SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MAQAAL
 Qaylo Dhaan

Ninkii hadlaa habartiina wax siisaa, maanta masiibada Soomaaliya maaha mid dadka Soomaaliyeed ka soo kaban karaan hadii aan la helin cudud ballaadhan, gurmad iyo maskax hogaan leh oo ay horseed ka yihiin dadka Soomaaliyeed.

Waxaynu maanta maqal iyo goob joogba u nahay waxa Soomaaliya ka socda guud ahaan iyo gaar ahaan caasimadii quruxda badnayd. Soomaaliyeey nin walow naftaada eeg, is barbardhig waxaad qabiil ku heshay iyo waxaad ku wayday, ha ahaato qof aad jeceshahay, horumar, maal iyo maskaxba. Ma waxaynu ka doorbidnay inaan burburka dadkeenu hoos fadhino oo qabiilba qabiil, markiisa ka riixdo habaaska. Waxaynu leenahay dhul iyo hanti inagu filan inta aynu eegayno hay’daha iyo gacan hoorsiga, inta aynu quudanayno baryo iyo imisaa lasoo helay.

Ilaa heerka xaalku gaadhsiisan yahay waxaad arkaysaa markaad dhegaysato idaacadaha, akhrisato qoraalada, tagto meelaha lagu sheekaysto, ka qayb qaadato shirarka… inta badan ma arkaysid wax si fiican kuu raali geliya. Dilka, boobka, shirqoolka, xadgudubka, siyaasad kala maroorsiga, burburka, ducufka, dulliga waa mid aad moodid in qof walba sed ku helayo haddana uu ka baahan yahay aniga oo dusha ka saaraya eedsaas maska xun iyo qabiil. 12 sano oo mooryaannimo, qabiil ku doon, docwareen iyo difaac ah iiguma muuqato in xal maslaxeed lagaga midho dhalinkaro.

Waxaynu aragnay shirkii ugu tayo iyo taageero badnaa 12 kaa sono meesha uu qabiil la maray. Waxaynu la soconaa kalsooni darada shacabka iyo saska shirar noocaas ah, in wax suuro gal ah kasoo baxaan, taas oo ay dheertahay isqabqabsiga dawladaha deriska

Qabqablayaasha hadii aan lagaga dhabayn oo la tusin wax cabsi geliya dalka iyo dadkuba sidaas bay ugu afduubnaan doonaan.

Talo:

Si haddaba loo badbaadiyo dhiiga Soomaaliga, loona soo celita sharciga iyo kala danbaynta, waxaa loo bahan yahay in ninkii wax haystaa isu taago dalkiisa iyo dadkiisa, ninkii waxgarad ah uu kaga qayb qaato maskaxdiisa, ninkii xoog ahna kaga qayb qaato xoogiisa, kulligeena kagaga qayb qaadano nafteena.

Hawshan waxaa hormuud ka noqon kara dadka qurbaha degan sida (Yurub, America... iyo dawladaha carabta) iyagoo usoo jeedinaya dawladaha ay la nool yihiin in laysu geeyo maskaxda iyo muruqa Soomaalida oo ay hor kacayaan dadka debadaha, laguna taakuleeyo farsamo iyo wixii kale oo u sahli kara hawsha sidii Cosovo. Waxaa dalalka Yurub, Maraykan iyo Australia iyo xataa xeryaha qaxootiga laga ururiyey ciidan tiro iyo tayo lala yaabay leh. Dad badan oo dhalashooyin shisheeye qaatay ama haysta shaqooyin sare oo isugu jira ingineeriin, dhakhaatiir, macalimiin iyo professoro ayaa maalin ka dhaqaaqay shaqooyinkoodii, ka tegay xaasaskooda iyo caruurtoodii. Kuwaas oo la’aantood way adkaan lahayd in si fudud looga adkaado ciidankii Yuguslafiya oo tiro iyo tayaba sheegtay, hadana ahaa ciidan mintid ah oo hanuunin cunsurinimo madax martay.

Hawlgalkan noocan oo kale ah wuxuu Soomaaliya u keeni karaa horumar degdeg ah oo lagaga badbaado dawlad laga dhexraadiyo shirarka faaruqa ah ee qabqablayaasha iyo isjiidjiidka qabiil micno daro u muuqda, hanti iyo waqti badana ku lumaan. Si hadaba hawlgal meel mar ah looga dhigo, waa in:

1. Guddi fulineed oo kooban. Hadba horumarka uu sameeyo oo lagu garab wado hay’adaha hogaanka, sharciga iyo garsoorka, fulinta, saxaafada, hay’adaha xuquuqul insaanka iyo wixii soo raaca.

2. In hawlgalka la siiyo xaalad degdeg ah oo siinaya awood in tallaabo laga qaadi karo cidii ka hortimaada ama laguba dabakho sharciyada argagaxisada

3. In loo duwo hawlgal noocan ah hantida loo adeegsanayo shirarka faaruqa ah iyo lobby-ga siyaasadeed ee dalalka deriska

4. Waa in la helaa xal lagu ogolaanayo hantidii Soomaaliya utaala debadaha in lagu fulyo hawlgal noocan oo kale ah

5. Si loo helo taageero waa in ugu horayn wax laga qabtaa hay’adaha warfaafinta ee Soomalida, ha ahaadeen kuwa shakhsiga iyo kuwa hoos taga wakaaladaha oo lasiiyo xad ayna ka gudbin

6. In degdeg loo hawl geliyaa maxkamd caalami ah

7. In la abaabulo Soomaalida dacallada aduunka iyadoo xooga la saarayo Soomaalida joogta dalalka aynu kor kusoo sheegnay, iyo boqolaalka kun oo jooga dawladaha deriska ah.

Ugu danbayn haddii hawlgalkan uu taageero ka helo meel ka mid ah meelaha maamuladu ka jiraan, wuxuu noqon doonaa mid si xawli leh ku hirgala sida, baajinta dagaalo khasaare keena, waqtiga, dhaqaalaha iyo fulinta sharciga, xooga wax-qabad iyo wicii la mid ah.

 

WQ. Hassan Nuur

RG14@jubiimail.dk

Qoraaladii hore ee Xassan Nuur 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: SOMALITALK.COM | AGOOSTO 12, 2002

MAQAALKA XIGA - GUJI

 

Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
. GUURKA.&.GURIGA MUSLIMKA 
. DHIBAATOOYONKA QURABAHA |
. IS-XISAABI INTAAN LAGU XISAABIN
. GEERAAR ALLAH AMMAAN AH
. AHMIYADDA SALAADDA...
. QORAALADII WARDHEERE
. QORAALADII IBRAAHIM SAALAX..

NOLOSHII SAXAABIGA ABUU DAR AL QHIFAARI
Casharkii 23aad ee Saxaabadii Rasuulka (scw)
DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW
Casharkii 33aad ee Siiradii Rasuulka (scw) 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD