SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WAR - MURTIYEED
DAWLAD G. PUNTLAND EE SOMALIYA  | PUNTLAND STATE OF SOMALIA

XAFIISKA MADAXWEYNAHA | Office of The President

WR-0009/2002 August 20, 2002

Ku: Mas’uuliyiinta Saddexda Gole ee Dawlad-Goboleedka Puntland Fadhiyadooda

Ku: Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahannada iyo Ururada Bulshada Fadhiyadooda

Ku: Jaaliyadaha DGPL ee Debedaha Deggan Fadhiyadooda

Ku: Ururada Caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ah Fadhiyadooda

Ku: Dadweynaha DGPL

WAR MURTIYEED

Waxaa marag ma doonta ah waxa ka dhacaya degalada Puntland in ay yihiin mid ka baxsan xuquuqda insaanka iyo midka xadaaradeedba. Waa dabartir dhinac walba ah hadey ahaan laheyd mid qawmiyadeed, dhaqaale, degaan iyo mid horumarineedba. Waxaa hubaal ah in kacdoonkan burburineed uu hogaaminayo Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana xaqiiq in ay ka dambeyso gacan shisheeyo oo xasad iyo xumaan dheeraad ah u qaba shacabka Soomaaliyeed; kolka Col. C/llaahina uu ku caan baxay u adeegida shisheeyaha, isaga oo leh hadaf gaaban.

I  I  D  H  E  H
Internet-Access Soomaaliyeed oo laga furay Minnesota GUJI...
BOOQO BOGGA IIDHEH-DA
Waa Maxay IP-address:
Computerkasta oo dunida yaal waxa uu leeyahay lambar u gaara, kaas oo aan Computerkale la wadaagin, kaas ayaa loo yaqaan
IP-address, waana kan lagu garto halka uu dunida ka yaal Computerkaas. Waa lamba u qorma sidan: 123.45.6....., waana lambar aad muhiim u ah, waa lambarka lagu helo dadka rabshada u geysta website ama email iwm. Sida lagu ogaado IP-addresska email laguusoo diray iyo macluumaad la xiriira IP-address iyo ISP waxaad ka helidoontaan CD-ga AfSoomaaliga insha Allah kusoo bixi doona dhowaan.

Waxaan aad uga xumahay dhibaatadii lixaadka lahaa ee soo gaarey shacabka Puntland ee isugu jirey dhimasho, dhaawac, hanti la lunsado, argagax, jir dil lagu sameeyo shacabka xalaasha ah iyo dhibanayaal badan oo xabsiga loo taxaabo iyaga oo aan galabsan wax dambi ah. Run ahaantii baaba’akan waxaa ka taliyey wax aan wax garaneyn oo uu hagayo Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waana mid xilliga iyo waqtiga uu xalin doono. Waxaana shacabka Puntland ku boorinyaa in Rabi la talo saarto, xumaantana meel looga soo wada jeesto.

Waxaan mar kale si cad u caddeynayaa in dilkii Suldaan Axmed Maxamed Hurre uu ahaa mid aaney taariikhda iyo dareenka shacabka aaney marna ilaaweyn ilaa dambiilayaashii falkan ku kacay la keeno cadaalada, waana mid cad in falkan uu yahay fal naxariis daro ah iyo mid ka fog Islaanimada. Waa taariikh mugdi ah oo ay dib u hilaaciyeen Maleeshiyada gaarka ah ee Col. Cabdullaahi Yuusuf, waana mid is weydiin mudan waxa gacantooda gaarsiiyey odey dhaqameedyadii aan u niqiin "birri ma geydo".

Waxaan mar kale, dhambaal tacsi u dirayaa shacabka Puntland, ehaladiisa, iyo reerihiisa oo kala degan London iyo Nugaal; aniga oo la qeybsanaya tiiraanyada la soo gudboonaatey, kana xun gacanta xaqdarada ku dishey. Waxaana leeyahay Ilaahey naxariistii Jano ha siiyo, inagana samir iyo iimaan Rabi hanaga siiyo.

Maamulka xaqa ah ee DGPL, oo aan madaxda ka ahay waxaan caddeynaynaa in aanu ka qeyb qaadan doono idanka Eebe wada xaajoodka iyo israaca ummadda Soomaaliyeed ee ka dhacaya wadanka Kenya, inaga oo qabna rajo weyn oo lagu gaarayo guul iyo mawaafaqo waarta.

Ugu dambeyn, waxaan aad ugu digayaa Maleeshiyada burcadka ah ee boobka iyo dhaca ku heysa bulshada Puntland in ay isaga baxaan magaalooyinka ay jajuubka ku haystaan, ayna ku noqdaan beelahooda iyo magaalooyinkii ay weerarka ka soo qaadeen.

Mudane, Jaamac Cali Jaamc

Madaxweynaha DGPL



Qoraalkan kala xiriir: Osman Mahamoud | omahamoud@yahoo.com 

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

FAAFIN: Agoosto 24, 2002  

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QADO SHARAF LAGU SAMEEYEY QASRIGA MADAXTOOYADA PUNTLAND: 9 Agoosto 2002-Waxa booqday Boosaaso wafti reer  Jubaland oo uu hogaaminayo Gen. Morgan.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa  u sameeyey Waftiga reer Jubaland qado sharaf Qasriga Madaxtooyada
Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay Qado Sharafta Madax Sare ee Dawladda Puntland sida Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirro, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo marti sharaf kale.

ISHA: Xafiiska plpresidency@yahoo.com  


cigaal Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977  GUJI

Kaqayb qaado dhismaha Masjidka Abubakar ee Seattle, Washington GUJI... 



prof. Samatar"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..." Prof. Samatar
Sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, GUJI.. 20/8 


QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8 

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD