SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA  - DADWEYNAHA
War Been Abuura "Ruunkinet"
Dr Abdullahi Doolow

 

July 28, 2002

CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey
, waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan

Waxaan dhamaan dadweynaha ogeysiinayaa in war been ah oo kusoo baxey maanta 28/7/02 websiteka ku caanka ah beenta ee Ruunkinet islamarkaan uu kasii xigtey websiteka hiiraan online ee horadhiciisu ahaa in Muuse Suudi Iyo Cumar Finish eey isi soo hor fariisteen ayaa ahaa war beena oo xaqiiqdana ka fog.
 
Waxuu caadeystey Cabdullahi Macalin faax oo ah xildhibaan u shaqeeyo cabdi qaasim kooxdiisa ahna tifatiraha Ruunkinet inuu war aan sugneyn markasto ka sheego dadka walaalaha ah ee Mudulood isagoo danta uu ka leeyahey la eg tan uu ka leeyahey Cusmaan Caato  oo ah ninka uu isagu ugu adeego webkaas kuna tilmaamo saaxiib wanaagsan.
 
Waxaan markasto ku faraxsanahey dadaal nabdeed oo laga dhex abuuro dad walaalo ah oo dagaalamey, saxaafdana waxaa ku haboon iney sheegaan waxi dhacey Xaajiga oo ka qeybgalo kulan noocaasna waa wax aduunka laga sheegi lahaa mana uusan noqon laheyn mid Ruunkinet kaliya uu helo.
 
Anagoo tixraaceyna qoraalka Ruunkinet ayaan la xiriieney xarunta Alxaaji ee xaafad Madiina iyo saraakil ku dhow Walaalkey Cumar Yare, intaas kadib waxey noo xaqiijiyeen in Xaajigu uusan ka qeyb galin kulankaas balse uusan marnaba ka horjeedin in nabad la gaaro dadka walaalaha ahna eey is gacan qaadaan.
 
Waxaan si gaara uga codsanayaa Hiiraan Online si hoose iyo si sareba in warkaas eey hubiso cadeysana haddii eey u heyso wax cadeyna kana duwan dulmilayaasha Ruunkinet, intaas kadibna kasaarto beejkeeda kana sameeso cudur daar warka beenta ah aana marna mudneyn in la soo xigto.
 
Ruunkinetsa  iyo Cabdullahi Faxna waa kuwa aan mudneyn in cudur aan ka codsado waayo dambigooda maahan mid iyo labo.
 
Mahadsanidiin.
 
Dr Abdullahi Doolow
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk

SOMALITALK.COM | July 28, 2002

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.