaha Ummadda Somaliyeed ee North America, Europe, Australia, New Zealand iyo Carabta

Ku : Dhamaan culima u diinka somaliyeed ee ku sugan daafaha aduunka dal iyo dibad

Ku: Dhamaan Jaaliyadaha Somali Galbeed ee North America, Europe, Australia, New Zealand

waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed

waxaase ayaan daro ah in aan wali dadku qaar fahmin micnaha QARANIMO iyo QABIIL farqiqa u dhaxeeya amaba laysku dayo in dadyowga qaar xabaalaan qadiyadii somalinimo iyaga had iyo jeer sheegta kuna hadaaqa wax yaabo dhalanteed ah sida iyaga oo jecel in dhamaan shacuubta somali galbeed loobixiyo magaca qabiilkooda taasi oo taageereysa qaybi oo xukuntii gumeysiga iyada oo asal ahaan magacu ka yimid gumeysigii ingiriiska

waxaa xusid mudan mujaahidiintii somaliyeed ee naftooda qaaliga ah u huray kuna shahiiday dhiigooduna ku daatey si ay duliga uga xoreeyaan walaala hooda somalida galbeed taasi oo had iyo jeer dadka qaar ka abaal daraan iskuna dayaan in ay xaqiraan boqolaalkii kun ee somalida ahaa ee ku naf waayey dhulkaa taariikhda ayaa marag ma doonta ah oo xuseysa cidii xaqa ku dhimatey iyo waxa ay u dhimatay dadka somalida galbeed waxaa ay u hayaan walaala-hooda somali weyn abaal aan dhamaaney iyo sharaf iyo cizi

Anagoo ah ururka dhalin-yarada somalida galbeed ee north america waxaanu taageer-sanahay baaqii cadaa ee sida wada jirka ah ay usoo saareen wax garad ka ummadda SOMALI GALBEED ee north-amerika baaqaas oo ahaa mid si dhab ah u qeexaya xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay ummadda somali galbeed


Baaqii somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn
GUJI... 

Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G
Umadda Ogaadeeniya ee geeska Afrika oo ah ummad ku jirta gacanta gumaysiga xabashida, ayaa ..
GUJI  Agoosto 1
DOODFURAN: GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED 


Baaq: Waxgaradka Somali Galbeed ee W/A
Woqooyiga Ameerika - Baaqan waxa uu ummada Soomaaliyeed ugu yeeray in...
GUJI  July 31
DOODFURAN: GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED 

ummadda somaliyeed waxaanu uga digeynaa in ay ka foojignaadaan kuwo wata magacyo Qabiil iyo midka kooxeed sida kuwa is ku tilmaamey OGADEN YOUTH ,OGADEN COMMUNITY , ONLF itc kuwaasi oo ah kuwa kala dhantaaley dhaawacna ugeystey midnimada,iyo isku duubnidii SOMALI GALBEED oo ah mid diyaar u ah in si wadajir loo xoreeyo wadanka iyo dadka somaliyeed ee duliga gumeysiga ku jira koox dani wadata magacyada qabiiliga ah ma jecla in runta laga hadlo ama qaladkooda ummadda loo sheego marka waxaanu leenahay QABIIL qaran manoqdo dhulna ma xoreeyo

hadaba waxaan dadka somaliyeed ee nabada iyo cadaalada jecel ugu baaqeynaa in xaalada dhabta ah ee somalida galbeed ku sugan tahay ay tahay CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMMA QODNA isla markaana loo baahan yahay in ay ka foojig-naadaan in ay si indho la'aan ah u taageeraan qabiil iyo koox gaar ah oo mabaadii'a ahaana aaminsan qabiil iyo qolo , isla markaana wata siyaasado guracan oo ka dhan ah somalida galbeed kuna saleysan dano gaar ah oo aan u cuntamin ,wakiilna ka noqon karin dadka faraha badan ee SOMALIDA GALBEED

Gaba-gabadii nuxurkii baaqa uruka dhalinyarad somalida galbeed waa sidan hoos ku qoran

Waxaa ururka dhalin yarada somalida galbeed ugu baaqayaa dhamaan shacabka somali galbeed meel walba oo aduunka ay joogaan in ay sameeystaan jaaliyado iyo community mideysan oo matala dhamaan jaaliyad kasta oo dibada meel walba oo aad joogtaan north amerika, europe,australia kaasi oo ah magaca somalida galbeed waana in aad ka foojig-naataan magac qabiil iyo wixii dhaawacaya midnimada somalida galbeed

waxaa ururka dhalin yarada somalida galbeed ku baaqayaa in lasoo nooleeyo mid-nimadii ummadda somali galbeed iyada oo loo marayo dariiqa ku haboon oo ku dhisan cadaalad iyo is faahan loona fuulo geed dheer iyo geed gaaban, isla markaana la saxo wax ala wixii qaldamey taasi oo ah tankali ah ee looga bixi karo heeryada gumeysiga sababta oo ah waxa la gumeystaa ma aha hal qabiil ee waa soomaali oo dhan oo ku jirta duli ( GUMEYSI MADOW )

waxaan ummadda somalida galbeed oogu baaqeynaa in ugu yaraan la helo hadaf siyaasi ah mideysan oo hooyo u ah ummada somalida galbeed kaas oo ka madax banaan qabiil iyo koox gaar ah

waxaa ururka dhalinyarada somalida galbeed ee north amerika ku baaqayaa in laga waan toobo sheegashada magacyada ku dhisan qabyaalada iyo qabiilka kaas oo kala dhantaalaya midnimada iyo wada jirka ummadda walaalaha ah ee somalida galbeed

waxaanu dhamaan ummadda somaliyeed ugu baaqeynaa in ay ogaadaan in Ururka is magacaabey ee mabaadiida qabiilka ku dhisan ee ONLF & OGADEN COMMUNITY aaney matalin wakiil na ka aheyn shacbiga somalida galbeed magacuna yahay kii gumeysigu bixiyey oo ay tahay in la khilaafo wixii ummadda kala-qeybinaya ee wax u dhimaya midnimadooda

shacabka sharafta leh ee somaliyeed waxaan usheegeynaa in ONLF ay sameysay kuna kordhisay GOBOLO IYO DEGMOOYIN cusub dhulka somalida galbeed iyo waliba maab cusub taasi oo u daneynaya qabiil gooni ah meelna ooga dhacday shacbi weynaha somali galbeed ee ku hoosjira gacanta gumeysiga

waxaanu shacabka somaliyeed ee sharafta leh oogu baaqeynaa in ay taageeradooda lacageed kala laabtaan OGADEN COMMUNITY oo ah urur qabiil iyo qolo gaar ah oo aan matalin wakiilna u aheyn somalida galbeed kaas oo had iyo jeer ka aruursada qaaraan umada somaliyeed dabcan marka lahelo jaaliyad iyo ururo xaq ah ee matala ummadda somali galbeed hala caawiyo oo hala taageero

Waxaan ummadda somaliyeed u sheegeynaa in marka la helo urur mideeya somali galbeed oo leh afkaar iyo hadaf mideysan kuna dhisan cadaalad in lala garab istaago taageero hiil iyo hoo ah laakiin in ta lawato magac qabiil gaara een matalin somali galbeed,kana tarjumeynin waa in laga fiir sadaa taageerada lasiinayo oo awood gaara siineya koox wadata dano qabiil ku dhisan

Faah faahin : Duulane Cumar Gurey somgalbeed@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | August 6, 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD