SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

QORAALADII XAHMED-YAASIIN

dolly sheep clone Koobiyaynta Dadka (humancloning) : Dunidan aynu ku noolnahay waxay soo martay marxalado nololeed oo kala duwan, kuwaasi oo is-baddalayay mar kasta oo isbaddal ku yimaado garaadka ama aqoonta bulshada caalamkan ku dhaqan. GUJI [AhmedYaasiin]

 
Soomaaliya iyo Itoobiya dan ma wadaagi karaan? GUJI... 
Ma'Ogtahay in Wararka Kuqoran Luqadda Ingiriiska ee  Soomaalida ay maalin kasta kusoo dhacaan linkiyada kuqoran meesha ugu saraysa bartamaha bogga hore ee SomaliTalk.com. 

 

DHIBAATOOYINKA NAAS NUUJINTA

W.D: Axmed-yaasiin Maxamed Sooyaan

allayaqaan99@hotmail.com 

Nairobi, Kenya 

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA: September 18, 2002 

Waxaan muran ku jirin oo baaritaanada caafimaadka dunida oo dhan laga sameeyey isku raaceen inaan laga maarmin naas nuujinta , isla mar ahaantaasna ay muuhiimad weyn u leedahay caafimaadka ilmaha la nuujinayo iyo hooyadaba , waxaana jirta in dawladaha qaarkood ay gaareen inay hooyada qasab uga dhigaan inay naaska u dhigto ilmaha maadaama badbaadinta noloshiisa iyo aayahiisaba ay taasi ku xiran tahay , hase yeeshee arrintaan ay sidaas faa'iidadeeda u weyntahay ayaa waxaa aalaaba dhacda in dhibaatooyin la socdaan , oo maxay yihiin dhibaatooyinkaas?.....maxaase lagu maarayn karaa ?.....

Shaki la'aan caanaha hooyada waxay ka koobanyihiin walxo cunto isu -dheelli tiran oo si fudud uu dheefshiidka ilmaha yar u burburin karo , isla mar ahaantaana wax kharash ah qoyska ma geliyaan , waxaana intaas u dheer (waa caanaha hooyadee) ayagoo la heli 24-ka saac ee maalinka oo dhan iyo ayagoo aan u baahnayn diyaarin gaar ah .

Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabaha jirka ilaaliya ama difaaca (anti-bodies) kuwaasoo ka horjoogsada bakteeriyada iyo fayruska inay si fudud ku soo galaan jirka ilmaha yar isla markaasna ka difaaca xanuuno badan siiba kuwa ku dhaca xubnaha dheefshiidka sida caloosha oo ilmaha socota ama fadhiisata , iyo cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada , ayadoo ay dhaqaatiir badan ku tilmaamaan in caanaha hooyadu yihiin sida tallaalka .

Caanaha hooyada , waxa intaas u dheer ayadoo uu jirka ilmaha mar kasta si habboon ugu dheellitiri karo heerkulkiisa , iyo weliba ayadoo uu heerkulka caanaha hooyada uu mar kasta ku xiran yahay xaaladda heerkulka hawada sida ay tahay , tusaale ahaan haddii xaaladda heerkulku hooseyso oo ay tahay xilli qabow caanaha hooyada waa qandac diirran , sidaa si le'eg haddii kulayl jirana waa qaboow , waxayna ilmaha yar ka hor joogsadaan saamaynta ay isbedelada hawada keeni karto , sida; dhuunta oo xanuunta , iyo inay wax gaaraan dhegta dhexe , iyo lafo xanuunka , mana u laha ilmaha yar wax xasaasiyad ama kahsi ah sida inta badan ku dhacda ilmaha la siiyo caanaha la farsameeyey , hase ahaatee waxay ka hortagaan xasaasiyadda gaar ahaan neefta ama xiiqda .

 
The longer women breast-feed and the more children they have, the less likely they are to develop breast cancer, a new study has found. The study, reported in The Lancet CLICK 7/18/2002
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!

Naas-nuujinta (N/N) maaha in ilmaha oo keliya wax tarto ee hooyada la nuugayo qudheeda wax weyn bay caafimaad ahaan tartaa , N/nuujinta waxay hooyada la nuugayo ku caawisaa inuu jirkeeda ku soo noqdo samayskiisu siduu ahaa ka hor dhalmada , sida culayskeedii iyo qaradii jirkeeda , waxay kaloo ka caawisaa in rixinka (minka) si dhaqso ah ugu soo noqdo xaaladiisii caadiga ahayd , waxayna ka hor joogsataa inay ku dhacaan cudurada naasaha ku dhaca , waxaana baaris caafimaad oo la sameeyey ay muujisay in kansarka naasaha (breast cancer) uga dhicitaan yar yahay hooyada ilmeheeda nuujisa tan aan nuujin .

Dhanka kale , waxaa caadi ah in xilliga lagu jiro naasnuujinta ay inta badan hooyada la nuugayo la soo gudboonaadaan dhibaatooyin la xiriira nuujinta , kuwaasoo aan isku dayayno inaan qormadaan ku soo qaadno kuwooda ugu muhiimsan :

CILMI KORORSI
Ribo Soomaali !!!!
Saahid Column
What is Qur'aan all about
truth org
Ahmiyadda Masaajidka
Xaamud Column
Ahmiyadda Salaadda
Xaamud Column
Qur'aanka iyo Sayniska
Saahid Column
V I D E O
Faa'iidada in Hooyadu Ilamaha Nuujiyaan
Guji...
HEERARKA ILMAHA
fetus1 (Nutfah) Sura 23:13 alaqa (Calaqah) Sura 23:14 mudgha (Mudghah) Sura 23:14 Embryo1 Sura 23:14 Embryo2 Sura 23:14 Embryo3 Sura 32:9 | Sura 22:5 | Sura 22:5
Aayaadaha kore waxay tilmaamayaan Heererka Ilmuhu maro marka uu uurka kujiro.
Si aad arintaan waxbadan uga ogatid Guji halkan

Qaabka nuujinta: waa inay hooyada marka hore u fariisataa qaab wanaagsan oo ayan dhibsanayn , waayo tani waxay suura gelinaysaa inay hooyadu dhamaystirto nuujinta oo ayan ka degdegin , markaas ka dib ayey labadeeda gacmood ku soo qaadaysaa oo bogga ku qabanaysaa ilmaha si dadab ah ayadoo uu madaxa sare jiro , intaas ka dib ayey gacan ilaa dhudhunkeeda ku soo qabanaysaa jirka ilmaha oo uu ku jiro madaxa , gacanta kalana waxay ku soo qabanaysaa naaska ayadoo ibtiisa gelinaysa inta u dhexaysa labada farood ee murugsatada iyo fardhexada , taasoo markaas keenaysa in si dhib yar ibta afka loogu gesho ilmaha , isla markaasna uusan jirka naaska ilmaha ka daboolin sanka , waayo waxay tani keentaa in ilm,aha neefsashadu dhibto , marka danbena waxay nacsiisaa nuugitaanka naaska.

Laqitaanka hawada:sida mararka qaarkood dhacda , ilmaha marka ay nuugayaan naaska hawo ayey la liqaan caanaha , hawada gasha caloosha ilmaha waxay u keentaa inay dareemaan raaxo darro farabadan , oo ay ugu muhiimsan yihiin ; dibbiro , calool xanuun , iyo matag , sidaas daraadeed ayaa waxaa haboon inay hooyada ilmaha dhabarka ka salaaxdo oo si khafiif ah dhowr jeer uga dharbaaxdo inta uu nuugayo naaska , sidaasoo kalana marka uu dhameeyo nuugitaanka , iyo mar kale 15 daqiiqo ka dib nuujinta , taasina waxay ilmaha u suura gelisaa inay daacaan oo si dhib yar hawada uga soo baxdo .

Caano yaraynta hooyada: dhibaatadan marar badan bay dhacdaa , waxayna keentaa in culayska ilmaha is dhimo marka la fiiriyo da'da uu jiro , waana suuragal in la soo celiyo awoodii iyo firfircoonaantii naasaha iyo kordhinta caanohooda haddii la raaco tallaabooyinkaan:

1-In la joogteeyo nuujinta ilmaha ee naaska , maxaa yeelay waxa ugu muhiimsan ee naaska caanaha ka keena waa nuugitaanka ilmaha , sidaas daraadeed ayaa haddii ay joogsato nuujinta caanuhuna go'ayaan , waxaa markaas hooyada la gudboon inay ilmaha nuujiso mar kasta oo ay dareento inuu u baahan yahay . haddii ay dhacdo ama ay suurageli weydo in ilmuhu naaska nuugi waayo in muddo ah ayaa hooyada waxaa laga rabaa inay caanaha naaska ka soo saarto ayadoo weliba waqtiyo go'an u samaynaysa , waxaana dhici kara inay hooyadu dareento naaso xanuun inta mudadaan lagu jiro (ilaa laba toddobaad) , waxaana loo baahan yahay inay hooyadu qaadato cuntooyinka loo sameeyey inay caanaha kordhiyaan ayadoo la kaashanaysa talada dhaqtarka .

2-Waa inay hooyadu u dhug yeelato cuntooyinka ay qaadanayso , waxaana loo baahan yahay inay ku dedaasho sidii ay u heli lahayd ama u qaadan lahayd cunto isu dheelli tiran oo laga helayo borotiin sida : caanaha , ukunta , hilibka ,iyo inay cabitaan ku filan qaadato , waxaana in la is xasuusiyo mudan inayan jirin wax daawo ah oo loo qaato inay caanaha kordhiyaan , waxaase jirta in cuntooyinka qaarkood ay kordhiyaan caanaha gacana ka geystaan inay naasuhu godladaan sida ; jaamka , kalluunka , qudaarta cagaaran noocyadeeda kala duwan , iyo baradhada .waxaa ayadana muhiim ah inay hooyada caaneheedu yar yihiin ay qaadato hal galaas oo biyo ah ama cabbitaan kale nus-saac ka hor intayan ilmaha u dhigin naasaha.  

3-Hooyadu waa inay heshaa waqti ku filan oo ay seexato , habeenkii waa inay ka seexato ilaa 8saac , dharaartiina hal ilaa laba saac , ayadoo weliba ku dedaalaysa inay ka fogaato soo jeedka faraha badan iyo shaqooyinka guriga ee culculus inta karaankeeda ah .

4- Waxaa haboon inay hooyada caanaha yar ama caana yaraysa ay ka fogaato muranka , xanaaqa , iyo waxyaabaha nafsadeeda kicin kara , siiba toddobaadyada ugu horeeya ee ay dhallan tahay , maxaa yeelay waxyaabahaas waxay ka lumiyaan rabitaanka cuntada , markay cunno xumaysana waxaa imaanaya caano yaridii .

5-Waa inayan hooyadu qaadan dawooyinka mamnuuca uurka siiba sannadka ugu horeeya , maxaa yeelay tani waxay yaraysaa godlashada naasaha ama weyba joojisaa .

Caanaha oo naaska ku xanibma : dhibaatadaan waxay inta badan dhacdaa inta u dhexaysa maalinka 3aad iyo maalinka 5aad ee xilliga naasnuujinta , waana dhibaato ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee horjoogsada naasnuujinta .dhibaatadaan ayaab dhacda marka ay awdmaan marinada caanaha ee naaska ,ayadoo ay badan yihiin caanaha , iyo dhanka kale ayadoo ay yar tahay awoodda uu ilmuhu u leeyahay inuu caanahaa soo nuugo , waxayna arrintaas keentaa in caano farabadan ku soo dhacaan naaska oo uu buuxsamo , ooo inta bararo dikaan iyo xanuun keeno . Marka ay arrintu sidaas noqoto ayaa hooyada lagula talinayaa in mar kasta oo ay ilmuhu nuugaan ay caanaha ka soo dhammayso naasaha ayadoo iska soo lisaysa ama isticmaalaysa qalabka la isaga soo liso , waxaana wanaagsan inta ay hooyadu dareemayso dhibaatadaan inay isticmaasho inay biyo diiran ku mayrato.

Si looga hortago in caanuhu ku xannibmaan naasaha ayaa hooyada waxaa looga baahan yahay inay mar ama labo ay tuutuujiso oo burburiso naaseheeda labada bil ee ugu danbaysa xilliga uurka iyo inay ka fogaato qaadashada dharka ku dhegan inta ay ku jirto xilliga nuujinta.

Dildillaaca ibta naaska : waxaa caado ahaan dhacda in ibta naaska ay hooyooyinka qaarkood dildillaacdo , siiba marka uu maqaarka hooyadu jilicsan yahay , dildillaacaan gaara maqaarka ibta naaska waxuu keenaa inay hooyadu keento xanuun farbadan markay ilmaha nuujinayso , waana arrin aad u yar inay suuragal noqoto in dildillaacaas soo gaaro ibta naaska haddii ay hooyadu ka sii dadaasho kahor intayan ilmaha dhalan , waxaa markaas hooyada la gudboon si ay uga hortagto dhibaatadaas (dildillaaca ibta) ;

1-Dhalmada ka hor ; waxaa haboon inay hooyada ibta naaska ka dhowrto inay ku dhegto oogada naaska ama ay hoos ugu noqoto jirka naaska , sidaas daraadeed waa inay kasoo fujisaa 20 jeer oo ay soo jiido , ayna sidaas ku celceliso maalintiiba 5 goor .

2-Dhalmada ka dib ; waxaa haboon inay hooyadu dheerayso waqtiga nuujinta si aayar- aayar ah oo maalinka 1-aad ee ay dhasho ay nuujinta ku bilawdo 2daqiiqo ila 10 daqiiqo naaskiiba , waxaana hooyada looga baahan yahay inay ibta naaska iyo qaybta madow ee ku meeran ay ku hubsato afka ilmaha gudihiisa , waxaa sidaas oo kale laga rabaa hooyada markay nuujinta dhamayso inayan naaska kasoo dhufsan ilmaha afkiisa si xoog ah ama kedis ah , waayo taasi waxaa ka imaan kara dildillaac soo gaara ibta naaska , waxaana hooyada lagula talinayaa inay garka ilmaha nuugaya soo riixdo oo faryarada afka u geliso , taasoo markaas qasab ka dhigaysa in ilmaha afka kala qaado , hooyadana si dhib yar ugala soo baxdo naaska .

3-Waxaa ayadana loo baahan yahay inaan ilmaha ku gam'in ibta naaska oo afka ugu jirta , waayo taasi waxay ibta ka dhigaysaa mid qalalan oo jajabaysa ayadoo weliba qoyan , taasina waxay markaas keenaysaa dildillaac ku yimaada ibta , waxaana aad u wanaagsan in inta naaska biyo lagu dhaqo oo si fiican loo qalajiyo mar kasta oo ilmaha la nuujiyo ka dib .

4-Haddii ay dhacdo in ibta naaska ay dildillaacdo ayaa waxaa habboon in naaska ibtiisu dildillaacday laga joojiyo in ilmaha la nuujiyo muddo 24 saac ah , ayadoo isla mar ahaantaasna laga lisayo caanaha , waxaana ilmaha la nuujinayaa naaska aan dhaawacnayn , kan dhaawaca ahna hawada loo bandhigayo waqti ku filan , waxaana ibta dhaawaca ah la marinayaa wax uun dufan ah , haddii ay intaas ku raysan weydo waxaa loo baahan yahay in xilli habboon dhaqtarka lala kaashado.

Naaska oo adkaada ama soo fooca : caado ahaan waxay dhibaatadaan dhacdaa markay caanuhu ku xanibmaan naaska , waana tallaabada 2aad ee ay u gudubto waxyeelada caanaha ku xanibma naaska , markaas oo ay bakteeriya ku dhalata meelaha caanuhu ku xanibmeen ee naaska . Marka ay sidaan oo kale dhacdo ayaa dhaqaatiirta qaarkood ay ku taliyaan in la joojiyo dhammaan in ilmaha la nuujiyo naaska , ayagoo markaas ka cabsi qaba in bakteeriyadu faraha ka baxdo , hase yeeshee waxay dhaqaatiirta badankeed door bidaan in naasnuujinta la sii wado ayadoo ilmaha loo dhigayo hadba naaska ladan , isla markaasna lagu garab wado caanaha la farsameeyey ee loo ekaysiiyey kuwa hooyada inta laga daweynayo naaska buka.

-DHAMMAAD-

W.D: Axmed-yaasiin Maxamed Sooyaan

allayaqaan99@hotmail.com 

Nairobi,Kenya

SOMALITALK.COM | Septembet 20,2002 | AFEEF" Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD