SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga

Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa.

 fikrada maqaamka xamarcaddeey ee: maxuu ka qabaa Dr Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidi golf).

 Mr Tooxoow, Waan ku salaamay. Qormadii aad ku soo bandhigtay saxaafadda ama internetka,  badanaaba waan la socday, intooda badanse kama jawaabin oo akhriste guud inaan ka noqdo ayaan ka door-biday. Haddaba Doodisweeydaarsigii maqaamka Muqadishow (status of mogadishow city) waxaa la yaab leh in mr Towxow u ka soo yeero erey dadbadan ka dhakafaariyay. hadii aan faahfaahiyo ereygii Mr Toowxoow waxaa jirtaa in uu isticmaalay eray isir quursi ah, kaasoo ah GIBILCAD. 

X A Y A Y S I I S
Internet-Access Soomaaliyeed oo laga furay Minnesota GUJI...
BOOQO BOGGA IIDHEH-DA
Waa Maxay IP-address:
Computerkasta oo dunida yaal waxa uu leeyahay lambar u gaara, kaas oo aan Computerkale la wadaagin, kaas ayaa loo yaqaan
IP-address, waana kan lagu garto halka uu dunida ka yaal Computerkaas. Waa lamba u qorma sidan: 123.45.6....., waana lambar aad muhiim u ah, waa lambarka lagu helo dadka rabshada u geysta website ama email iwm. Sida lagu ogaado IP-addresska email laguusoo diray iyo macluumaad la xiriira IP-address iyo ISP waxaad ka helidoontaan CD-ga AfSoomaaliga insha Allah kusoo bixi doona dhowaan.

Hadaba Mr towxoow miyuusan ogeeyn in bi'niaadamka isugu jiro midabadda kala ah caddaan, madow, casaan, kuwaas oo kuligooda ah abuur ilaaheey.waxaa kalo muuqato in Mr. Tooxowoow u warba u hayn in qowmiyadda Banaadirigu isugu jirto dad madow iyo dad cad sida qowmiyadaha kale. waxaa Haboonaan laheeyd in Towxoow ka waantowow ereyadda u sida gaar ah ula jeedo isir quursiga . qooyska Banaadiriga waxaa lagu soo abaabiya Xasilooni iyo La'dhaqanka Dariska. ayagoo ka tusma qadanaaya awaamiirta ama wajibaadka ilaaheey faray .

Dadku waxay ka soo farcameen nebi AAden ( midabkay doonaan ha lahaadeen), waxaana ilaahay ka wada abuuray dhoobo.

Alle wuxuu xadiith qudsi ku yiri:" Dulmiga Naftayda Ayaan ka Xaarantimeeyey idiinka Dhexdiinana waxaan ka yeelay Xaaraan ", intaas oo kaliya ma aha ee lama soo koobi karo aayadaha Qur''aanka kariimka ah ee ka hadlaya dhawritaanka xuquuqda insaanka, waxaana nooga filan nuxurka iyo murtida qaaliga ah ee ay xambaarsan yihiin Aayadaha 83 surt.Qasas,38 surt.Isra iyo 18aad surt.luqmaan, kuwaas oo Alle nooga digayo in aan isku xadgudubno dhexdeena, naguna boorinayo in ciribta san ay mutaysanayaan kuwa aan iskibrin, dhulkana aan ku samayn fasahaad iyo amar_ku_taaglayn.

sidoo kale Xeerka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadamiga ah wuxuu Cadeeynayaa xuquuqda siman ee bi'niaadamka ayadoo aan loo eegeyn midibada dadka iyo qowmiyadahooda :(Article 2) "Declaration, without distinction of any kind, such as race, colour.

aduunya daris, aaqiro daris,iyo waliba is xaqdhoor. aniga ahaan aflagaadeemaayo dhibaato u geysanmaayo wallaalahey Xamar Daye iyo inta nala degta XamarCaddeey . Waa su'aal da' weyn...yaa xamar logu yimid,oo asali ah ( aboriginal)? Hadanna waxaa is-weydiin leh waxa kalifay inaan jawaab-celin ka bixiyo arrimaha aad qoraalkaada ku xustay. Tan 1-aad waxay iila muuqataa inaad tahay nin aad u da' yar, oo waliba waxa aqoon aad u laheeyn Taariikh- ,Soojireenka ah ee gobolka Banaadiriga,oo aan marnaba mugdi galin hadanna wali la geli karin oo sida dayaxa oo kale u muuqdaan,iyo dhaqanka Banaadiriga iyo caadooynka ,Soomaaliyeed;adiga towxoow ah Tan 2-aad, Waxaad meel uga dhacaysaa taariikhda iyo xaddaaradda QAWMIYADDA BANAADIRIGA EE SOOMAALIYEE adigoo wali qoraalkaagaba ku cadeeysay gibilcad taas oo xitaa ka reeban diiniya iyo xuquuq insaanka Caalamiga.

 ma maqashay waligaa maahmaahda Banaadiriga oo leh:: *.waa la aaweeyaa nin ku aamine ku asxaame weliisa afkiisa ku samaade aa mis yira oos ooyo uurkiisa xumaade la arwaaxiyaa lo ordaaye*?.

