Beesha
Degoodiya oo Teegeeray Shirka Elderot.
KA: Beesha Degoodiya
KU: Ururka IGAD
KU: Saxaafada Caalamka
Ujeedo Baaq
Deg deg ah.
Kadib markii ay Waxgaradka iyo Odayaasha
Beesha Degoodiya ay yeesheen dood dheer oo ay ku falanqeyeen arrimaha shirka
Eldoret iyo kii Carta ee dalka Jabuuti ee lagu soo dhisay DKM. Sida la ogyahay
beesha Degoodiya oo si xoog leh ugu qayb gashay shirkii Carta hase yeeshe aan
waxba laga siin xildhibaanidii iyo Dowladii Cali Khalif iyo tii Xassan Abshir.
Halkaas waxaa ka muuqda cadaalad daro weyn una
baahan in la saxo. Waxay Beesha Degoodiya isku raacday in si buuxda loo
taageero shirka Eldoret balse lagumartiqaado shirka waxna laga siiyo ergooyinka
shirka Eldoret.
Haddaba beesha Degoodiye waxay raali ka tahay
shirka dib u
heshiisiinta ee Soomaalida loo qabanaya maadaama ay tahay beel muhiim ah,
nabaddana jecel.
Sidaas darted, waxaan wadamada safka hore sida
Kenya, Itoobiya iyo
Jabuuti ee IGAD iyo caalamkaba ka codsaneynaa in aannu ka qeyb qaaddanno
arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya. Sida ugu dhaqso badana aan ku helno
waraaqaha martiqaadka shirka Kenya.Waxaa kale oon aa Soomaali weynta ka
cosnaneynaa inay taageero buuxda siiyaan Beesha Degoodiya oo laga faquuqay
Ummadda Soomaaliyeed
Qorayaasha,
Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Degoodiya.
Fadlan qoraalkaan wixii kala xiriir abdi_omar@hotmail.com
Oct 19, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|