SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
 Koox midab takoorayaal ah oo raadsanaya Soomaalida Lewiston, Maine. 

 

I  I  D  H  E  H

 

Lewiston.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegeysa in urur yuhuudneceb ah (Anti semetic) oo fadhigoodu yahay magaalada eey soomalidu ku badan yihiin ee Lewiston, Maine - uu doonayo hadda inuu abbaaro soomaalida ku dhaqan halkaas.

ururkan xubnihiisa ayaa aaminsan in dadka caddaanka ahi ka sareeyaan dhamaan midabyada kale, wexeeyna ku andocoonayaan "in yuhuudu dooneyso ineey ka bataan cadaanka oo idil, deedna talada waddanka gacanta ku dhigaan" ha yeeshe kooxdani wexeey imminka doonayaan ineey soomaalidana " ka sifeeyaan Lewiston, Maine" kooxdan oo la yiraahdo National Alliance ayaa shabakadooda internetka ku qoray " ma ogtahay in meelihii cadaanku ku xooganaayeen ee mareykanka la doonayo in si dhaqso leh loo wasakheeyo oo lagu milmo ? " iyagoo markaas isku dayaya ineey taageerayaal kale soo jiitaan.

boggooda Internetka (www.natvan.com) ayeey ugu baaqayaan in " cadaanku" kala qeyb qaato ololahan, waxaana dhan walba uga sawiran qori & bastoolad!

sida eey sheegayaan hey'adaha ka soo horjeeda midab takoorka, ururkan National Alliance waa midka ugu khatarsan ee ka jira Mareykanka ee faafiya is neceybka, wuxuuna ururkani faafiyaa borobagaando ka keentay in qaar kamid ah xubnihiisu eey danbiyo dil & qaraxyo ah geeystaan.

ururkani wuxuu xafiiskiisa ugu weyni ku yaal gobolka West Virigina, laan ama farac ayuuna ku leeyahay gobolkasta, marka laga reebo Maine !

banaanbax lagu taageerayey dadka ku cusub Lewiston, Maine oo bishii hore ka dhacay isla Lewiston ayaa waxaa ka muuqday laba qof oo wadata boorar lagu diidayo soomalida.

ururkan ayaa la sheegayaa inuu ka faa'iideysanayo muranka imminka ka aloosan Lewiston, Maine.

si kastaba ha ahaatee ku dhawaad 1,000 qof oo qoxooti soomaaliyeed ah ayaa indhawaalaba ku sii qulqulayey Lewiston, dadkan oo badankooda ka soo huleeleen magaalada Atlanta, ee gobolka Georgia.

bishii hore ayeey aheyd markii duqa magaalada Lewiston Laurier Raymond  uu warqad u diray jaaliyadda soomaalida uu kaga codsanayo ineey ku dhiiri galiyaan asxaabtooda iyo qaraabadooda ineeysan u soo hijroon Lewiston, wuxuuna sabab uga dhigay " in magaaladu daashay dhan walba, dhaqaale ahaan, muuqaal ahaan & dareen ahaanba" arrintan oo kacdoon xoog leh dhalisay, ha yeeshee duqa magaalda Lewiston ayaa ku cabaaday inuu " la yaaban yahay in midab takoore loo arko " wuxuuse ku celceliyey inuu ka xun yahay hadii khalad laga fahmay, walow uu ku adkeystay inuusan ka shalaaysaneyn warqadda uu qoray, kana raali gareyn doonin soomaalida.

<><><> 

Ayan Xersi Cali oo noqotay Salman Rushdi-ga soomaalida.

Ayan Xersi Cali oo ah 32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku " caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa loo aqoonsaday ineey tahay Salman Rushdi-ga soomaalida.

wargeyska New York Times ayaa maqaal dheer ka qoray Ayan Sabtidii ina dhaaftay.

gabadhani wexeey dalka Netherlands ama Holland ku dhaqneyd ku dhawaad 10 sano, wexeeyna sheegtay in sababta eey u soo carartay eey aheyd " iyadoo lagu khasbay guur eeysan raali ka aheyn" wexeeyna isaga nooleyd nolol aad u deggan intii ka horeysay dhowr toddobaad ka hor, markaas oo eey soo jiidatay indhaha warbaahinta Holland, iyo waliba tan caalamka, kadib markii eey canbaareysay qorshaha eey dowladda Holland ku dooneyso ineey dhaqamo kala duwan isu keento, dadaalkan oo eey dowladdu ku kharash gareyso dhowr million oo doolar, wexeeyna ku andocootay in dadaalkani sii siyaadinayo soocnaashada eey gabadha muslimka ah ka soocan yihiin bulsha weynta Holland.

Ayaan ayaa isku sababtay ineey u yimaadaan warqado loogu hanjabayo, taleefonno loogu yaboohayo dhimasho, xitaa bogag Internet ayaa sheegay ineey bannaan tahay in la Qalo ama la dilo Ayaan Xersi, dabadeed duqa magaalada Amesterdam ayaa u sheegay ineey guriga ka guurto, oo eey dhuumaaleysi ku noolaato, ha yeeshee hanjabaadii ayaaba ka sii dartay, dabadeed duqan magaalada Amesterdam ayaa u qoondeeyey ineey dhowr wardiyayaal ama gaarhaye yaal yeelato, laakiin Ayan Xersi ayaa dareentay in sheekadu intaas ka khatarsan tahay, markaas beey go'aansatay ineey " isaga qaxdo waddankeedii labaad ee Holland, oo eey dhuumaaleysi kula noolaato meelo kale oo aan la shaacin" waa sida eey New York Times u dhigtaye !

Ayaan Xersi ayaa si dhaqso leh uga muuqatay dhamaan wargeysyada Holland, taleefishinada. waxaan xitaa arrinkeeda looga dooday baarlamaanka wadaankaas oo qoxootiga eey hadda 10% dhan yihiin.

Ayan oo taleefon kula hadleysa wariyayaal, iyadoo joogta meesha eey imminka ku dhuumaneyso ayaa tiri" waan ka xanaajiyey dadka, maxaa yeelay waxaan ka hadlay waxa aan aaminsanahay iyo waxaan ogahay, waxaaba ugu sii daran in leygu heysto inaan ahay " diin caaye" oo ka sii xun" diin laawe" ayeey tiri.

Ayan xersi wexeey ku andocootay in gabdho ka badan 100 eey sanad walba qaliin isku sameeyaan, " si eey u soo ceshadaan gabarnimadoodii" ayeey tiri.

wexeey kaloo sheegatay in gabdhaha muslimka ah jaahilnimo lala beegsado, oo aan waxba la barin, isla markaana xitaa iyagoo " dhulka xorriyada jooga lagu mehriyo niman ku nool baadiyaha fog ee waddanka eey u dhasheen" sida ku dhacda gabdhaha reer Morocco oo ah kuwa ugu badan Holland, wexeey tusaale ugu soo qaadatay, sida iyada loogu daray nin eeysan waligeed arag oo eey ilma adeer yihiin, laakiin beey tiri" asxaab ayaa igu caawisay inaan soo baxsado" .

hadalka ugu qallafsan ee ka soo yeeray Ayaan Xersi wuxuu ahaa markii eey wariyayaal u sheegtay ineey ku raacsan tahay hadalkii uu yiri siyaasigii mayalka adkaa isla markaana laga-roonaha ahaa ee Pim Fortuyn ee islaamka ku sheegay inuu " diin gadaal gadaal u socda tahay" laakiin Mr Fotuyn bishii May ee sanadkii hore ayaan xabad lagu dilay !

Ayaan oo iska dhigeysa khabiir ayaa kula talisay reer galbeeku in " hadii eey doonayaan in eey islaamka casriyeeyaan eey maalgalin xoog leh oo dhaqan rogid ah ku sameeyaan dumarka, maxaa yeelay iyagaa caruurta tababara "

Arrinka sheegidda mudani wexeey tahay in Ayaan Xersi eey wali sheeganeyso ineey " gabar muslimad " ah tahay, balse eey afkaarteeda uun soo bandhigtay .

Saaxadda siyaasadda ee dalka Holland ayeey hareysay sheekada Ayaan, ilaa eey gaarto heer xisbiga (Dutch Liberty Party) uu ku marti qaaday Ayaan ineey isu soo sharaxdo doorashooyinka baarlamanka ee la filayo ineey Jannaayada soo socota qabsoomaan.

Ayaan ayaa cadeeysay ineey Aqbashay soo jeedinta xizbigaas, walow " aan u baqayo nabad galyadeeyda, ha yeeshee waan jeclahay inaan Holland mar uun ku laabto, maxaa yeelay : ama waa inaan noolaado oo aan dadaalkeyga sii wado, ama cabsi ku dhex jiro" ayeey ku soo gabagabeysay Ayaan Xersi Cali.

Inta la ogsoon yahayna marka laga reebo Salman Rushdie, waxaa jirta iyana gabar kale oo dhalashadeedu Bangaledesh tahay oo la yiraahdo Tasleema Nasrein oo iyana qur'aanka & diinta isku taagtay, gabadhaas ayaa iyana hadda ku nool magaalada Calcutta ee waddanka India, walow eey cabsi dheeraad ah ku nooshay, Ayaan Xersi-na wexeey isku biirisay Liiska Naftood biimeeyayaasha.

Waxaa soo Turjumay.

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

Ceyntejournalist@attbi.com

Nov 12, 2002

Rev. Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato).  GUJI.HALKAN.

Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. GUJI... 

 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]