SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 Jawaab: Waraysigii "Ingriis" la yeeshay "Yusuf-dheeg"--October 18, 2002

 

I  I  D  H  E  H

Waxaan arkay waraysigii ku saabsanaa Ergada Somaliyeed ee Qarammada Midoobey, bisha Oktoobar 18keedi, 2002, ku so baxay Internetka oo uu weriyiha Maxamed Xagi "Ingriis" la yeeshay mas'uul ka tirsan "Ku-meel-gaarka", oo magiciisu yahay Yuusuf Xassan Ibrahim (Dheeg). Aniga oo Ilaah ku mahadinya in Weriyuhu arrinkaas xasuustay, waxaan rajaynayaa in aad sida aan dhankayga arrinta uga arkona soo ban-dhigtaan.

Waxaan aad ula yaabay in uu Yuusuf Dheeg, isagoo aan waxba ka ogeyn, bal se haddii uu doonana runta ulakac u baalmaraya, ka jawaabay su'aal aniga igu saabsan oo uu weyddiiyey weriyuhu. Wuxuuna yidhi sidatan:

"Arrintaasi waxay dhammaatay markii dowladda KMG ay magacawday danjire buuxa inay u dirto Qaramada Midoobay, safiirkaasoo waraaqihiisii uu ka guddoomay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaddibna gabadhii sii-hayaha ka ahaan jirtay ay arrintaas garawsan weyday ... Ergadu dadka Soomaaliyeed ayay metelayaan, cid gaar ah ma metelayaan, danta dadka ayay ka shaqeynayaan."

Warka xaqiiqadiisu wey ka duwantahay sida Yuusuf DHEEG sheegay. Hase yeeshee, malaha waxaan waxba u sheegin Abdiqaasim, Cisman Jamac iyo Ismail Buubaa, oo aan berigaa hore ugu gudbiyey qoraallo ay iska indhasaabeen oo 40 bog ah, kuwaas oo haddii loo baahdo aan saxaaffadda uu soo bandhigi karo.

Waxaa jirtay in, hor iyo horranba, Cabdiqaasim iyo saaxiibkiis Xussien Salax Muuse tiroba afar goorood ii sheegeen in ay meesha cid keensan doonaan, iyago an weli dawladba la dhisin, markii ay booqashada ku yimaaddeen New York bishi Sebtember 2000. Sidaas darteed marna mugdi igagama jirin in aan Ku-meel-Gaarku marna ila rabin in aan sii joogo Ergadda New York ee waxaan uun isweeydinayey waxa ay ila damceen aniga. Aniga, naftaydu, diyaar waxan u ahaa in aan ka taago markii aan toban sannadood keli soo taagnaa, waxase la iidiidey in aan kaga tago hab maamuus fiican.

Waxaa warka dulucdiisu tahay:

B. In aan anigu gudbiyey warqadihii aqoonsiga ku- Meel- gaarka, markii danjijraha Djibouti oo ay hawshaas u dirsadeen ay Qramadda Midoobey ka diideen, oo u sheegeen in ay Ergada Soomaaliyeed soo gudbiso. Waqtigaas oo soomali badan iyo caalamkuba ay fursad bixiyeen bal iney ku-Meel-Gaarku Soomaali samatabixin karaan.

T. In uu Danjiraha Dawladda Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey (Colhaye) si caqlidarro ah uga horyimid qaraarkii Mucaawanada shacabka Soomaaliyeed oo aan hordhigay General Assembliga, November 2000, kaas oo sannadkasta Somalia loo ansixiinjiray iyadoo aaney dawladi jirin. Colhaye iyo dawladdiisu waxay rabeen in Mucwaanada durbadiiba Ku-Meel-Gaarka gacanta loo geliyo, oo taas oo xitaa haddii aan ka yeello adduunyada badideedu ka horimanlahayd. (Eeg E-mailka warbixinta ah oo hoos ku dheggan, oo aan waqtigaas ku wargeliyey Cali Khaliif).

J. In Dawladda Jabbuuti u cabatay Ku-Meel-Gaarka, sida ku cad E-mailka isaguna hoos ku dheggan oo aan waagaas ka helay Xafiiska Cali Khaliif nin ka shaqaynjiray oo la dhaho Cabdirahsiid Xashi.

X. Jawaabtii Cali Khaliif waxay noqotay in aan ka hoos shaqeeyo Danjiraha Jabuuti, kaas oo xaashidii uu ii soo diray aniga, Cali khaliif nuqul ka siiyey danjirahaas. (EEG LIFAAQA).

KH. Waxan diidey in aan danjire dawlad kale ka hoos shaqeeyo si kastaba dalalku ha isugu fiicnaadeene, taas oo aan u arko in ay karaamada iyo madaxbannaanida ummadda soomaaliyeed meel kaga dhacayso. Sidaa darteed, jawaab sidaas u qoran baan u diray Cali Khalif, 3dii December, 2000. Waa kuwan qodobbadii warqaddaas qaar ka mid ah (oo afka ingriisiga ku dhigan): (warqadda oo dhamaystiran waan soo gudbinkara).

"1. Your letter seems to be highly rewarding to the Djibouti Government and Mission for having declined to CO-sponsor and officially oppose the humanitarian resolution to assist the Somali people. Rather than demanding the Government of Djibouti to explain its position under the circumstances, you seem to be asking me to apologize to the State of Djibouti in the same forum in which they had expressed and recorded their reservation.

"2. Your instructions seem to overlook, if not ignore, the principle of reciprocity of cordial relations and mutual respect between States engaged in active diplomatic relations - the rule that the better the relations the deeper the mutual respect for each others independence and sovereignty, and vice versa.

"3. I find it most demeaning that you circulated a copy of your letter of instructions to me to the Ambassador of another country. This, in my opinion, is the most humiliating instruction ever given to a diplomat in the history of the profession.

"4. Your proposal, under the circumstances, therefore, is tantamount to reporting to Ambassador Olhaye and surrendering the Somali sovereignty to another country. I consider this an act of submission to the will of an other State, and is, by itself, comparable to treason, no matter who gives the instruction. "

D. Aniga ayaa gudbiyey warqadaha aqoonsiga "danjiraha" Ku-Meel-Gaarka (Xashara) July 2001. Ayaandarro wuxu iigu horresiyey hadal in aan gruriga dawladda toddobaad gudihii kaga boxo, isagoo aan weli New York soo gaarin. Ceebtaa Allah la maagay eh, waxay taladaydu ahayd in aan meesha ku wareejiyo oo iskaga tago markuu yimaaddo. Markii uu soo gaarey New york, toos wuxuu ula macaamilay safaaradda Jabuuti isagoo garab-maray ergadii soomaaliyeed . Taasi waa dabeecad soo tiil oo waa wixii uu yeelay Cali Khaliif marki uu yimid New York bishii January 2001.

Waxa xaqiiq ah in aanaan sida ay Ku-Meel-Gaarku doonayeen marnaba ula shaqayn kareen--taas oo had iyo jeer ku salaysneed been, caqli gurracan iyo awood boob. Waxaa nasiib wanaag ahayd in iyagu iga galeen eedo ii fududeeyey in aan iskaga tago. Markii aan arkay in ay meel kaga dhaceen karaamadii Ergadda, sharaftaydii soomaalinimo iyo tii diblomaasinnimo, intaba, ayaan ka tegey oo weliba u sheegay shacbiga Soomaaliyeed iyo caalmakaba ceebaha ka imaan doona falalka iyo dembiyada Ku-Meel-Gaarku qaranka kula kacayeen, hadaan wax laga qaban. (sida aan ku qoray warqaddii aan u gudbiyey Xoghyaha Guud ee Qaramada Midoobey, September 04, 2001).

Marka la eego dhacdooyinka kor xussan, arrinka aniga iyo "Ku-Meel-Gaarka" na dhexmaray kama duwana asaaska siyaasiga ah oo ay ka duulaan kooxda Carta taas oo ah Qaran iibis. Qaran iibiska oo ah hab-siyaasadeedka dhaqanka u noqday Kooxda Carta, wuxuu ka muuqdaa wax kasta oo ay farageliyaan. Wax kasta waxay ka mudaan jiritaankooda siyaasiga ah. Hadalkii uu "Dheeg" ku sheegay jariidadda Sharqal-Awsad oo ku saabsanaa Konfedraal uu Ku-Meel-Gaarku la sameeyo Ethiopia, haddii Dawladda Ethiopia aqoonsato kooxdooda, wuxuu ahaa falkii ugu dambayey oo ay qaraanka ku suuqgeeynayeen!!

Aniga iyo Ergada Somaaliyeed ee New York waxay waqtigaas naga iibiyeen Dawladda Jabuuti, si ay ugu meelgaaraan aqoonsigeeda (Dawladda Jabuuti). Waxa Yuusuf Dheeg iyo madaxdiisu sheegayaan ee ku saabsan arrinta Ergada waa been-abuur lagu daboolayo dembiyada iyo falalka ceebeed ee laga galay qaranka, qaybta aan ka ogahay. Sida darteed, arrinku uma dhammaan sida Yusuuf-Dheeg u sheegay. Bal se waa in la xisaabtamaa oo shacbiga Soomaaliyeed runta ogaadaa. Haddii ay tayda noqoto, waxaan soo jeedin lahaa in arrinka la keeno maxkamad Somaaliyeed, markii talo isqorto. Maxa yeelay, falalkaas waxaan u arkaa khiyaamo iyo meel-ka-dhac lagula kacay sharafta iyo karaamada Qaranka.

Waxan akhristayaasha soomaliyeed u sheegayaa in aniga dhibta i soo gaadhey aanay ka badnayn inta mid kasta oo iyaga ka mid ah ka soo gaadhey Ku-Meel-Gaarka oo ay u madaxyihiin kuwii horeba qaranka u baabi'yey. In kasta oo ay arrimahaasi i dhibeen, haddana taasi kashaydii soomalinnimo waxba u dhimimeyso, waxaana aan dadkyaga soomaaliyeed aad ugu garab-taagnahay halganka ay iskaga xoreeynayaan wixii xaqdarro iyo xumaan wada. Waxaan leeyahay waxa innoo ballan ah, dhammaanteen, in aan mar kale la inna sirin.

Wa billahi attawfiiq.

Fatun Maxamed Xassan

Dulmar@aol.com
 

New York

___
Ha ILLAAWIN LABADA QORAAL OO HOOS KU DHEGGAN OO KALA AH (1) IYO (2), IYO WELIBA LIFAAQA (ATTACHEMENT) ________________________________

(1) Subj: Urgent, Urgent, Urgent, and Confidential
Date: 12/1/00 1:59:21 AM Central Standard Time
From: ....@un.int (Somalia - Permanent Mission to the UN) To:
......@yahoo.com CC: .......@aol.com
File: RESOLl2000rev2.doc (50176 bytes) DL Time (32000 bps): < 1 minute

Mudane Cali Khaliif Galaydh,
Mogadidhu, Somalia

Waxxannu xusseynnaa qaraarki (draft resolution on humanitarian assistance)mucaawanada Soomaliya oo aannu hordhignay Qaramada Midoobey, tass oo aannu hore kuugu soo gudbinney. Waxannu beryahanba la xaajooneyney/raadineyney Dawlado taageera qaraarkan sannadlaha ah oo annu 10kii sano ugu dambeyey ka fulin jirney halkan. Waxaannu taagero ka hellay dalaka Carabta iyo Africa intooda badan. Waxannu si gaar gaar ah wadahadallo (nogotiations) ula yeellannay dhamman dawladihi wax ka qabey siqadda iyo nuxurka mashruuca.

Dawladaha sida gaarka ah wax uga qabey waxa ka mid ahaa EU, Ethiopia, Canada iyo India, ha kala badnaadeene, dhammantoodna waannu ka heshiiney, si aannu wada oggolaannayna waannuu kaga heeshiinney faqradihii ama ereyadii muranka yeeshay. Ha yesshee, Ergada Dawladda Jabuuti oo aannu ugu horsiiney mashruuca, si ay ula socoto noogana taageerto, ayaa la gaabisey jawaabteedi. Waxannu Ergada Jabuuti ka hellay (29kii bisha November 2000) fax ah mashruucii (draft resolution) ergadeenna oo dhalan-rogan (doctored, paraphrased, with a lot of watering down on many issue important to us).

Waxannu ergada Jabuuti u sheegnay in: (1) arrimaha ay tilmaamayaan ku wada jiraan mashruuceenna, (2) in aannu wadammada deeqda bixiya qarkood aannu wax ku heshiinney oo aannaan dib ugu noqonkarayn draftka oo dhan, (3) in aynnu ku fara-adaygnno nuxurka iyo siiqadda ay qormeen dhawr faqradood oo inno muhiim ah oo aannan biyodhicin odhaahdooda. (Waxannu idin soo gudbindoonnaa fax-kii Ergada jabuuti si aad u garabdhigteenna keenna kama dambeysta ah (final draft)).

Maanta (30 November,2000), iyadoo aannaan weli helin rayigii Maraykanka, ha yeeshee aannu tageero badan helnay, ayaannu mashruucii hordhignay Wadarta Dawladaha Africa, si loo helo taagero wadareed oo xoojisa mashruucan, oo laga ansixin doono Golaha Loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobey. Waxa nasiib darro ah, in Ergada Dawladda Jabuuti ay taageeri weydey mashruucan oo ay afeef ka dhigatay. Nasiib wanaag Wadarta Dawladaha Africa waxay goo'aansadeen in ay wadar'ahaan si loo dhanyahay u taageeraan, sidii caadadu ahaan-jirtay, Jabuutina taladeedu u gaar tahay wixii arrintaas ku saabsan. Waxa intaas wehilisey in dawladihii Africa, wadara'haanta ka sookow, ay badidoodi si keli keli ah u wada saxeen (sponsorship).

Go'aankaas Ergada Jabuuti qaadatay waa mid naga argagixiyey. Waxannu aad uga xunnahy in amarkaasi dhacay, oo Jabuuti oo walaalnimada inaga dhexeeysa ka sokow, aynnu libin qoyan u haynno, in ay arrintaasi maanta fagaare innagu dhexmartay. Marna ma aannaan fileyn in ay Ergada Jabuuti ishortaagto Mashruuca Mucawanada Somaaliya ee dhinaca bini-adaamnimada, wax kaleba ha joogeeni.

Wuxu nagu yiri Ergeygii Xabashidu: "aannagoo arrimo badan oo nagu qaloocani ku jiraan mashruuciinnuba, waannu taageerray eh, maxaa Jabuuti idin dhexmaray?" Waa suaa'l aannu jawaab u weyney.

Mareykanka jawaab ayaan ka sugeynaa ilaa aroorta. Wadamo badan oo kale ayaannu iyagana weli ka sugeynaa in ay jawwab fiican na soo siiyaan. Mar haddii Wadarta Africa taagertay, markaa waxannu berrii (December 1, 2000)(in shaa' Allah)u gudbineynna Xoghaynta Qaramada Midoobey, sidii talo galku aha. Dawladaha wixii wax dambe oo aannu ka heshiinkarro la yimaadda, gadaal baa loogaga dari doonaa, sida caadada ah, waqtiga oo gaaban daraadeed. Ma se fileynno cid wax naga xumeeysa in ay jiridoonto, Eebbe ha innaga hayee.

Waxa ku lifaaqan mashruucu siduu hadda uu yaallo (advanced draft). Ra'yigii jabbuti oo fax ahna waa idiin soo gudbindoonnaa berrito, Inshaa' allah.

Wa billaahi a tawfiiq

Fadtuum Maxamed Xassan
Sii Hayaha Ergada Joogtada ah
ee Jamhuriyadda Soomaliyeed,
Qaranmada midiibey, New York.

----------------------- Headers --------------------------------
MIME-Version: 1.0
Content-Type: MULTIPART/MIXED; BOUNDARY="mailspinner-v2.0b1-ab3e50"
Date: Fri, 01 Dec 2000 02:57:05 -0500
From: "Somalia - Permanent Mission to the UN" <.....@un.int>
Message-Id: <.....@missions.un.int>
To: .....@yahoo.com
Subject: Urgent, Urgent, Urgent, and Confidential
-----------------------------------------------------------
(2) 
From: rashid hashi
Subject: Humanitarian Assistance Resolution and Djibouti
To: Somalia - Permanent Mission to the UN

walaal Fatun, waraaqda halkaan ku lifaaqan ayaa Prime Ministerku kuu soo diray.
Runtii aad ayaan u dareensan nahay halganka aad ku jirtaan, xalayna my personal views ayaan idiin soo gudbiyey, in kasta oo aydaan weli iiga soo jawaabin, waxaase dhacday in saaka lixdii aroornimo ay hurdada iga kiciyeen madaxtooyada jabuuti iyaga oo arrintaan ka hadlaya.
Haddaba hawsha aad waddaan waa la dareensan yahay balse waxaa loo baahan yahay in aan Jabuuti mugdi na kala gelin. Arrintaa ku dadaala,
Mahadsanid
Abdirashid

 

 -dhammaad-

ELDORET: Taxanaha Wararka 

AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD