SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Maxaa Keenay In Fanka Carabtu u Xuubsiibto Dagaal Siyaasadeed?

Faaladii:  Ikraam Cali-kaar | Gothenburg, Sweden | ikraam@journalistcom

Nov 29, 2002


Mohammed Sobhi, (Actor) hal-abuuraha filimka "Faaris Billaa Jawaad!"

Mubarak to Israeli president 

NPR Report: Egypt TV [Audio]

The Protocols of the Elders of Zion

Arab Press Debates

Mud flies in war of words over TV series


Dalkasta oo dunida kamid ah waxaa uu leeyahay fan iyo suugaan u gaar ah oo soo jiita indhaha aragtiyadeed ee bulshada, waxaana uu sidoo kale ka tarjumaaa dareenka dadka iyo hadba marxaladda markaasi taagan isagoo saadaal ka bixiyaa mustaqbalka fog ee bulshadda sida hormaka iyo wixii la halmaala. Waxaase meesha ka marneyn oo barbar taagan waxyaabaha mada daallada u ah bulshadda sida heesaha, filimadda, riwaayadaha, gabayadda iyo wixii la halmaalla waxaana ay qeyb ka yihiin dhamaantood tiirarka fanka ku taagan yahay.

Hadaba marka aan dib ugu soo laabto dulucda maqaalkan, ayaa bilowgii bisha Ramadaan waxaa telefeyshinka dalka Masar uu soosaartay filin loogu magac daray "Faaris Billaa Jawaad!" [ 'Knight without a Horse']( Fardoole aan laheyn faras uu ku socodo)oo hindisaheeda leeyahay fanaanka caanka ah ee Maxamed Subxi oo ah fanaan si weyn looga jecelyahay dalka Masar iyo dunidda carabta dowrkiisa faneed ee ku aadan wacyigelinta bulshada.

Filinkan ayaa ka hadlaya gumeystayaashii reer galbeedka ee Mareykanka iyo Yahuuda saameynta ay kuuyeesheen dunidda carabta tan iyo qarnigii tagay bartamihiisi,gaar ahaan waxaa uu filinkani muujinayaa dowrka Israa'iil iyo Mareykankuba ay mudooyinkan danbe horboodayaal u ahaayeen siyaasadda carabeed.

Waxaana uu noqday filinkani mid ka tarjumay dareenka dadka carbeed ee la dulmiyey siyaasad ahaan looga hiiliyey Israa'iil, gaar ahaan heshiiskii Camp David ee dhexmaray Masar iyo Israa'iil ayuu filinku si gooni ah u xusay. Dunidda Carabta oo dhan si diiran looga soo dhaweeyey filinkan aan weli masaalkiis oo kale soo marin fanka carbeed ee faca weyn, waxaana muuqata in hada ay dadka carabtu soo baraarugeen oo ay ogaadeen dibindaabyada Mareykanka kuhayo had iyo goor shacuubta carbeed.

Hase ahaatee waxaa durbadiiba si carro leh ugu jawaabay filinkan dad badan oo yahuud ah oo ku nool gudaha dalka Mareykanka iyo Israa'iil oo ay sheegeen in filinkani yahay mid xambaarsan naceyb iyo midab takoor loo hayo dadka yahuuda ah.

Safaaradda Masaarida ee ay kuleedahay Magaaladda Washington ayaa isugu soo baxay yahuud badan oo ka careysan filinkaasi,waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda Qaahira in ay joojiso filinkaasi,tanoo sida ay sheegeen dadkaasi banabaxayaasha ah uu sii kordhinayo xiisadaha ka alloolsan bariga dhaxe. Hase ahatee ma noqon filinkaasi mid la joojiyo inkastoo Madaxweyne Xusni Muubaarak-ga Masar uu isku dayey in uu is hortaago siideynta filinkan,hase ahaatee ma noqon mid uu ku guuleysto hakinta filinkaasi ka tarjumayo dareenka xamaasadeysan ee carabta uu isaga qudhiisa dhowr jeer meel fagaaro ah ka sheegey in Mareykanku aanu dhex dhexaad ka aheen arimaha murugsan ee bariga dhexe.

Fanaanka caanka ah ee Maxamed Subxi ayaa hal abuuray filinkan uu ugu magac daray "Faaris Bilaa Jawaad" (Fardoole aan heysan Faras kusocdo) ayaa sheegay in filinkan uu isaga hal abuuray islamarkaasna aaney wax shaqo ah ku laheyn arimo diimeed inkastoo ay tahay buu yiri fanaanku Islaamka iyo Yahuuda diimahooda wax xagga samadda laga soo jediyey oo u dhaxeeyo farqi weyn," inkastoo ay Yahuudu maanta hantiday guud ahaan caalamka iyo dhaq dhaqaaqyada daruuriga ah" ayuu sii daba dhigay hadalkiisa fanaanku.
mahfouz
Najib Mahfuz

Fanaanku waxa uu kahadlay sababta ku kaliftay inuu sameeyo filinkan waxaa uu sheegay in markuu arkay sida ay Israa'iil iyo Mareykanku kula dhaqmayaan dadka carabta ah ee looga awood badan yahay wax soosaarka iyo xagga teknoljiyada in uu go'aansaday inuu sameeyo filin uun kaga hadlayo arimaha ku lugleh carabta iyo israa'iil. Ma aheyn buu yiri fanaanku wax sahlan in lasameyo filin siyaasad ahaan u muuqada,hadana waxaan aqriyey buu yiri fanaanku buugagtii u qoray qoraagii caanka ahaa ee reer Masar Najiib Maxfuud [ Najiib Maxfuud] oo kaga hadlayey gumeystihii kusoo duulay dalka Masar qarnigii tagay bartamihiisi,gaar ahaan buugiisii uu ugu magac daray "Baratakoolaat Xukamaa'a Sahyuuniyah !" (Baratakooladii xukuumadihii sahyuuniinta),iyo buuga kale uu isna loogu magacdaray "Dowlad-ta Yahuudiya" (Dowlada Yahuuda waxaana qoray ninka layiraahdo Cabaas Maxamuud Al-Caqaad.

Buugagtaas oo sheegay fanaanku in ay kaalin weyn ka geysteen sameynta filinka "Faaris Bilaa Jawaad" oo muddo sideed sanno ah qadatay sameynteeda.

Dhaqaalo aad u balaaran ayaa ku baxay filinkan sameyntiisa iyo inta ka qeyb qadatay jilistiisa, hase ahaatee waxaa jira buuq hareeyey filinkan oo ay ku jiraan shaqsiyaad ka shaqeeya qeybaha kale ee tv-yada tirada badan ee dalkaasi leeyahay oo ku eedeyey fanaanka in uu xambaarsan yahay fikraddo ku lid ah qowmiyado kale,waxaana muuqata in shaqsiyaadkaasi aan la carabaabin uu maseer madax maray talaabada ka tarjumeysa dareenka dadka carbeed ee iyagu waqtigan siyaasada iyo waayahu ka hiilisay, ee fanaanku muujiyey.

Mu'alif Maxamed subxi waxaa uu sheegay in uu gaaray hadafkii uu kalahaa filinkaasi oo aheyd in caalamku tuso in dadka carabta ahi had iyo jeer dulamyihiin dhankasta.

Sidoo kale telefeyshinka (Abudhabi Tv) ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhaqaaqay sanadkan horaantiisii talaabo aan ka dheeereyn filinkaa aan hada hadal heyno,waxaana alifay qisadan ninka weriyaha ah ee layiraahdo Yuusuf Mucaadii,ee ugu magacdaray filinkaasi "Irhaabiyaat" (Argagaxisada ama Baxsadka) oo markiisii hore ahaa "Shaarooniyaat" (Sheroon oo badan) ee uu dowr muuqda ka qaatay fanaanka caanka ah reer Kuwait Daa'uud Xuseen, hase ahatee waxaan marnaba lala bar bar dhigi karin filinkan "Faaris Bilaa Jawaad" ( Fardoole aan heysan Faras uu kusocodo) ee dad badan ka careysiiyey, inkastoo ay isku jeedo iyo mab'da dhawaayeen labada filin marka la eego arimaha la xiririira Falastiin iyo Israa'iil iyo halka uu hadafkooda ahaa.

Hadana waxaa muuqata in Carabtu ileys aad fog meel ugu soo bidhaamayo tanoo la isweydiinayo ileyskani waxa uu yahay.

Hadaba marka aan eegnay macnaha weyn ee uu filinkan xambaarsan yahay ayaa waxaa isweydiin mudan maxaa keenay in hada la sameeyo filinkan iyadoo ay hada dunida kujirto xasillooni darro dhinackasta saameeyey?

I  I  D  H  E  H

Mise waxaa ay salka kuheysaa weeraradii ka dhacay dalka Mareykanka ee uu muuqday quwadii Aduunyada kadib markii uu bilowgii sagaashameeyadii geed kusoo xiray dalkii uu ka biqi jirey weligiis ee fiirada gaarka ah iskaga hayey ee Ruush-ka, mise markii iyadoo aan loo kala harin maamuul iyo shacba ay reer galbeedku dunida Islaamka ku tilmaameen xadaarad qatar ku ah ayaahadooda danbe,iyo weeraradii Mareykanka ka dhacay,mise waxaa la orankaraa waxa uu hurdada ka jafay wax magarrato badan oo reer Galbeed,ah welina indhahooda kasii muuqatoo sarihii dhaadheera ee New York oo dhulka lalala simay.

Si kastaaba arintu ahaatee marka la eego isbadalkii ka dhacay guud ahaan dunida iyo mahadhada ay 11 september reebtay, waxaa la oran karaa waxaa uu albaabada u garaacay guryo badan oo carbeed min shacab ilaa fan,sida aan ku xusay qeybaha hore ee maqaalkan in fanku uu yahay mid ka tarjuma dareenka dadka oo markaasi kaalin mug weyn leh kaga jira wacyigelinta bulshada,hadana baraarujiya ummadda isagoo uga diga waxa kusoo fool leh.

Mise waxaa markale la oran karaa warbaahintan codkeeda ka dheereysay ee meel walba daqiiqado gudahood ku tageysa uguma darin carabtii nus qarni lugu dul digrinayey,sida Bush qudhiisu sheegay in dagaal diimeed dalkiisa lugu soo qaaday isaguna ay qaadayo,balse ka cudur daartay markii danbe.

Hadaba su'aasha waxey tahay maxaa keenay in fankii Carbeed uu u xuubsiibto xilligan dagaal siyaasadeed iyo mid warbaahineed,? Mise waxaa sabab looga dhigi karaa warbaahinta galbeedka iyo Israa'iil oo iskaashaday caalmakana ku jeediyey dunida carabta iyagoo ku sheegay xadaarad danbeyso iyo argagixiso???

Waxaa isku Duwaday;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalistcom

Nov 29, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI..

  Kaydka Qoraaladii IKRAAM - GUJI HALKAN & HALKAN

Taxanaha Wararka Eldoret

Hotel lagu Qarxiyey Mombasa iyo Diyaarad Gantaal lagaga Gamey Mombasa
Hotelka iyo diyaaradaba waxaa leh Israel, diyaaradu wey ka badbaadey gantaalkaas, hotelka waxaa ku dhintay 11qof kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex.. GUJI... 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD