Warbixin ku saabsan shirka Eldoret
Ibraahim Mohamedeeq
imdeeq@hotmail.com
Oct 16, 2002
Wax aan toobiyaha dheer ee u dhexeeya Nairobi
iyo Eldoret sii jibaaxaba xalay (14 Oct) habayn badhkii ayaan guure ugu soo
hoydey magaalada Eldoret oo madal looga dhigay in lagu qabto shirka dibu
heshiisiinta soomaalida ee ay Kenya marti gelisey, jidkii aan soo maray wuu
roobanaa, dhirtana caleemo cagaaran oo kor u hawdhay ayaa iiga muuq muuqday,
hareeraha wadadna waxaa ka gaan ilaa ka gaan si xidhiidh ah dhinaca isugu hayey
kaymo gacan ku samays ah oo bilicda wadada si weyn u bilay, safarka waxaa igu
weheliyey qoraaga caanka ah Awjaamac Cumar Ciise, Cabdi Dheeg oo ii sheegay
inuu guddoomiye u yahay urur dhalinyaro oo Yurub ka jira iyo Cali Fiqi oo
shirka ka soo aaday dalka Ingiriiska, dhamaantoodna sheeko hallaasi ah ayeey si
ixtiraam leh isugu dhiidhiibayeen.
Kolkii aan Magaalada Eldoret soo galay wuxuu
baabuurkii I geeyey hotel Sirigwa oo ergooyinka shirka iyo martida kaleba laga
diiwaan gelinayey, markaan gudaha hoteelka soo galay waxay indhahaygu markiiba
ku dheceen Jaamac Kaluun, Gen. Gaanni, Gen.Maxamed Shiikh Cusmaan iyo kuwa kale
oo badan oo ka socday dawladda Carta, subaxnimadiina (15 Oct) waxaan arkay
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdillaahi Caddow, DR.Raajis iyo xayn kale oo badan
oo shirka u timid.
Wefdiga Carta waxaa hogaaminayey Xasan Abshir
iyo Cabddalle Deerow, wefitiga Puntland’na waxaa hogaaminaya Cabdillaahi
Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo guri gaar ah la dejiyey, markii aan is
diiwaan geliyey kaddib saacadda bariga Afrika markay ahayd 10:10 ayaan gaadhi
Bas ah u raacay golihii in shirka dibu heshiisiinta soomaalida in lagu furo loo
qoondeeyey oo lagu magacaabo Town Hall, daafaha golaha markaan soo gaadhay
waxaan dareemay inuu nidaam heer sare ahi hoolka iyo agagaarkiisaba ka jiro,
kolkaan gudaha galay waxaan dheehday martidii iyo wufuuddii shirka ka soo qayb
gashay qaarkood oo si habsami leh golaha u dhex fadhiya, kursigii la iigu tala
galay kolkaan dul tegeyna waxaan ugu tegey buug yar oo Ingiriis ku qoran oo si
tifaftirana uga hadlaya hanaanka uu shirku maanta u socon doono, markaan
indhaha mariyeyna waxaan ogaaday inay afarta hogaamiye ee Kenya, Itoobiya,
Suudaan, iyo Ugaandha iyo wufuud kale oo caalami ahi ka soo qayb gelayaan
furitaanka shirka, in kastoo uu calakoodu ka dhex muuqday miiska madaxda Igadh
haddana waxaan buugga yar ka dhex waayey madax weeynaha ay soomaalidu
jeceshahay ee Ismaaciil Cumar Geelle oo aan ku jirin madaxda uu buuggu ii
sheegay inay xafladda imanayaan.
Sidii loo fadhiyey oo hoos loogu gurxamayey
ayuu Calan side oo tabbeele sitaa soo galay oo durba si qiira leh ugu luuqeeyey
heestii Soomaaliyeey toos oo si weyn loogu wada hinqaday. Hoolka waxaa dhex
yaaley kuraas cad cad oo loogu tala galay inay wufuudda soomaalida iyo marti
sharafta kale ee shirku ku fasdhiistaan, xagga hore ee hoolkana waxaa ka soo
jeeday miis weyn oo hortiisa ubaxyo kala cayn cayn ah lagu sharaxay,
gadaashiisana todoba kursi iyo dhawr calamada Igadh ka mid ah lagu taxay.
11:30 waxaa golaha shirka soo galay
Cabdillaahi Yuusuf iyo Maxamed Cabdi Xashi oo si weyn loogu sacabiyey isla
markaana ay salaan shaqsiyaad caalami ah oo bulshada caalamka ka socday ku
boobeen, Cabdillaahi Yuusuf waxaa ka muuqday caafimaad weyn iyo isku kalsoonaan
aad u saraysey, isagoo dhoola caddaynaya ayaana la fadhiisiyey.
kuraasta ugu faana horaysa safafka shirka.
Saacaddu markay ahayd 11: 45 waxaa isna golaha shirka soo galay Xasan Abshir oo
ay in ka mid ah kooxdiisu Soomaaliyeey toos ka daba qaadayaan, waxaana la
fadhiisiyey safka hore ee kuraasta hoolka, in yar kaddib waxaa madasha shirka
soo galay Maxamed Dheere oo isagana loo sacabiyey, abbaara !2:00 waxaa gudaha
isna soo galay wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti oo aysan wejigiisa wax
farxad ahi ka muuqan.
Wax la fadhiyaba markay saacddu ahayd 12:55
waxaa kadinka shirka ka soo galay madaxweyne Moi oo ay la socdaan
hogaamiyayaasha kala ah: Al bashiir, Males Zenawi iyo Musaveni markii ay
fadhiisteena wasiirka arimaha dibedda ee Kenya Mondoka ayaa mikarafoonkii ku
soo dhoweeyey wakiilka gaarka ah ee ay Kenya arimaha dibu heshiisiinta
soomaaliya u xilsaartay, wuxuuna sheegay in iyagoo u kuur gelaya arimaha
soomaaliya ay tageen meelo kala duwan oo soomaaliya ka tirsan, dadkii ay la
kulmeena ay ka midaysnaayeen taageerada shirka iyo dhismo dawlad qaran oo dib
loo yagleelo, isagoo ka hadlayey sida ay shirka u arkaan dawladaha Igadh wuxuu
yidhi: “waxaan idiin xaqiijinayaa inay dawladaha urur goboleedka igadh ku
jiraa ay qaban qaabada shirkan ka soo wada shaqeeyeen oo ay u dhan yihiin”,
intaas kaddib waxaa makarafoonkii lagu soo dhoweeyey madaxweeyne Moi oo
madashii shirka ka jeediyey khudbad ay ka muuqatey qiiro ilaa iyo xad wejiga
madaxweeynaha laga garan karayey, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa isagoo
sheegay inay wada tashi wakhti dheer qaatay ay dawladaha Igad si is daba joog
ah u yeesheen oo ay hawsha shirka ka soo wada shaqeeyeen.
Wuxuu carrabka ku dhuftay inay wax waliba
muddo leeyihiin dadka soomaaliyeedna ay nabad iyo dibu heshiisiin u baahan
yihiin, wuxuuna yidhi: “ Soomaaliya uma baahna kooxaysi, qokii koox ama qof
la safanoowna waa inaad maskaxdaada ka shaqaysiisaa”, Madaxweynuhu wuxuu
soomaalidii golaha fadhidey ku guubaabiyey inay Eldoret nabad iyo heshiis meel
mar ah ku gaadhaan oo aysan ku socon jidkii khaldanaa ee ay horay u soo arkeen,
wuxuuna wufuuddii shirka joogtay u sheegay inay qaylada iyo baroorta dadkooda
ka soo yeeraysa tixgeliyaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inaysan Kenya weligeed
daadinta dhiiga soomaalida waxba ka geeysan oo ay soomaalida ka dhaxayso
derisnimo wanaagsan, isagoo caddeeyey inaan is qab qabsi wax khayr ah lagu
gaadhin.
“14 shir ayaa la qabtay welina soomaaliya
dhiig baa ka daadanaya sidaa dsarteed waa inay Eldoret nabadi ka dhalataa”
ayuu yidhi madaxweyne Moi oo isagoo khudbadiisa sii wata haddana yidhi: “Waxaan
doonayaa xiliga aan jagada madaxweeynanimada ka tegayo inay soomaaliduna nabad
iyo dawladnimo u guuraan”, wuxuu sheegay in haddii ay soomaalidu shirkan
Eldoret ku heshiiso ay soomaaliya isaga u noqon doonto meel uu weligii niyadda
ku hayo oo uu soomaaliya dareenkiisu la jiri doono. Ugu dambayntiina wuxuu
khudbaddiisii ku soo khatimay oo yidhi: “Haddaad wax go’aansataan oo
heshiisaan waxaad raacdeen wixii ay dadku rabeen, haddaad guul darro halkan
kala huleeshaana taariikhda ayaa idin xuklumi doonta, shirkii Dibu heshiisiinta
soomaaliduna si rasmi ah ayuu inoogu furan yahay”.