Haddii ay kula noqotayMr.Towxoow in 12-kii sanno ee dagaalka sokeey socday, wadanka la baabiyo ,isla markaana hantidii taariikhda Ummadda la bililiiqeysto waa waxaan súragal aheeyn. waxaan kaloo surta gal aheeyn in la marin habaabiyo taariikhda sooyaalka ah ee ummadda Soomaaliyeed .waxaa shaki ku jirin in dhulka soomaaliyeed u jiray mudo fog, ayadoo gobalka banadir u ka mid yahay meelaha uga faca weeyn Deegaanada soomaaliyeed .hadii taariiikhda dib u milicsano waxaa jira Dokumeentiiyo taariikhi ah oo ka hadlaayaa facweeynida goboolka banaadiri iyo dadka asal ahaan ku abtirsadda Deegaanka Banaadiriga .

 Buugga SIEK-KIEK IN SOMALIA 1928 ee uu Qoray RENZO MEREGAZZI

Buuggan wuxuu si caddaan ah u Bayaaminaaya ama shaaca uga qaadayaa cida loogu yimid Xamar asal ahaan.

Qabiilada ku soo horeeyay waxay kala yahiin sida u tilmaamayo Yacquub, Asharaaf, Cammuudi. Saddexgeeddi, Reer Maanyo, Shaanshi, Dhabar Weeyne, Bandhawow, Reer Faqay.

Sidoo kale,waxaa buuggan ku xusan qabiillada u soo haajiray Xamar, kuwaasoo kala ah, Shiiqaal, Abgaal, Habargedir, Hillibi, Moobleeyn, Murusade, Majeerteeyn, Isaak, Ogaadeen, Biimaal, Sawaaxili, Baraawaan.,

Haddaba, tixraaca buuggani waxaa laga soo minguuriyay buugga talyaaniga ah ee hoos ku qoran.

SIEK-SIEK IN SOMALIA ( Buug )

Qore : Renzo Meregazzi  

 ,R.Bemporad & figlio ,editori--Firenze,1928

Stab.Tip.Giannini & Giovannelli,via della pergola 16, firenze.

Fiiri bogga 18aad waxaa ku qoran sidaan .

Le Cabile originarie di Mogadiscio sono:Jacub, Asceraf, Amudi, Seddaglie,, Rer Magno, Scascerti, Dabaruini, Bandabo, Rer Faghi,.

Cabile immigratesono:Scekal, Abgal, Averghedir, Illivi, Mobilen, Mursala, Migiurtini, Isak, Ogaden, Bimal,Suahili, Bravani,.Assimilati gli Ebrei, Gli Indiani, Gli Arabi,E gli Eritrei.

 . Ummadaha way kufaannaan taariikhdooda sida Taariikhda Caasimadda Xamar oo kale. Taariikhda asalka ah ee Xamar waa wax la soo koobi karin marka loo baahdo in la tartamo marka lagu cabiro ambase lagu dhereriyo taariikhaha ummadaha adduunka..hadaba waxaa is weydiinleh Muddadii laba iyo tobanka sano aheed ee la soo dhaafay waxaa jiray in taariikhdii mugdi la geliyay,taasoo ah arrin aan maangal ahayn.waliba caqliyadda kafog .

waxaa la yiray: Beentaada hore runtaada danbay u baas baxdaa..... hadal badan haan ma buuxsho, ninkiin sabraa setkiisa waa helaa, maanta waxay taagantahay Dukumeenti ha lagu soo bandhigo via internetka.oo soomaalida ka markhaati kacaayaan.

fiiro gaar ah la'dooni maayo hadal ku tiri kuteeyn? iyo af lagaado. ee waxaa laga doonayaa Dukumeentis Taariikh leh iyo tixraacba.waliba la taaban karo.

 hadaba waxaad qoraalkaaga ku xustay Mr. Tooxow inaad Dukumeentiiyo Taariikhi ah aad ku soo bandhigidoonto Internetka hadaba waxaan ka rajeyneynnaa in Dukumeentigaasi laga wada faaiideeysto, sidad Dukumeentiga qormadeeyda aad ku araktid oo kale.waxaa la yiri :nin weysa u dhoorani aadaanka marku maqloo kama naxo..

ugu danbeentii waxaan ku soo gunaannadayaa Xamar iyo Xamardaye way is yaqaaniin ee uma baahano Dhex-yaal.

murtii soomaaliyeed Ayaa oraneysa : Albaab uusan lahayn ninkii garaaca waajibkiisuu helaa

wabilaahi Towfiiq

Gu'doomiye kuxigeenka uurka SANU ee Banaadiriga

Dr. Cabdulkadir Suudi maxamed (muriidi golf )

E-mailto: muriidigulf@hotmail.com  

E-mailto: reerxamarta@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk

FAAFIN: Agoosto 22, 2002  

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QADO SHARAF LAGU SAMEEYEY QASRIGA MADAXTOOYADA PUNTLAND: 9 Agoosto 2002-Waxa booqday Boosaaso wafti reer  Jubaland oo uu hogaaminayo Gen. Morgan.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa  u sameeyey Waftiga reer Jubaland qado sharaf Qasriga Madaxtooyada
Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay Qado Sharafta Madax Sare ee Dawladda Puntland sida Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirro, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo marti sharaf kale.

ISHA: Xafiiska plpresidency@yahoo.com  


cigaal Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977  GUJI

Kaqayb qaado dhismaha Masjidka Abubakar ee Seattle, Washington GUJI... 



prof. Samatar"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..." Prof. Samatar
Sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, GUJI.. 20/8 


QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8 

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD