SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - EAU
EAUJaamacadda  Bariga Africa ee Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Laguna Dhisay Kobcinta Aqoonta Bulshada Soomaaliyeed

Waxbarshadu waa arin aad iyo aad muhiim ugu ah dadka ilaahay abuuray, la'aanteedna waxaa ay dadku ku sugan yihiin baadi cad. Waxbarshadaasuna waa in ay noqotaa mida saxa ah ee keeni karta horumar bulsho, waddan iyo mid qof ahaaneedba. Markaas ayaa waxbarshadu noqonkartaa mid horumar lagu gaaro. Sidaas darteed waa shay muhiim ah in xarumaha wax lagu barto, tayadooda iyo tabartoodaba kor loogu qaado si aayatiinka bulshadu uu u noqdo mid horumarkeeda qayb qaata.

Dhollowaa & Mashruuca ubadka Dhibaataysan ee Soomaaliyeed 

Taas ayaa keenatay in aan aad iyo aad isugu taxa-lujiyo sidii aniguna qof ahaan aan wax u baran lahaa, dadka kalena ugu baraarujiyo in ay waxbartaan. Taas waxaa ii dheer in aan isku taxalujiyo in aan inta karaankayga ah tayo iyo tabarba wixii  aan awoodo wax la qabato Jaamacada Bariga Africa ( East African University)ee ku taala magaalada Bosaaso ee dalkeena hooyo. Taasina waa mid waajib igu ah, maadama aan awoodo in aan caawino, aniga oo isticmaalayaa maalkayga, muruqayga, maskadayda, saaxiibaday iyo wakhtigaygaba. Taasina kuma imaan masayr, ee waxay ku timid waxbarsho jacayl iyo ka fekerida aayatiinka ubadka Somaaliyeed ee haatan xabadu kala qoqobtay.

Ilaa hada waxaan Jaamacada Bariga Africa (East African Univesity) u haynaa qalab iyo boog gaaraysa ilaa 3 kun oo buug, kuwaas oo isugu jira qaybo kala duwan, sida taariikhda, sharciyada, cilmiyada bulshada, luuqadadaha, ganacsiga iyo maamulka. Waxaa kale oon ogahay in sida waddanka Australia oo kale ay jiraan dad kale oo iyana inta aan anagu qabanay labo jibaarkeed jaamacdaas u qabtay, iyaga oo u diray buugaag, computers, printers iyo qalab kale oo badan oo jaamacda iyo ardaydeedaba faa'iido weyn u leh. Waxana qabaa in dadkaas loogu mahad celiyo hawshaas wanaagsan ee ay qabteen. Waxaana haboon in laga dhowr hadalada qaarkood, khaasatan kuwa niyaddooda daqmi kara, sababta oo ah filimaayo in jaamacdaas lagu furay "Masayr", ee ay sababtu tahay kordhinta aqoonta bulshada Somaliyeed, khaasatan kuwa ku nool dhulka haatan lasku yiraahdo Puntland oo iyagu aan horay u lahay jaamacada, wakhtigii jaamacadaas la dhisay iyo haatana aan awood u lahay in ay caruurtooda u dirsadaan jaamacadaha ku yaala Muqdisho, Boorame amaba Hargaysaba, arimo badan aawadood.
samatar
Prof Cabdi Samatar "Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa... haa waa labilaabay jaamacadaas laakiin uma dhawa midda Camuud & midda Hargaysa iyo Muqdisho,..GUJI.

Waxaa naasib daro ah in dadkii aqoonta lahaa ee aan filayney in ay shucuurtayada kor u qaadaan iyaga oo naguubaabinya ay haatan noqdaan kuwo na niyad jebiya. Hadaalkaas waxaan u la dan leeyahay walaalkay Prof. Samatar oo khudbad uu jeediyey dhowr kelmedood oo ka mid ahi shucuurtayda saamayeen.

Waxaan maqashoonahay in wakhtiga xaadirka ah ay Somaaliya ka dhisan yihiin jaamacada badan oo ka kala dhisan, Muqdisho, Hargeysa, Boorame iyo Bosaaso. Waxaa kale oo igu maaqaale ah in Baydhabo iyo Beledweynana laga dhisayo. Arinkaasina waa mid aad loogu faraxo sababta oo ah wanaag ayey dhalinyaan maadaama ay ka qayb qaadanayaa mustaqbalka bulshada iyo dalkaba.

Waxaan qabaa in kuligood ku yimaadeen sababo badan, oo ay ugu horayso kala qoqobnaanta ummadda Somaliyeed. In muda ahba dadka Somaaliyeed si baqdin la'aan ah iguma gudbayn. Sababta oo ah waxaa dadkeena Somaaliyeed iska asleen bilaawaha, welina gacanta ayuu inooku jiraan, lamana dhigin. Taasina waxaa ay keenata in aan waxbarshadii la joojin, horumar dheeradan la bilaabo. Taas ayaana keenatay in meelo badan hoy waxbarasho laga dhiso. Waxaana aad iyo aad u caawinay dadka Somaliyeed ee waddanka dibadiisa iyo gudihiisaba ku kala nool. Hoyadaasna haatan way shaqayaan waxbadan ayeyna dadkee tareen.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in dhamaanba dadka Somaliyeed qaybteed aqoonta lehi ay aad u guubaabiso inta kale si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarshada ummada Somaliyeed. Waxaan ka codsanayaa in dadka Prof. Samatar oo kale ahi noo noqdaan hormood aanu ku dayano. Waxaan kale oo ka codsanayaa in aanay nagu noqon kuwo na niyad jebiya oo shucuurtayad wax u dhima.

===========================
dholowaa dhollowaa
Ciise Maxamud Faarax "Dhollowaa"
imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Victoria
Australia
Phone; 0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)

 FAAFIN: September 9, 2002

 Warbixintii Hore ee EAU: http://somalitalk.com/eau

DOODFURAN: ARAGTIDII DADWEYNAHA EE HADALKII Pr. SAMATAR: 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
Qoraalka ku qoran Boxes-ka.jpg (48456 bytes)
Qoraalka ku qoran Boxes-ka
Sheekh Ciise, Ciise Dhollowaa, Dr David.jpg (73086 bytes)
Sheekh Ciise. Ciise Dhollowaa. Dr.David
Gudiga Bookta2.jpg (72887 bytes)
Gudiga Buugta
Bookta1.jpg (58505 bytes)
deeqda buugaagta
Bookta laga baxshey Latrobe Bookshopka.jpg (175352 bytes)

Bookta laga baxshey Latrobe Bookshopka


MASHRUUCA SAMAFALKA SOMHEEDO http://somalitalk.com/somheedo


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD