SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SWEDEN
URURKA MIDOWGA AFRIKA ( AU ) - HORUMAR MA UKEENI DOONAA AFRIKA??

Midowga Afrika (AU, African Union) ee lagu aasaasay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika 9-kii luulyo ayaa wuxuu rajo ku dhalinayaa dadka faqriga ah ee ku nool qaarada Afrika ee dagaalada iyo dhibaatooyinka ku habsadeen. 39 sano ka dib aasaaskii ururkii OAU ayey madaxda hogaamiya wadamada Afrika ogaadeen in ururkaas uusan wax xal dhaqaale ama mid siyaasadeed u keenin dhibaatooyinka hortaagan in qaaradaas ay gaarto horumar. Suaashu waxay tahay intee in laŽeg ayuu AU ka duwanaan doonaa kii ka horeeyey OAU.

QORAALADII HAYAAN
ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE MAANTA JIRAA WAA KUWAN GUJI...

MAADAAMA DAD SHISHEEYE AYNA XALIN KARIN QILAAFKEENA, WAA IN NABADUNA MASKAXDEENA KASOO DHALATAA. GUJI... 

Halgankii xornimo doonka wadamada Afrika ee lagula dagaalamayey gumaysigii ayaa ka danbeeyey dhalashadii urukii OAU. Asaaskiisii sanadkii 1963 waxaa xor ahaa oo kaliya 32 wadan. Intaas intii ka danbeysay wuxuu ururku shaqadiisa ahayd la dagaalanka cunsuriyada, saamayntii dagaalkii qaboobaa, faragalinta shisheeye ay kuhayeen arimaha gudaha ee wadamada Afrika iyo ladagaalamkii siyaasadii cunsurinimada ee ka jirtay dalka Koonfur Afrika. Ururkii OAU 39-kii sano uu jiray waxaa ku dhacay isbedel dimoqraadi ah. Bilowgii 1980-kii waxaa doorashooyin xor ah oo dimoqraadi ah laga sameeyey oo kaliya 4 wadan oo Afrikan ah.Intii u dhaxetsay sanadadii 1990 ilaa 1994 waxaa doorashooyin xor ah laga sameeyey 38 wadan oo Afrikan. OAU wuxuu bilaabay inuu musuqmaasuqnida u arko mid hortaagan horumarka dhaqaale iyo xasilooni ka dhalata bulshooyinka Afrika. Laakiin waxaa OAU lagu canbaareyn jiray inuu kaalintii looga baahnaa uusan kagalin wax kaqabashada danbiyada xuquuqda bani Žaadamka. OAU waxba kama qaban danbiyada ay kaligitaliyayaasha lagaleen xuquuqda bani Žaadinimada iyo dhacii ay ugeesteen dhaqaalihii wadamadooda.

OAU waxaa lagu canbaarayn jiray inuu ahaa urur kaligiitaliyayaal (diktatorship) ah sidaa daraadeed ayaa ururkan cusub waxaa la dhisay iyadoo lagu dayanayo ururka Midowga Yurub EU. Ujeedada ururkan cusub ayaa waxay tahay inuu noqdo urur bulsho lehna hayŽado maamul sida hal baarlamaan ka dhaxeeya wadammada Afrika oo dhan, maxkamad, bangi Afrikan ah iyo hal lacag oo ugooni ah Afrika mustaqbalka dhow. AU wuxuu doonayaa in mar danbe ayna kaligitaliyeyaasha ku soo gaban madaxbanaanimada qaranimo marka ay galayaan danbiyada dhaca ah iyo dilka, sidaa daraadeedna uu AU lahaado awood kuu kugalo wadamada dhibaatooyinka dilka ay ka dhacayaan, sida Soomaliya Ruwanda iyo Siiraaliyoon. Guuldaradii ugu weyneyd ee OAU ayaa waxay aheyd inuu ku guuldareystay kor u qaadidii heer nololeedka bulshooyinka Afrika. Badi shacabka ku nool Afrika waxay xornimadii 60-maadkii iyo intii ka danbeysay ay ka qaadeen faqri dhaqaale.

Si Afrika looga sameeyo firfircooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa waxa la sameeyey qorshe ku saabsan sidii soo kabasho dhaqaale looga sameyn lahaa Afrika kaasoo loogu magacdaray New Partnership For AfricaŽs Development (NEPAD). Qorshahan cusub ayaa ah mid ka tusaale qaadanaya Qorshii Marshall ee Yurub waqtigii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka. Ujeedada ayaa ah in wadamada Afrika ay helaan maalgalin dhaqaale isla markaana ay balanqaadaan inay sameyn doonaan maamulo dimoqraadino ku dhisan. Arintaan ayaa ay sideeda wadan ee horumaray loona yaqaan G-8 ugu balanqaadeen kulankoodii dhowr bilood ka hor ka dhacay wadanka Kanada.

Caleemo Saarka Ururka Cusub ee Midowga Afrika (AU)ee Durban

Inkastoo ururkan cusub ee AU uu leeyahay awood ka balaaran ururkii ka horeeyey ee OAU, kuna hagi karo Afrika horumar dhaqaale una soo jiidi karo maalgelin dhaqaale, ayaa hadana waxay suŽaashu tahay, 53 wadan is dhan ma uwada socon karaan??. Arinta ugu adag ee ururkan cusub ka hor imaan doonta ayaa waxay noqoneysaa sidii uu faragelin milatari uga sameyn lahaa xubnaha ururka ee dagaalada sokeeye ka jiraan ama qalalaase iyo xasilooni daro ka jiraan. Waxaa kaloo iyada isweydiin mudan, 53 madaxweyne oo aan marar badan ka heysan caawimaad shacabkooda amaba aanan aqoon weyn ulaheyn xaaladaha haysata, malaga yaabaa inay fuliyaan ama raacaan goŽaamada iyo xeerarka uu dajistey ururkan cusub??. Waxaa laga yaabaa in gudiga nabada- iyo amaanka ee AU ee lagu ansaxiyey magaalada Durban ayna ansixiyeen madaxweynayaasha wadamada Afrika uu wax ka qabto dhibaatooyinka noocan oo kala ah. Guuldaro ku timaada ururka ayaa waxay dhalin doontaa in ururka loo arko mid aan awood dhab ah laheyn waxna aana ka qaban karin maamulada kaligitaliyeyaasha ah ee dhibaatada kuhaya shacabka Afrika kunool.

Ururka AU waxaa uu guuleysan karaa oo kaliya hadii uu kaga daydo kan Yurub EU fikrad ahaan iyo ficil ahaanba. Wadammada xubnaha ka ah ururka waa inay balanqaadaan maamulo xor ah ayna bulshooyinka ku nool Afrika ay ka qeybqaataan. Waa iney balanqaadaan doorashooyin xor ah, xisbiyo badan oo xor ah, dhaqaalayaal aan musuqmaasuq ku socon iyo raacida sharciyada iyo xeerarka u degsan wadamada iyo ururkaba. Wax kastoo ay hogaamiyeyaasha ay goŽaamiyaanba waxaa ka weyn tan shaqsiga muwaadinka ee afrikaanka uu goŽaansado. In OAU lagu bedelo AU wuxuu micno sameyn doonaa oo kaliya hadii isbedel weyn oo dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ka bedela nolosha muwaadiniinta afrikaanka laga dhaliyo qaarada.

Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil, Sweden

hayan74@hotmail.com 

DOODFURAN: AU iyo Aragtida Dadweynaha

QORAALKII HORE EE HAYAAN......

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  

Xuseen Caydiid ma Askari mise


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD