SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Ku: Warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Internet-yada 

Ka: Ururka Dhalinyarada Ogaadeniya ee Waqooyiga Amerika 

Ujeedo: Warsaxaafadeed

 

I  I  D  H  E  H

 

OYA/03/2002
October 28, 2002

Warbaahintu waxay maanta dunida ku leedahay mudnaan gaar ah, iyada ayaana qaybisa aragtida guud ee bulshooyinka. Warbaahin kastaa waxay u jirtaa dano iyo ujeedooyin gaar ah oo ka turjumaya danaha cidda sameysatey.

Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya waxa uu aaminsayahay Saxaafada xorta ah iyo ra’yi dhiibasada xalaasha ah. Taas micnaheedu ma’aha in aan gacmaha ka laabano wararka warxumo tashiilka ah ee wata magaca Ururka Dhalinyarada Ogaadeniya ee shaqsi/shaqsiyaad soo qoreen/qorey ee aan ka turjumayn haba yaraatee codka Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya iyo guud ahaan ururada bulshada Ogaadeeniya ee hor u soocdka ah.

Hadaba, waxaan halkan ku cadeynaynaa in qoraal dhawaan ku soo baxay shabakadaha Intertka qaarkood, sida Somalitalk.com oo ciwaankiisu ahaa “ BAAQ KA SOO BAXAY XAFIISKA SARE EE URURKA DHALIN YARADA OGADENYA EE NORTH AMERICA” uusan ahayn haba yaraatee mid wax ka jiraan ama ka turjumaya uruka ku magacaaban qoraalkaas.

Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya ee Waqooyiga Amerika waa urur ka mid ah ururada bulshada ee Ogaadeemiya ee taagreesan halganka ay u hormuudka u tahay Jabhadda Wadaniga Xoreynyta Ogaadeeniya JWXO-ONLF ee Xornimo gaadhsiinta ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato.

Sidaas darteed waxaan uga digaynaa Warbaahinta Soomaalida in ay ka digtoonaadaan, shaqsiyaadka adeegsanaya magacyo aysan matelin, raadraacna ku sameeyaan qoraalada loo soo gudbinayo.

Shaqsiga ama shaqsiyaadka qorey qoraalkaas, waxaan ku sifaynaynaa in uu yahay/yihiin naf lacaari aanan waxba nooga duwaneyn Gumeysiga madow ee aan kula jiro halganka xaqa ah. Waxaana hubaal ah in uusan jirin urur ama kooxo kula jira loolan ama mabda’ siyaasadeed Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya oo aan ka ahayn dawladda Itoobiya.

Gebogabadii, Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya wuxuu saxaafada xorta ha la socodsiinayaa in qoraal aanan ka soo bixin Emailkan Ogadenyouth@yahoo.com  uusan ka soo bixin Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya ee Waqooyi Amerika.

Waxaanan idiin cadeynaynaa in aan ka mid nahay Ururada bulshada ee Ogaadeeniya ee taagreesan halgnka ay JWXO-ONLF horseedka u tahay.

Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya
Xafiiska War-faafinta
Minneapolis MN U.S.A.

 

 -dhammaad-

ELDORET: Taxanaha Wararka 

AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD