SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Cisbitaalka Shriners, Boston, oo Ogolaaday Daweynata Saciid A. Maxamed  

As-salaamu calaykum.

Walaalahayga reer Somalitalk:

Ugu horreyn waxa aan idinku wargelinayaa in wiilkii gubashada daran qabay ee warkiisa aan idiin gudbiyey muddo ka hor uu hadda oggolaaday Shriners Hospital ee Boston, MA. Waxa Hospitalku ballan qaaday in ay bilaash ku daweeyaan. Waxa ay tahay in, haddii Alle idmo, sida ugu dhaqsaha badan ee waraaqaha safarka iyo fiisuhu ugu soo dhammaadaan in loo soo qaado Boston.

I  I  D  H  E  H

Saaxiibbayaal idinka iyo dadweynihii ila soo xidhiidhay ee ka damqaday xaaladda wiilkanba boqollaal jeer ayaad mahadsan tihiin. Ma malayn kartaan inta ay kalsoonidii aan walaalahayga Soomaalida ah ku qabay arrintani kordhisay. Dhamaantiin waan tixgelinayaa dadaalkiinnii.

Fadlan warkan akhristeyaashiina u gudbiya.

Marar badan ayaad mahadsan tihiin, Allena waxa aan ka baryayaa inuu uu howshan idinka abaal mariyo.

Walaalkiin,

Nuur Faarax nourfarah20@hotmail.com  

Oct 18, 2002

warbixintii hore ee wiilka....

LIFAAQ

Bahda Somalitalk waxay u mahadnaqayaan Allaha awooda sare leh oo suurtagalka nooga dhigay in aan warkaan idin soo gaarsiino. Waxa kale oo aan u mahadneqeynaa dhammaan intii gacanta ka geysatey gargaarka wiilka Soomaaliyeed ee u baahnaa gargaarka bini-aadaminimo. Waxa kale oo aan u mahadcelineynaa Nuur Faarax oo marwalba nala socodsiinayey xalaada wiilka. Mahad kalena waxaan u tebineynaa cisbitaalka Shriners Hospital ee Boston oo sida Nuur Faarax nasoo gaarsiiyey hadda ogolaaday daweynta Saciid A. Maxamed oo ah wiilka gubashada darani soo gaartey isagoo jooga Hargeysa.

Ugu dambayn waxaan Saciid u rajaynaynaa in Allah dawo kasiiyo cisbitaalkaas.

Insha Allah waxaan isku deyidoonaa in aan idinla socodsiino wixii kusoo kordha xaalada wiilkaas Soomaaliyeed marka uu yimaado Boston, USA, warbixinahaas oo uu diin soo tebin doono walaalkeen Nuur Faarax.

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Oct 18, 2002

###

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]