| Senator Paul Wellstone oo
 kudhintay Shil Diyaaradeed: 
 
 diyaaradaas oo ku dhacday meel u dhow Eveleth,
 Minnesota waxa kale oo ku dhintay xaaskiisii Sheila, gabar uu dhalay Marcia,
 saddex shaqalihiisa kamida iyo labadii pilot ee diyaarada wadey. Wellstone
 waxa uu kamid ahaa labadii musharax ee u tartamayey Aqalka Odayaasha USA ee
 Soomaalida la kulmay 19kii
 october.  Warbixintii C/raxman Ceynte  Oct 26, 2002   St.paul, MN- shalay  saacaddu markeey
 aheyd 10:22 am- waqtiga Minnesota ayeey diyaaradi la qaraxday oday ka mid ah
 odayaasha Minnesota, Senetor Paul Wellstone, oo sabtidii hore jaaliyadda
 soomaalida kula kulmay Minneapolis, isaga iyo ninka eey sida daran u
 tartamayeen ee Norm Coleman. Senetorkan 58 jirka ah wuxuu ku dhashay
 agagaarka Washington DC 1944, waxaana dhalay waalid ka soo qaxay waddanka
 Ruushka, 1963-dii ayuu guursaday xaaskiisa sheila, shahaadada ugu sareysa ee (ph.D
 ) ayuu ka heystaa jaamacadda North Carolina, wuxuuna soo bartay culuumta
 siyaasadda, wuxuuna aqalka odayaasha ee mareykanka ku biiray 1990, xilligaas oo
 uu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashooyinkii waagaas. inkastoo uusan Minnesota ku dhalan kuna
 barbaarin, haddana wuxuu heystay taageerada inta badan ama aqlabiyadda reer
 minnesota sida eey ifafaalayaashu tusayeen, wuxuuna senator-ku ahaa midka ugu
 furfuran ee ku jira aqalka odayaasha waddankan, marka laga hadlayo sharci
 dajinta, waligiis wuu ka soo horjeeday dagaalada eey mareykanku hogaaminayaan
 ee caalamka ka socday, ka soo billow kii Vietnam, ku keen illaa iyo kan hadda
 loo dig iyo dam leeyahay ee Ciraaq lala beegsanayo oo uu senator-ku dhawaan ku
 tilmaamay " nasiib xumo ka jirta maamulka waddankan". xizbiga dimuquraadiga ah ee uu ka soo jeedo
 ayaa maanta eey usoo hoyatay dhabar jab aan caadi aheyn, dhimashada mid ka mid
 ah ruug cadaagoodii, wellstone oo shaqo macallinimo jaamacadeed darteed ugu soo
 guuray Minnesota ayaa si bareer ah u taageeri jiray in magaalda Al-Quds (Jerusalam)ee
 barakeysani eey noqoto caasimadda aan kala qeybsaneyn ee dalka Israel. maanta mar aan bartamaha magaalada St.paul soo
 indha-indheeyey, waxaa dadka iiga muuqatay ineey aad uga walwalsan yihiin
 dhacdadan naxdinta leh. dayuurad nooceedu yahay King-Air 2000 oo laba
 motooreyna ah ayaa kula dhacday senetorka meel 7 mayl u jirta airport-ka
 Eveleth, Minnesota, halkaas oo uu doonayey inuu ka qeyb qaato aas la aasayey
 mid ka mid ah ruug cadaaga sharci dajinta gobolkan minnesota, wuxuuna caawa
 fiidkii kula ballansanaa inuu la doodo dhigiisa Mr Coleman, magaalada Duluth ee
 gobolkan Minnesota. waxaa la socday xaaskiisa Sheila, gabadhiisa
 Marcia & 3 kamid ah shaqaalihiisa, dadkan & duuliyayaashii diyaaradaba
 oo dhamaantood halkii ku dhintay, ha yeeshee senetorka waxaa kale oo u jooga
 laba wiil oo uu dhalay oo aan shilkaas kula jirin isaga. dhanka codbixinta soomaalida marka la eego
 ayaa la isla dhex marayey ineey dhanka ninkan dhintay eey woxoogaa u yara
 badnaayeen, bal si aan arrintaas wax uga ogaado ayaan galabta wacay Mr Maxamud
 Shafi oo ka mid ah guddiga codbixiyayaasha soomaalida, isla markaana ah xubin
 firfircoon oo ka mid jaaliyadda soomaalida, waxaanan weydiiyey arrintaas waxa
 ka jira, wuxuuna iigu jawaabay " een weey jirtaa in isaga la sheegayo in
 loo badnaa, runtiina wellstone soomaalida wax badan buu u qabtay " isagoo
 hadalkiisa sii watana wuxuu raaciyey " waa ninka kaliya ee inta
 xafiiskiisa loogu tago lagu dhihi jirtay: hooyadeey baan rabaa in la ii keeno
 ee warqad ii qor, eena qori jiray isla markiiba " laakiin Mr shafi wuxuu
 ku celceliyey ineey muhimmada kulankii maalin dhaweyd eey aheyd in jaaliyadda
 soomaalidu xiriir wanaagsan la yeelato qof alla iyo qofka ku guuleysta
 doorashada hadda lagu wado ineey Nov shanteeda qabsoonto. Arrinta sheegidda mudani waxeey tahay in
 xizbiga dimoqraadiga ah laga doonayo ineey reer Minnesota ka soo dhex helaan
 nin u dhigma Sen. Wellstone oo cadkiisa goosan kara, si eey usii lijaamiyaan
 halka cod ee eey ku hoggaaminayaan aqalka odayaasha waddankan. C/raxman Ceynte St.paul, MN ceyntejournalist@attbi.com 
Oct 26, 2002 ELDORET:
 Taxanaha Wararka     WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |