SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHIRKA: GEESKA AFRIKA OO LAGUQABTAY SWEDEN 

SHIR LOOGA WADA HADLAY ARIMAHA MURUGSAN EE GEESKA AFRIKA OO KA DHACAY SWEDEN

Shir si aada u heersareya ayey u soo abaabushay Xarunta Caalamiga ah ee Dib-u-dhiska Soomaliya, kana dhacay magaalada Lund ee Sweden maalmahii Sabtidii iyo Axadii la soo dhaafay (11-12-may-2002).

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen khubaro iyo Aqoonyahano u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Djibouti, Sudan, Eritrea, Ethiopia iyo Scandinavian-ka, kana kala yimid Waqooyiga Ameerika iyo Yurub ayaa waxaa ciwaan looga dhigay Wadashaqeyn in lagu bedelo dagaalada iyo Burburka Geeska Afrika (Co-operation instead of Wars and Destruction).

Shirkaan oo la’iigu sheegay in uu yahay kii ugu horeeyey oo noocan oo kale ah oo lagu qabto Sweden inta la og-yahay ayaa waxaa halkaa si rasmi ah u furay duqa magaalada Lund Lennart Ryde waxuuna si aad ah ugu dheeraaday taariikhda Jaamacada Lund oo ah tan ugu weyn Scandinavian-ka.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo si aad ah looga dhursugayey ayaa cod-baahiyihii ku soo dhowaadey waxaana durbadiiba joogsatey sanqadhii ka baxaysay hoolkii shirka lagu qabanayey, waxuuna guda galay ku talagalkiisii ahaa Sidee nabad waarta loogu soo dabaali karaa Geeska Afrika. Samatar ayaa si aad ah ugu dheereeraaday in Botuswaana iyo South-Afrika ay tusaale fiican u noqon karaan Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba, Itoobiya weli weeye oo waxaa meesha ka maqan Garsoorkii. Botuswaana waa dimoqoraadiyad ugu da’da weyn Afrika asalka qofku ka soo jeedana sharciga hortiisa waxba ugama tarayo oo jinsi faquuq ma jiro. Dowlada dhexe ayaa awooda badan leh ayadaana u yeerisa amaba hanatay dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda wadanka guud ahaan iyadoo aan faragalin ku samaynayn xoriyada balaaran oo ay goboladu u leeyihiin inay ku maareeyeen howl-goboleedkooda iyagoon ka baxeyn jaan goynta maamulka dhexe.


"shirarkii Boorame oo lagu dhisay waxa loogu yeero Somali-land, kii Garoowe oo lagu dhisay waxa loogu yeero Puntland iyo kii Carta oo lagu dhisay Dowladda KMG ee Baydhabo oo aan anigu ugu yeero." Prof. cabdi I. Samatar oo ka hadadlayey in aan dhismaha Soomaaliya lagu salayn karin Qabiil.

Ku dhaqankii qabyaaladda meesha ayey ka baxdey, Botuswaana waxay ku guuleysatey hogaamin waarta, hadana laga wada qeyb galay oo aan cidna la faquuqin waana labada uu Geeska Afrika ka maran yahay. Soomaali iyo dad kale oo badan ayaa ku dooda in Soomalidu tahay Qabiillo iyo Qawmiyado kala duwan oo taariikh kala duwan leh, waxaana tusaale fiican noqon karo Kiis ay qaadey maxkamad ku taala london oo ay shaqsiyaad Soomaali iyo Ingiriis ah ku doodayeen in Soomaalidu leedahay dhaqamo iyo Fahan Diineed oo kala duwan sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dib-u-dhiska Soomaaliya lagu saleeyo Qabiilo, anigu maanta waxaan u imid inaan taa burburiyo waxaana tusaale u soo qaadanayaa ayuu yiri Prof. Samatar shirarkii Boorame oo lagu dhisay waxa loogu yeero Somali-land, kii Garoowe oo lagu dhisay waxa loogu yeero Puntland iyo kii Carta oo lagu dhisay Dowladda KMG ee Baydhabo oo aan anigu ugu yeero. Waxay seddexda shirba Isaga mid yihiin salka wax lagu dhisay oo ah Qabiil waxuuna kii Carta kaga duwan yahay labada kale ciddii doonaysa way ka qeybgali kartay halka labada kale ay ku salaysnaayeen faquuq, waxayna iskaga wada mid ahaayeen habka waxa lagu qeybsadey oo ahaa wasaarad (X) waxaa iska leh Qabiilo (Y), Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”HAL XAARAAN AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”. Taariikh khaldan ayaa waqooyiga oo kale nalugu soo barbaariyey oo oranaysa inaan la mid ahayn Soomaalida kale, taasoo cunugu uu ku korayo dabadeedna caruurtiisa ku barbaarinayo salka iyo sababta arintaasna anigu ma garan ayuu yiri Prof. Samatar. Aqoonyahan masri ah ayaa yiri ”si aad u sameyso wax aan macquul ahayn waa inaad arki kartid lama arkaanka”.

Aqoonyahanka soomaaliyeed ayaad moodaa inay xagga aragtida ku kala duwan yihiin oo Pro. Saciid Sh.Samatar iyo Prof. I. M. Lewis oo Ingiriis ah oo isku tilmaamo inii yahay Soomali yaqaan ayaa waxay aaminsan yihiin in xalka soomaalida Salka laga soo unko iyagoo u arka in qeybo qeybo loo kala qeybiyo Soomaaliya halka Prof.Abdi Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahanno kaleba ay aaminsan yihiin in marka hore la helo Dowlad dhexe oo hanan karta amaanka iyo kala dambeynta dalka dabadeedna la helo maamul goboleedyo xoriyad balaaran u leh maareynta howl-gobaleedkooda iyagoon ka bixin jaangoynta maamulka dhexe. Habadda waqtiga iyo shacbiga soomaaliyeed ayey u taal dhaxalka ay doonayaan inay u reebaan udubkooda.

Dhanka kale waxaa shirkaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda KMG Dr. Zakarie Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku nuuxnuuxsaday faragelinta qaawan ee ay Itoobiya ku hayso arimaha Soomaaliya iyo sida ay Dowaladdu isugu dayday inay caadiyeyso xiriirka labada waddan, nasiibdarase ay Dowlada Itoobiya doorbiday inay hiil iyo hooba siiso waxa uu ugu yeeray qabqablayaasha dagaalka oo dhiig fara badan oo soomaaliyeed daadiyey hadana sii wada. Waxuu kaloo cadeeyey in Caalamku uusan u garab istaagin dowlada KMG sidii la rabey.

Prof. Mammo Muchie oo ah Itoobiyaan wax ka dhiga jaamac ku taala Denmark ayaa waxuu si aad ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Aqoonta iyo Caqliga Afrika iskaashadaan si looga badbaado waxa uu ugu yeeray Awooda Deeqda (Power of Aid) iyo khatarta hay’adaha aan dowliga ahayni (NGO) ku hayaan horumarka Afrika. Waxuu sidoo kale weereray siyaasada deyneed ee hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.

Prof. Mammo ayaa daaha ka rogey in wasaarada Arimaha dibada ee Mareykanaka ay soo saartey sanadkii hore dokumiinti ay ku cadeynayso in si heer qaran ah looga shiray loona arkey in uu khatar weyn ku yahay danaha mareykanka ee dunida saddexaad iyo Afrikaba dhaqdhaqaaqii uu waday aabihii Isutaga Afrika ee Nakruuma (Madaxweynihii Hore ee Gaana), haddaba waa inaanan ku mashquulin xaduudaha uu gumaystahu noo dhigay oo aan garanaa in xoriyadeena aan gacmaheena ku haysano iskana eegnaa cadowga xaqiiqiga ah ee dibada. Prof. Mammo ayaa u muuqday inuu yahay Nakruumaha cusub ee Afrika loona sacbiyey in ka badan shan daqiiqo markuu dhameeyey hadalkiisii.

Waxaa sidoo kale warbixin ka soo jeediyey C/shakuur Cabdulle oo ka mid ah Gudiga nabaddeynta Puntland heerarkii iyo xaaladahii kala duwanaa ee uu soo maray isku daygii nabad raadineed ee Puntland iyo halka uu ku dambeeyey.

Waxaa shirkaa ka hadlay Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin swedish iyo Afrikaanba leh oo aanan dhamaantood halkaan ku soo wada koobi karin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badan oo halkaa iskugu yimid u riyaaqeen in Aqoonta Afrika gaar ahaan tan Geeska Afrika aysan qori caaraddi ku wada hadlin ee ay ku wada hadasho qalinka afkiisa.

C/xakiim Axmed Guuleed
Sweden, Sweden
guledhakim@yahoo.com
 

DAABACAAD: May 16, 2002 

Xaflad Lagu- sagootinayo labo kamida gabdhihii Caafimaadka Loo Keenay Australia

Waxaa 18ka May magaalada Melbourne kadhicidoona xaflad ballaaran oo GUJI.HALKAN  

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.