SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ELDORET

SARIFKA LACAGAHA

EEG BOGGA SARIFKA LACAGAHA
rwanda
LACAGTA JABUUTI

rwanda
LACAGTA RWANDA

suudan
LACAGTA SUUDAAN

Xagee marayaa qiimaha shillinka Soomaaligu, shirka Eldoret's wax ma kabedlidoonaa sicir bararka lacagta Soomaaliya....

Qiimaha Maanta Shillin Soomaaliga uu ka yahay sayladaha dunida:

100 US Dollar = 260,690 Somali Shilling
100 Somali Shilling (SOS) = 0.03836 US Dollar (USD)

Eeg Qiimaha ugu dambeeyey ee Shillinka

Sponsored by: Amal Express   

ELDORET OCTOBER 19, 2002 
  • Dr. Culusow oo gaarey Eldoret
  • Shirka oo lagayaabo in 3beri dib loo dhigo
  • Beesha Mudulood oo shir kuyeeshay Eldoret
  • Cismaan Caato oo soo kordhiyey waftigiisa shirka
  • Suxufiyiin Soomaaliyeed oo laga celiyey shikra

Dr Abdi Mohamed Ulusso oo gaaray Magaalada Elderot, Kenya

Dr Ulusso ahna Wakiilka Gaarka ah ee Mudane Muse Sudi Yalahow, Guddoomiyaha USC/SSA ee Waqooyiga Ameerika (USA & Canada) iyo UN-ka ayaa maanta 19/10/02 gaaray Eldoret, Kenya si uu uga qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Waxaan fursad u helnay aan ku wareysanno isagoo transit ku sii joogay Heathrow Airport, London, UK.

Dr Ulusso wuxuu noo sheegay inuu diyaar u yahay inuu qeyb firfircoon ka qaato dib u heshiisiinta Soomaalida, Dr Ulusso oo na tusay warqad casuumaad uu ku saxiixnaa guddoomiyaha qaban qaabada shirka Mr Mwanale ahna wakiilka dalka Kenya ayaa noo sheegay in shaqsiyaadka aan la casuumin ey ku dheeli karaan shirka kaasoo beryahanba hakad galay, Mr Mwangale ayaa aad ugu mashquulsanaa sidii loo xakameyn lahaa tirada ka soo qeybgalayaasha guddiga qabanqaabada shirka. Waxaana la sheegayaa in shirka dib loo dhigay muddo 3 berri ah.

Dr Ulusso wuxuu noo sheegay in maanta ey dhammaan xubnaha jooga Eldoret ee ka soo jeeda beesha Mudulood ey yeesheen shir aad u ballaaran soona qaban qaabiyeen Jaaliyadda beesha ee degan waddanka Kenya, shirka oo aad loo soo agaasimay ayaa ka soo qeybgalkiisa eysan u kala harrin hoggaamiye kooxeedka beesha Mudulood. Waxeyna isla garteen in si shirka miro dhalkiisa uu u noqdo mid miro dhala ey lama huraan tahay in beesha la mideeyo aragtidooda siyaasadda, taasoo leysla gartay lana dhisay guddi hoosaad gaaraya 21 xubnood ee ka shaqeeya sidii arrintan loo hirgelin lahaa.

Warar naga soo gaaraya Eldoret, waxey noo sheegayaan in Cismaan Caato uu si ku tala gal ah u soo kordhiyey wafdigiisa isagoo sheegay ineysan ka duwaneyn kuwa DKMG ah oo iyagaba aad moodo iney casuumaad aan jirin la soo wada baxeen, lamana garan meesha ey kala yimaadeen.

Warrarka naga soo gaarayo Eldoret waxey sheegayaan in Suxuufiyeen soomaaliyeed ee ka socda jaraa’idada Soomaaliyeed in loo diiday iney ka qeyb galaan shirka laguna celiyey diyaaraddii ey la socodeen bacdamaa eysan wadan wax casuumaad ah iyo dal ku gal intaba. Shaqsiyaadkan ayaa la sheegayaa in qaarkood rabeen iney magaca saxaafadda ku galaan shirka oo eysan weligood ka shaqeyn arrimo saxaafaddeed.

 

Abdirahman Omar Osman 

yarisow70@hotmail.com 

Oct 19, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD