SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
SIDEE LOOGA ARKAA SOMALILAND DHIRKA ELDORAT 

XABASHI IYO SAWAAXILI MA HESHIISIIN KARAYAAN WALAALAHA KOONFUREED.? FAALO,

Faafin: Nof 5, 2002 

I  I  D  H  E  H

 

INTA AYNAAN AMUURTAA FALANQAYN, WAXA HABOON IN LA XUSO IN SOMALIYA IYO SOMALILAND AY AHAAYEEN LABA WADAN, OO MID KA MID AH UU GUMAYSAN JIREY GUMAYSIGII TALYAANIGU MARKA KA KALANA UU GUMAYSAN JIREY GUMAYSIGII INGIRIISKA, LABADAA WADAN OO LA KALA ODHAN JIREY SOMALIYA IYO SOMALILAND IYAGA OO ISLA MARKAANA KALA QAATAY XORNIMADA LABA MAAL MOOD OO KALA DUWAN.

FIGRADA ISKU DARSASHADA SOMALI WAQOOYI IYO SOMALI KOONFUREED WAXA LAHAA AMA LAYIMI SOMALI WAQOOYI, IYADA OO ISLA MARKAANA SIDA TAARIIKHDU DHIGAYSO AY NOQOTAY MID AANAY SOMALI KOONFUREED RUMAYSAN KARAHAYNIN AMA KU NOQOTAY FAJICISO,WAXA AANAY BILAABEEN SI AY U SOO HUBIYAAN ARRINTAA KA SOO YEEDHAY SOMALIWAQOOYI, INAY ERGOOYIN KALA DUWAN U SOO DIRAAN SOMALILAND, SI AY U SOO HUBSADAAN ISKU DARSASHADA AY SOMALI WAQOOYI DOONAYSO, ISLA MARKAANA AY SOO CALAAMADIYAAN, AMA SOO QORAAN SHURUUDAHA AY SOMALI WAQOOYI KU XIDHAYSO ISKU DARSASHADAA.

WAXA CAJIIB NOQOTAY AMA AY RUMAYSAN KARI WAAYEEN SOMALI KOONFUREED BAAQA JAWAAB CELINTA AH EE KA SOO YEEDHAY SOMALI WAQOOYI OO SHEEGAY IN AANAY WAX SHURUUD AH KU XIDHANYNIN ISKU DARSASHADA WAQOOYI UU KU TAGAAYO AMA KU DARSANAAYO DAWLADA KOONFUREED.

WAX CULAYS AH AMA SABAB KU KHASBEYSEY SOMALI WAQOOYI INAY KU DARSADAAN SOMALI KOONFUREED MA AY JIRIN WAXA KALIYA EE ISKUDARSASHADAA KALIFEY WAXA AY AHAYD, WADANINIMO, ISJACAYL, MIDNIMO, QARANIMO, IYO DADNIMO, AY QABEEN AMA AAMINSANAAYEEN SOMALI WAQOOYI.

KA DIB MARKII AY SOMALI WAQOOYI AY SALUUGEEN DAWLADII AY XAMAR KA DHISEEN ISKU DARSASHADII AY KU DARSATAY KOONFURNA, AY N OQOTAY MID AY ISKU CIILKAANBIYAAN IYAGA OO TIRSANAYAA DIBUDHAC, DIL, BOOB, IXTIRAAM DARO, IYO DULINIMO, WAXA AY SOMALI WAQOOYI BILOWDAY TALAABOOYIN CAD CAD IYO OLOLE HALGAN, AH SI AY ULA SOO NOQDAAN DAWLADII AY GEEYEEN AMA KU DARSADEEN XAMAR TAAS OO BILOWDAY AMA HORDEEDAY DHAQDHAQII URRURKA HUBAYSAN EE S.N.M. UGUDANBAYNTIINA AY LA SOO NOQDEEN XORNIMADOODII, DAGAALKII, DHAMACDII, IYO HOLICII AY SHIDAY S.N.M. NA UU YAHAY KA KA BAXAAYA MUQDISHO MAANTA.

HADABA WAA SU, AALE, XABASHI IYO SAWAAXILI MA HASIISIIN KARAA KOOXAHA HORJOOGAYAASHA KA AH URRURDA KALA DUWAN EE KALA JOOGA QAYBAHA SOMALIYA AY KA KOOBAN YAHAY.??

SIDEESE SOMALILAND LOOGA ARKAA SHIRKAA.??

JAWAAB: XABASHI IYO SAWAAXILI MA HESHIISNNKARAAN WALAALAHA SOOMAALIYEED EE ISKU HIRDIYAAYA SOMALIYA, XABASHI IYO SAWAAXILI, WALIGEENBA MA AYNAAN NOQON SAAXIIB WAXA AANAY KU FAKERIJIREEN AMA AY JECELYIHIIN BURBRUKA SOMALIYA, DANTOODA, DHAQAALHOODA, SIYAASADOODA IYO NABADGELYADOODANA UMA WANAAGSANA, AMA LID AYAY KU TAHAY SOMALI OO DAWLADA NOQOTA OO DHISANTA.

SIDAASI DARADEED WADAHADALKA KA DHEXEEYA KOOXAHA SOMALIYA ISKU HIRDIYAYAA MA AHA MID KA DUWAN SHIRARKII HORE EE BAAQDAY AMA NOQDAY MID LA MID AH SIDII HAL BACAAD LAGU LISAY.

CIDA KALI AH EE SOMALI HESHIISIIN KARTAA WAA SOMALI LAND OO ISUGU KEENTA GEEDKA HOOSTIISA IYO HABDHAQANKII QOTODA DHEERAA EE LAGU YAQAANEY SOMALIYA IYADA OO LAGU BILAABAAYO GARTA, MUDUC, IYO MUDAACALEY ISLA MARKAANA NINWALBA OO SHIRKA YIMAADA LAGA RIFAAYO DARAJADA UU SITO IYO SUUDKA IYO NIIGTAYNKA UU ISKU MARAY EE U EG MIDABKA DHIIGA IYO MURAAYADAHA AY KU DADEEN WAJIGA EE AY ISKU QARINAYAAN SIDII NIN DANBIILE AH, IYO WALIBA ( I.D.) AMA AQOONSIGA AY KA QAATEEN AMXAARADA EE KA LAALAADA QOORTOODA,

GOLAHAAS OO NIN WALIBA UU SHEEGAN DOONO WAXA UU KA KALE KA QABO IYADA OO XEERBEEGTIDA REER SOMALILAND DHAGAHA U FURAYAAN DOODAHA KALA DUWAN EE AY HORJOOGAYAASHU MARSADAAN TAAS OO LOO GORFAYNDOONO SI AAD U QOTO DHEER, IYADA OO AY XEERBEEGTIDAAS KA MADAX BANAAN TAHAY, EEXASHO, NIN JACAYL, NIN SOO DHAWAYSI, SAAXIIBTINIMO, QABYAALAD, IYO WAXYAABAHA LA HAL MAALA OO DHAN.ISLA MARKAANA U BOHOLYOOBEY, ISJACAYL, WALAALTINIMO, DADNIMO, SOOMAALINIMO, IYO MUSLINIMO.

GARTA SOMALIYA WAXA NIQI KARAA SOMALI OO KALIYA WAXAANA NIQI KARA SOMALILAND OO KELIYA, XALKA SOMALI KOONFUREED WAXA LAGU HAYAA DAWADIISA SOMALILAND OO KELIYA, JABUUTI, MASAR, MARAYKAN IYO KIINAYA MIDNA MA HELI KARO DAAWADII XALKAA.

SIDAASI DARAADEED SI TAASI AY MUNAASIB U NOQOTO AMA LOO HELO, WAXA AAN UGU BAAQAYAA WALAALAHA SOOMALIYEED MARKA HORE INAY QIRAAN IN GOONI ISUTAAGA SOMALILAND UU YAHAY MID MUQADAS AH OO AAN SHURUUDU KU XIDHNAYN, ISLA MARKAANA AANU ANAGUNA DHINACAYAGA KA SOO QABAN QAABINO SHIR WEYN OO AANU ISUGU YEEDHNO WALA AALAHA KOONFUREED OO AANU KU QABANO TUULO KA MID AH SOMALILAND ANAGA EE XEERBEEGTIDII SOMALILAND KA SOO XULAYNA MARKA UGU HORAYSA EE AAD QIRTAAN JIRITAANKA IYO GOONI ISU TAAGA SOMALILAND OO MUQADS AH.

XANUUNKA KOONFUR DAAWADIISII WAXA AY TAAL SOMALILAND.

ILAAHAY AYAA HOGAAN LEH GOBANIMODOON

ENG: CABDI QAADIR JAAMAC ISMAACIIL (DACAR.)

DACAR1@aol.com  

Nov 5, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]