SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Qareen taageeray in la xukumo qaad-wale soomaaliyeed oo reer Maine ah

Portland, Main - 

I  I  D  H  E  H

Qareen reer Portland, Maine oo ah gobol eey soomaalidu ku badanayaan ayaa taageeray in eedeymo lagu soo oogi karo nin soomaliyeed oo lagu sheegay inuu baakad qaad ku jiro kasoo qaaday xafiis eey shirkadda Fedex ku leedahay Portland.

Cabdiqani Xuseen oo ah ninkii ugu horeeyey ee eedeymo la xiriira qaad lagu soo rogo gobolka Maine ayaa sidoo kale ah mid kamid ah dadka ugu horeeya ee taariiqda mareykanka lagu helo soo dajin qaad iyo waliba suuq geyntiisa, ninkan waxaa lagu helay danbigan Oct 9-keedii.

Abdiqani Xuseen ayaa la xukmin doonaa billowga sanadka fooda inagu soo hayya ee 2003, waxaana dhici karta in lagu xukmiyo ilaa iyo labaatan sano oo xarig ah, walow caadi ahaan danbiyada noocan ah 6 bilood wax ku dhow lagu xukmiyo.

Abdiqani waa qoxooti soomaaliyeed oo dhawaan dalabday dhalashada waddankan, ha yeeshee waxaaba laga yaabaa in la tarxiilo !

" si kastoo eey xaaladu tahay, qofku mar haduusan dhalashada waddankan heysan, danbi weyna uu galo, waa suura gal in dib loo dhoofiyo " sidaas waxa yiri Garyaqaanka difaacaya Abdiqani Mr Joseph Groff.

Cabdiqani hadda ma xirna, oo lacag madaxfurasha ah ayaa ka taal, laakiin wali wax racfaan ah lagama qaadanayo xukunkiisa sida uu sheegay garyaqaankiisa ilaa xabsiga looga taxaabo.

sheybaaradii ugu danbeeyey ee baaritaanka cilmiyeed ku sameeyey qaadka ayaa sheegaya in marka uu cossobka yahay (Fresh) eey ku jirto kiimiko loo yaqaan (Cathinone) ha yeeshee marka uu baarixiga isku badelo ayeey kiimikadaasu ka dhimataa, sheybaarayaashuna wexeey cadeeyeen in qaadka Cabdiqani London uga yimid eey ka buuxday kiimikadaas oo mareykanka mamnuuc ka ah, una dhiganta Cocaine-ta iyo Heroin-ta marka sharciga la eego.

Garyaqaanka Cabdiqani ayaa ku doodaya inuusan muwakilkiisu kawarheyn in kiimiko ku jirtay baakadda usoo dagtay, xitaa danbi baarayaasha qaar baa aaminsan in qaadku u dhigmo Cofee-ga iyo shaaha eey mareykanku cabaan maalin walba.

laakiin garyaqaanada dowladda ayaa sheegaya in Cabdiqani uu si fiican uga warqabay inuu sameynayo wax aan sax aheyn, maxaa yeeley beey yiraahdeen : wuxuu baakada ka soo qaadayey xafiiska Fedex si uu ugu geeyo nin meel kale oo Portland ka tirsan jooga, sidoo kale waxaa laga soo diray London iyadoo lagu soo hagaajiyey cinwaan aan jirin, taas oo shaki badan dhalineysa.

si kastaba ha ahaatee kiisaska qaadka iyo soomalida ayaa noqonaya kuwa ku soo badanaya magaalooyinka eey soomalidu ku badan yihiin oo eey Minneapolis ugu horeeyso.

ISHA: GUJI HALKAN......  

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com

November 01, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKII OCTOBER  | SEPTEMBER  AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD