SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Mogadishu 12/11/02

Baaq Dhaliyarada Mudulood ee Mugadishu

Ku: Mudulood meel kasta eey joogaan
Ku: Dhamaan Somalida nabadda raadineysa ee Eldoret ku sugan
Ku: Dhamaan inta nabadda iyo Somalinimada jecel ee aduunka ku baahsan

 

I  I  D  H  E  H

Anigoo ku hadlaaya magaca dhalinyarada Mudulood oo shir ku qabsaday Mogadishu iyagoo ka arinsanaaya arimaha Eldoret ka socda iyo niman mahaan maalinkasta ka hadla radio qoos leeyahay. Eldoretna waxaan ka maqleynaa rag isbiirsaday oo leh Hawiye hala walaaloobo, rag masu'liyiin iskushegaya oo rag kale jaa'ifeeynaya. Qoraalo been abuur joogta ah oo dadka nabadda Somali weyn u raadinaya iska horkeenaya, qoraal been abuurkaan oo ku caan baxay shabakadda layiraaho "[..... weydii qoraaga]" oo ku hadasha shakhsiyaadka shirka Eldoret ka qeybgelaaya caqligiisa iyo ficilkiisa. Shakhsigaas oo war cusub layimi oo leh "Mogdisho anaa leh". Waad sugi wax badan.

Marka waxaan isweydiinay cidda ama shakhsiyaadka dhibka ku haya shirka oo uu ka socon la'yahay iyo hadba kaarka cusub oo marki ciriiri lagalaba lala soo baxayo waxaa shabakadaha ku caan baxay been abuurka oo ugu weynyahay [...... weydii qoraaga] aan ku arkeynay aflagaado loo geysanayo hogaamiyaha Mudulood Xagi Muse Suudi Yalaxoow, hogaamiyaha ururka SRRC Engineer Husseyn Mohamed Ceydid, iyo madaxwynaha Puntland mudane Abdullahi Yusuf. Mar la yiraaho Muuse Suudi wuxuu qarsaday waraaqihi invitationka, mar la yiraaho Husseyn Ceydiid iyo Abdullahi Yusuf waraaqo ayey u qoreen aduunweynaha eey leeyihiin AlQaeda iyo Al-Itihad ayaa Somalia jooga. Mar layiraaho Mohamed Dheere ayaa Al-Barakat saxiixay, Muuse waa diiday, Cabdullahi Yusuf iyo Xuseen Ceydiid waxann iyo waxaas beey sameeyen, si dadka loo wareeriyo oo khilaaf looga faa'ideesto meesha uga dhasho.

Eldoret shir nabadeed ayaa la iskugu yimi, maxaa Al-Barakaat oo waa hore albaabada loo xiray iyo Alqaeda iyo argagixiso keenay meesha? waa su'aal yaab leh. Su'asho waxey tahay yaa ka dambeya been abuurka iyo iska horkeenida ummada Somaliyeed. Cidna kama qarsoona nimanka ka dambeeya oo lacagta ku bixiya in shirka baabo' si ummadda silaca iyo dhibaatada ugu sii jirto.
Waa Cusman Caato iyo Mohamed Qanyare labada shakhsi eey Somaliya ka degi la'dahay oo markasta oo shir la iskugu yimaado fhashiliya.

Waa Cusman Caato iyo Mohamed Qanyare labada shakhsi eey Somaliya ka degi la'dahay oo markasta oo shir la iskugu yimaado fashiliya.

Waa hadda oo eey lasoo baxeen kaarki ugu dambeyey oo Hawiyenimo ah iyo in eey dadka kula dhex wareegaan wax aan sal iyo raad laheyn oo ah in Hussen Ceydid iyo Abdullahi Yusuf wadanka loo dhiibayo. 

Waxaan weeydihaa walaalahey Cusman Caato iyo Qanyare 

  • xaad ku diideen Madaxweyninimadi Ali Mahdi?, 
  • xageed jirteen markii Mudulood lalaahay se yaana laayey?, 
  • yaa xamar ku laayey Xawaadle oo hadana Beledwyne uga dabategay? 
  • yaa kadhigay saraakiishi Mudulood wax lalaayo iyo wax naafo ah. 
  • Yaa ku naaxay masu'lna ka ah dhibaatada ummada Somaliyeed. 
  • Yaa beerihi shacabka Somaliyeed muqaadarad ku abuurtay oo ka ganacsada. 
  • Yaa xalaaleestay hantidi qaranka iyo shacabka Somali lahaayen. 

Saas daraaded Mudulood Hawiye idin lama aha. Xaan kumutestay dembiga intaa le'eg in aan idinlaqebsado. dembiga aad ummada Somaliyeed ka gasheen waxaa idinka khafiifin kara oo keliya idinka oo ictikaaf ku gala Maka iyo adiina inta noloshiina ka hartay hadii aad Xabsi iyo [..... weydii qoraaga] ka badbaadaan. 

Waxaan aad ugu faraxsanahay in ugu dambentii aduunweynaha toosh idinku ifiyey oo dambiyadii la idiin keydinayey miiska la idinsoo saaray. Waxaase yaab leh dad odayaal ah oo aan dembi ummada kagelin oo iyagoon isweydiinin iskadabakacay labada mujrim oo adunweynuhu xabsi laraadinayo sida Mowlid Macaane, Shiekh Madoobe iyo Jamac Ali Jamac. Hadii eey run tahay Mudulood wuxuu idinleyahay dad sharaf ku leh baa tihiin ummada Somaliyeed. Iskaga hara. Hadii kale sumcadiina ayaa ku dhimaneysa. Wixi aad tabaneysiin dhaba loo maro ayeey leedahay. Waxaana idinlenahay laheshiiya walaalihiin iskagana hara nimanka ratiga idinkukacsanaya.

Ugu dambentii waxaan ugu baaqeynaa ummada Somaliyeed ee wanaaga jecel in la taageero shirka si sharaftii iyo karaamadi aan Somali ahaan aduunka ku lahen u soo laabato. Mogadishu dhibaato aan yareen ayaa ka jirta, mana dhamaaneyso iyadoon nin walba gurigi uu lahaa ku soo noqon iyo derisnimadi iyo walaaltinimadi la soo celin. Ilaaheey waxaan ka baryeynaa nin adag oo caadifad qabiil ku shaqeyneyn oo xiliga adag aanu ku jirno nadhaafiya in uu shirkaan lagu caleema saaro. Aamiin.

Wabilahi Towfiiq 
Liibaanolow@yahoo.com
  
Mogadishu, Somalia.

 

Faafin: Nov 13, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh dhallinyarada mudilood ee Muqdisho, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


NOVEMBER | OCTOBER | SEPTEMBER  AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]