SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 WAR-BIXIN KUSAABSAN SOOMAALIYA

Safarkii Abuukar Yaasiin Xaaji [Sanca ilaa Muqdisho]

Waxaan soo galay badda habeenkii labaad ee ramadaanka, ma aheyn markii iigu horeysay hase ahaatee waxaad mooday iney igu cusub tahay, waxaan arkaayay dad badan oo soomaaliyeed oo saaran markabka una laabanaayay wadankoodii hooyo mana jirin cid soo qasabtay ee waxaa ey kusoo baxeen khiyaarkooda waxaana muuqata in dad badani eey usoo laabanayeen maal mahaan danbe wadanka.

28 saacadood kadib waxaan kusoo xiranay dakadda magaalada berbara, iilama eysan muuqanin saan ka filaayay xaga maamul ahaan, waxaana aan kala kulanay waxoogaa dhaqan aan habooneyn, magaalada waa magaalo qadiim ah dhismaheedana inta badan waa qadiim in kastoo ey jiraan dhismayaal badan oo cusub.

Madeggantahay Galkacyo, hamoogaan MacHadka Beder - GUJi.Halkan

dhanka kale waxaa ii muuqatay in aan la dareemeynin soonka dadka afursan badnaantooda, waxaan usoo gudbay magaalada Burco oo iyada ku amaanan soonka sida looga xushmeeyo waxaa adag in aad aragtid baar biibito ama meel laga cunteeyo oo furan, sidoo kale waxaa magaalada burco lamid aheyd magaalada gaalkacayo oo iyadna aad iyo aad ooga duwaneyd marar hore oo aan soo maray ayadoo ey soon tahay markaasoo aan arkaayay meelaha baararka ama meelaha laga cunteeyo oo furnaa hadase aad iyo aad ayeey ooga duwaneyd oo maadan heleyn ama wey adkaaneysay inaad heshaa meel laga cunteeyo oo furan, sidoo kale waxaa eey magaalooyinka Burco, Gaalkacayo iyo Baladweyne isaga mid yihiin dhaq dhaqaaqa ganacsi oo si lixaadleh ooga socda, siiba magaalooyinka gaalkacayo iyo baladweyne

I  I  D  H  E  H

waxaana aad iyo aad ii yaab galisay iina cajabisay ayadoo eey aad u nabdooneyd wadada isku xirta magaalooyinka gaalkacayo iyo baladweyne oo ahaan jirtey meelaha ama wadooyinka ugu nabadgalyada xun waayadii hore uguna isbaarada badan, lakiin ey hadda ka muuqatay nabadgalyo heer sare ah, eysanna oolin isbaarooyin marka laga reebo dhowr ey leeyihiin maxkamadaha deegaanada oo ilaaliya wadada ayadoo wadadaasi, waatan isku xirta baladweyne iyo gaalkacayee, eey tahay wadada ugu dhaq dhaqaaqa badan oo eey baabuurtu  kala joogsanin.

lagasoo bilaabo magaalada burco ilaa iyo muqdisho ayaa waxaa isku xiran ganacsigooda, magaalada baladweyne ayaa iyadu ah isku xiraha ganacsiga gobalada dhexe iyo kuwa koofureed ee wadanka.

waxaa ilaahay mahadiis ah in xili roobaad kii deyrtu uu aad iyo aad ooga da’ay gobolada soomaaliya badan kood, waxaana barwaaqo ahaa oo roob fiican helay lagasoo bilaabo gaalkacayo ilaa muqdisho oo xitaa meelaha qaar uu wali ka da’aayay roobku.

Ma deggantahay Muqdisho, Ha moogaan MacHadka Asal - GUJI.HALKAN 

waxaan imid magaalada muqdisho nabad galyo ahaan hadda ma xuma inkastoo eey maalin walbaa dhacaan iska hor imaadyo maleeshiyooyin laakiin hadda xiligaan lajoogo ayaa eey yaraadeen isbaarooyinkii iyo afduubyadii iyo waliba dilalkii faraha badnaa, waloow eey wax dhac dhacaan, waxa iigu yaabka badan ee aan ku arkay muqdishana waxaa waaye sida shirka Eldoret uu saameynta ugu leeyahay nolosha reer muqdisho waayo dadka inta badan noloshooda waxaa eey ku xiran tahay ganacsiga, ganacsigana waxaa ugu weyn Sarifka doolarka oo isaga xukumo ganacsiga kale oo dhan, markaa waxaa sarifka doolarku uu ku xiran yahay ama la shaqeeyaa shirka Eldoret, maalintii eey rajadiisa soo dhawaato ama la yiraahdo waxoogaa is afgarad ah ama heshiis ah ayaa la gaaray doolarku hoos ayuu u dhacaa, marka uu doolarku hoos u dhacana waxaa hoos oola dhaco maciishada, markii la yiraahdo caqabad ayaa ku timid ama waa la is mari waa yay ama heshiisbaa baa lagaariwaayay doolarku wuu kacaa, kadibna maciishada ayaa la kacdo oo wax walbaa cirka ayeey isku shareeraan, markaa waxaa muuqata in nolosha reer muqdisho ey ku xiran tahay shirkaas wixii kasoo baxana eey wax weyn ka badalayaan nolosha muqdisho iyo nawaaxigeeda. [sawirada Muqdisho]

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji

abuukarsom@hotmail.com 

SOMALITALK.COM | MUQDISHO, SOOMAALIYA

Nov 23, 2002

KAYDKA WARARKA ABUUKAR YAASIIN 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - xiidmaha ayaa bannaanka yaal.. GUJI HALKAN

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

Madeggantahay Minnesota hamoogaan:

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD