Dulmiga Raacatada Hubeysan
Ahmed Yusuf Gaani
Gaani99@hotmail.com
Mahad Qaadir baaleh naga dhigay qoomkii ugu dambeeyey qoomamkiisa. Taasi ka
dhigan inaan ka quusano soo dirida rasuul ama nabi saxa qaladaadkeena.
Waa qarni qabqabluhu qadarin muto halka qunyar socodku quursi ku jiro
Waa qarni maalin quutuhu uu nolosha qax ka yahay
Waa qarni cibaadadu ku yaraatay culumaa’udiinkii
Waa qarni cirooluhu ka caageen in codkooda la maqlo
Waa qarni calooshiis u shqeystuhu uu aad u ciil baxay
Waa qarni caan bixidu ay colaad kuu keeni karto
Waa qarni gar gooyuhu ka eed batay gefaha
Waana qarni aad qoraalkaada qoomameyneysid hadii aadan qumaati u qorin
Soomaalida oo intooda badan ku abtirsata xoola raacato ayaa lagu yiqiin iney
ku noolaayeen nolol ku dhisan is maquunin, oo ah in qabiilba qabiilka uu ka
xoog bato ka qaado ceelka, carshinta, iyo xoolaha. Isu xulafeysigaasi waxuu
xoogeysan jiray marba marka ay duruufuhu kasii qalafsanaadaan waxaana laga
dhaxli jirey iney noqoto gardaradu mid gar og, ayna sababto in kii laga
adkaaday sheegato ku dhex noqdo kuwii kale.
Hadaba si loogu noolaado jawigaas, tarbiyada uu waalidku siiyo ubadkiisa
ayaa aheyd geel raacid, lagdan, gaawe qaadid, barida qabweynida qabiilkiisa
iyo quursiga kuwa kale, taasoo u dhiganta kan ay qaataan ciidamadu sida
dhibow, qaalma rogad, rarid, iyo dab ridid, sababta ay isku cashar u
qaateena waa ka mideysnaanta hal hadaf oo ah u googol xaarasho goob
colaadeed.
Inkastoo raacatadii waqti yar magaalooyinka joogay ay qeyb lixaad leh ka
qaateen halgankii xornimo u dirirka waxaaney bedelin casharadii ay miyiga
kasoo qaateen oo aan ku wajahneyn nolosha magaalo, taasoo ku saleysan wada
noolaasho, dan guud iyo sinaan, waxeyna dabeecadii miyiga ka dhex abuurantay
in yar kadib calansaarkii xafiis, baarlamaan, iskuul, ciidan iyo wasaarad,
waana tan ay maanta dhaxalkeedu noqotay dowlad la’aan iyo dad la’aan.
Jabhadihii qabiilka lagu aasaasay iyo kuwii dhigooda loo unkay ayaa weli ka
duulaya fikradii miyiga, oo ah in qabiilkani noqdo midka wax walba hela.
Raacatada hubeysan oo ay taageerayaan siyaasiyiinta raacatada ayaa isku haya
dhul beereedkii koofurta Soomaaliya, iyagoo ujeedadoodu tahay kala
riixashadii baadka iyo biyaha, waxaaneyse weli garwaaqsan ineysan beeridu u
howl fududeyn sida raacida xoolaha una baahan tahay qodid, suuqgeyn iyo
khuburo. Waxaaney dhaxalsiiyeen beeraleydii dhulka laheyd iney u qaxaan
magaalooyinka kana raadsadaan nolol maalmeedkooda.
Dulmigu waa dembiga awgii rasuulo iyo nabiyo loosoo diray, kutubo loosoo
dejiyey, dowladuhuna darted u dhismeen. Dowladnimadu waxey ilaalisaa nafta,
maalka iyo sharafta qofka, si karaamadii bini aadmigu u lumen.
Dulmiga raacatada hubeysani geysanayaan wuxuu sababi doonaa in beeraleydu
kaalmo ciidan ka raadsadaan Itoobiya si ay isaga kiciyaan dulmiga raacatada
hubeysan.
Si kale hadaanu u fiirino, dabeecada raacadatadu waa iney gar qaataan,
waxeyna ku maahmaahaan “garawsiiyo waa geel” taasoo macnaheedu yahay “qof
raali ahow ku yidhi geel kusii”. Cadliga oo la helo waxaan tusaale usoo
qaadan karnaa waqtigii ay maxkamaduhu ka jireen Muqdisho, Luuq iyo Buulo
Xaawo oo ay shacabku kusii badanayeen goobahaasi iyagoo qabiilo kala duwan
ah, waxeyna ka dugsanayeen cadli aan lagu dulmin.
Akhristow hadii qabiil walba degaanka uu degen yahay ama sheeganayo uu
dulmiga ka tirtiro amaba ka yareeyo ma dowlad baa inaga maqan?!!!. Iyadoo ay
lama huraan tahay in qabiil walba uu isku noqdo oo uu cadli doorto, ogowna
hufnaanta reerku iney taariikh geli doonto.
Ahmed Yusuf Gaani
gaani99@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa
mid u gaara qoraaga ku saxiixan
FAAFIN: SOMALITALK.COM |
AGOOSTO 12, 2002
MAQAALKA XIGA - GUJI
|