Madaxwene Moi markuu khudbadii ebyey wuxuu ku
soo dhoweeyey madaxweeynaha Suudaan Al Bashiir isla markaana ah guddoomiyaha
xiligan ee Igad, Al-bashiir wuxuu soomaalida u soo jeediyey in ay quraanka
akhriyaan wuxuuna yidhi: “Soomaalidu waa inay akhriyaan Quraanka oo nabadda
iyo dibu heshiisiinta u wanaagsan”, wuxuuna intaa ku daray in haddii ay
soomaalidu si wanaagsan u akhriyaan uu Quraanku ku hogaamin doono horumar iyo
badhaadhe, madaxweyne Al-bashiir wuxuu caddeeyey inay Igad u dhan tahay shirkan,
soomaalidana laga rabo ianay heshiiyaan, xal kastaana uu iyaga ku xidhan yahay,
wuxuuna ugu dambayntii ammaan iyo mahad naq u soo jeediyey madaxcweyne Moi iyo
madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu ka maqnaa fagaarahan lagu furay
shirka dibu heshiisiinta soomaalida.
Madaxweeynihii labaad ee uu Moi makarafoonka
ku soo dhoweeyey ayaa noqday madaxweynaha soomaalida jecel madaxweeyne Musaveni
oo isagu ahaa madaxweeynihii qudha ee aan khudbadiisa waraaq ka akhrin, wuxuuna
khudbadiisii ku dhameeyey sheeko taariikheed iyo tusaalayaal dhaliisha
soomaalida isugu soo biyo shubanayey, wusxuu sheegay in isaga oo arday ah uu
akhriyey buug ka waramayey dagaalo sokeeye oo dalka Shiinaha sodomaadkii ilaa
afartanaadkii ka dhacay laakiin dhamaaday 1949kii kaddib markay hal koox ka ugu
awood roonaatay oo ay kuwii kalena Taiwan u qaxeen.
Dalka Shiinaha waxaa ka dhacay xumaan fara
badan marka kuwii falakaa xun xun ka dambeeyey waxay dadku ku tilmaameen
macalinkooda tusaalaha xun-xun, sidaasoo kale wuxuu soomaalida ku tilmaamay
inay yihiin tusaalaha xun-xun ee afrikaanka, wuxuu kaloo yidhi: “Reer Yurub
waxay yidhaahdaan afrika waxaa colaadaha ugu wacan waa Diimaha kala duwan ee ay
haystaan iyo afafka kala gedisan ee ay ku hadlaan, hadday taasi run tahay
soomaalidu waa isku af, isku diin, isku midab ee maxay isu laynayaan?”
wuxuuna madaxweeyne Musaveni isugu jawaabey inay colaadaha soomaaliya ka socdaa
makhraati u noqonayaan inaysan dhibaatada afrika ahayn diimaha iyo afafka kala
duwan ee dhibaatada afrika taalla ay aabbe u noqonayso damaca iyo doonista ay
dadku rabaan inay gaadhaan, hadalkiisii wuu sii waday madaxweeynuhu wuxuuna
yidhi: “Feker qabiil laguma gaadhi karo nolol heer sare ah, waana khatar”,
madaxweeynuhu wuxuu haddana is weeydiiyey su’aal ah khayraadku ma dadkaa mise
waa macdanta dalka ku jirta?, wuxuuna isugu jawaabay waa dadka, isagoo
makhraati arintaa uga dhigay Japan oo uu sheegay inuusan dhulkoodu lahayn wax
macdan laakiin dad ahaan ay fekereen oo dadaal kaddib ay noqdeen wadanka labaad
ee ugu qanisan adduunka oo xitaa ay ka hanti badan yihiin waddamo batroolka soo
saara, taasina ay ina tusayso inuu khayraadku yahay dadka, markuu hadalkii
halkaa marinayey ayuu hadana su’aashan is weeydiiyey; “ Haddii uu
khayraadku dadka yahay soomaalidu maxay kow iyo tobankii sano ee u dambeeyey
dadka ku sameeyeen?, wuxuuna markiiba isugu jawaabay: “way bur-burinayeen”,
dabadeedna isagoo ay wejigiisa cadho ka muuqato ayuu fadhiistay.
Musaveni kaddib, waxaa makaroonkii lagu soo
dhoweeyey Raysal wasaaraha Itoobiya Zenawi oo ugu horaynba shirka Eldoret u
rajeeyey inuu noqdo shir taariikhi ah oo nabad iyo dibu heshiisiin soomaaliya
ka dhacda bilaaba, wuxuu sheegay in qabsoomidda shirkan dhibaatooyin badan laga
soo maray, wuxuuna yidhi: “Dad baa qaba inaan soomaaliya nabad laga gaadhi
Karin, soomaaliyana looma caawin sidii la rabey” gobol ahaan wuxuu madaxdii
shirka fadhiday ku booriyey inay codkooda mideeyaan, wuxuu ku cel celiyey
inaysan bulshada caalamku soomaaliya waxba u qaban, Raisal wasaare Zenawi
isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi: “Nabad gelyada soomaaliya waxay iman
kartaa kolka ay madaxda siyaasadda soomaaliya heshiiyaan, waxaan ku waajib
noqonaysa inay ka sheqeeyaansidii ay u guulaysan lahaayeen, bulshada caalamkuna
waa inay ku taageertaa”.
“Xiligani waa xiligii xoogga la joojin lahaa
oo nabadda iyo dibu heshiisiinta loo hawl geli lahaa” ayuu yidhi Raysal
wasaare Zenawi oo haddana isagoo madaxda siyaasadda soomaaliya la hadlaya yidhi:
“Madaxda siyaasadda soomaaliya waa inay qirtaan inay dadkooda guul darro
badeen”. Wuxuuna shaaca ka qaaday inaysan doonayn inuu shirkani fashilmo
balse ay doonayaan inuu noqdo kii ugu dambeeyey ee uu dhibka soomaaliya ku
dhamaan lahaa, wuxuuna yidhi: “Shirka Eldoret inuu fashilmo dooni mayno, Igad’na
waa inay xaqiijisaa sidii uu shirkani natiijo wacan u dhali lahaa oo uu ku
hirgeli lahaa”. Ugu dambayna wuxuu hadalkiisii ku soo afjaray isagoo tibaaxay
inay Itoobiya wax weyn soomaaliya ka qabatay.
Madaxdii furitaanka shirka Eldoret ka hadashay
waxaa ka mid ahaa ku simaha wasiirka arimaha dibedda ee takyaaniga oo sheegay
inay muqadas tahay midnimada wadanka soomaaliya, wuxuuna yidhi: “Haddaanu
nahay saaxiibka soomaaliya waxaannu caddaynaynaa inay muqaddas tahay midnimada
soomaaliya isla markaana aan lagu soo celcelin wixii horay loogu soo cel celin
jirey”. wuxuu kaloo wufuudda shirka u sheegay inay Kenya go’aanka talada
wufuudda u daysey laakiin wixii shirka ka soo baxa la taageeri doono, isagoo
sheegay in taageero ka door roon kuwii hore ay soomaalidu ka heli doonto UN,
Jaamacadda Carabta, au, Igad, Bulshooyinka caalamkaba iwm.
Waxaa kaloo furitaanka xafladda ka hadlay
wakiil ka socda ururka midowga yurub, wakiil ka socda Jaamacadda Carabta iyo
wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya. Oo
dhamaantood shaaca ka qaaday sida ururada ay ka socdaan u taageersan yihiin
shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret iyo weliba sida ay ugu heellan
yihiin inay taageeraan wixii ka soo baxa.
Xalay hoolka wufuudda shirka ka qayb gelaysa
laga diiwaan geliyo waxaan ku arkay Xuseen Caydiid, Aadan Gabyow, Cali Mahdi
iyo rag siyaasadeed oo badan, welina is diiwaan gelintu way socotaa, wufuuduna
weli waxay ku soo qul qulayaan magaalada Eldoret ee uu shirku ka socdo.
Siyaasiyiinta halkan isugu yimid oo aan badiba kala sheekaystay rajada ay ka
qabaan najaxaada shirka ayaa badiba isku raacay in maadaama ay Igad u dhan
tahay hawsha shirkan uu guulaysan doono, Jabuuti waxaa xafladii furitaanka
metelayey wasiirka arimaha dibedda Cali Cabdi Faarax, gebi ahaana wax khudbad
ah kama soo jeedin furitaankii shirka ee wuxuu si degan u fadhiyey kursi uu
calanka Jabuuti ka hor babanayey.
Maantana (16 Oct) markii ay wufuuddii
soomaalida intoodii badnayd hoolka soo xaadireen ayuu ergayga Dalka Kenya dibu
heshiisiinta u qaabilsani sharaxaad ka bixiyey hanaanka uu shirku u socon doono,
isagoo sheegay in la samayn doono guddiyo kala duwan oo ka soo shaqeeya dibu
heshiisiinta, khilaafyada ururada siyaasadda u dhexeeya iwm. Wuxuu kaloo
ergaygu sheegay inay weli jiraan qaar ka mid ah oo aan weli soo gaadhin madasha
shirka oo dhaqaajinta barnaamijka shirka lala sugayo…laakiin waxaa dhacday in
ay soo xaadireen in ka badan 300 ee ergay ee loogu talo galay inay shirka ka
qayb galaan, waxayna guddiga farsamada Igad hadda ka wada hadlayaan sidii loo
aslaaxin lahaa arintaas oo runtii ka fajacisay Igad, dhinaca Puntland
ergooyinkii ka imanayey ayaan dhamaantood soo wada gelin iyadoo hadda la sugayo
Islaan Maxamed iyo Garaad saleebaan oo ku imanaya magaca bulshada rayidka ah ee
Puntland.
Ibraahim, Maxamedeeq
imdeeq@hotmail.com
Eldoret
Oct 16, 2002
Qoraalkii
hore ee qoraaga....
AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara
qoraaga
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|