|
SHIRKA EL-DORET
OO FASHIL KU DHOW
Ahmed Omar Joonge
Makarere Mass Com &
Journalism
Kampala, Uganda
Shirweynaha dib u heshiisiinta
Soomaalida oo lagu wado inuu berito ka furmo magaallada Eldoret ee dalka Kenya
ayaa u muuqda mid fashilmaya. Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo indheergaradyo
soomaaliyeed oo odorasay shirka bal wax ka qabsoomi kara ayaa durbadiiba waxay
tibaaxeen in shirka uusan soo kordhin doonin wax sidaas u weyn, waxayna
arrintoodaas ku saleeyeen hanaanka iyo qabanqaabada shirka oo aan wanaagsanayn.
Waxaa shirka soo qaban qaabiyay dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Dowladaas oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo kuwo kale, iyagoo
isla markiina isku khilaafay sidii shirka looga soo qaybgeli lahaa iyo ajendaha
loogaga hadli lahaa shirka.
Sida la og yahay dowladahaas
waxay ku soo mareen socod dheer qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Waxayna iyaga dhexdooda ku heshiin waayeen qaabkii shirka looga soo qaybgeli
lahaa. Arrintu si kasta ha ahaatee, waddan waliba wuxuu hoosta ku wataa koox ka
mid ah kooxaha ka jira dalka Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa la soo gaaray
xilligii uu qabsami lahaa shirka. Balse, waxaa nasiib darro noqotay in
waraaqaha casumaadda ee shirka lagu iibinayay maalmihii ugu danbeeyay Suuqa
weyn ee Bakaaraha magaallada Muqdisho.
Cabbasho ka timid wasiir ku
xigeenka dowladda Kenya Mr. Maxammed Cabdi Afeey waxa uu sheegay in la
foojireeyay, loona iibgeeyay waraaqaha casumaadda ee shirka magaallada Muqdisho.
Wasiirkan oo ahaa wakiilkii ay dowladda Kenya u xilsaartay qabanqaabada
shirka Eldoret ayaa si ba’an uga digay inaysan shirka ka soo qayb gelin
dhammaan dadka ayan khuseen. Mr. Afeey wuxuu sheegay in shirka loogu talo galay
inay ka soo qayb galaan ilaa 300 egray, balse ilaa iyo hadda waxaa lagu
wareersan yahay cidda ay noqon lahaayeen iyo sida loo qaybsan lahaa.
Waxaa la sheegay in loogu
talogalay dad loogu yeeray aqoonyahanno soomaaliyeed, kuwaasoo la sheegay inay
u badnaadaan haween soomaaliyeed oo aqoon leh. Iyadoo ay taasi jirto, haddana
warar ka soo baxaya ilo xog-ogaal ah oo shirka u dhuun-duleela in arrinta
shirka oo dhammi ay ka danbeeyaan dowladda Mareekanka oo la og yahay dowrka ay
shirka ka cayaarayso.
| Asalamu aleykum Yaa
Muslimiin!
In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN.
Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay
tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha
Shacbaan."
Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa
nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan
soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira
soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha
Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso,
saas daraadeed aan ka faa'ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq.
W/C/W/W.-
Osmanbilad
osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA: "Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun
iyo Aakhiro!" |
Waxay arrimahaasi oo dhan ku
xaqiiqoobi kara in hanaanka shirka lagu wado oo dadkii oo dhan ay biya diidsan
yihiin. Kooxaha Muqdisho ka jira oo iyaga daneeya wixii maslaxaddooda ku jirto
ayaa intay kulmeen go’aamiyeen inaynan shirka ka soo qayb gelin, iyagoo
tilmaamay inaysan shirka ka soo qayb geli doonin. Sidaa darted, ilaa iyo hadda
ma muuqato ajandaha iyo barnaamijka weyn ee uu shirkan xanbaarsan yahay.
Muxuu shirkan kaga duwan yahay
shirkii lagu soo dhisay Dowladda Afghanistan. Dadka arrinta shirka u dhuun
duleela waxay ku tilmaameen arrinkaas mid aad u hooseeya, isla markaasna aan
soomaali la isugu keen karin qaabkaas.
Dowlad la’aan laga soo
billaabo dowladdii Siyaad Barre
Laga soo billaabo sannadkii
1991-kii waxaa la isugu yimid shirar gaaraya ilaa in ka badan 15 shir, kuwaasoo
aan bulshada soomaalida u soo kordhin wax dan u ah danyarta soomaaliyeed ee ku
nool dalka uu burburiyay dagaallada sokeeye. Su’aasha la is weydiinaya ayaa
haddaba waxay tahay, maxaa xal u ah dadka haddey sidaas dhacday??. Ugu
danbeyntii, annigoo jawaab ka bixinaya su’aashaas ayaan oran lahaa in si dhab
loogu noqdo diinta Eebbe (sw), iyo iyadoo laga waantoobo dhammaan waxyaabaha la
xiriira qabyaaladda iyo naceybka aan salka ku lahayn diinteena, dhaqankeena iyo
jirirtaanka soomaalinimo.
Ahmed Omar Joonge
Makarere Mass Com &
Journalism
Kampala, Uganda
XUSUUS: Afkaarta qoraalka
waxaa leh Axmed Cumar Joonge oo ah joornaaliiste wax ka barta jaamacadda
Makarere ee Kampala, waxana uu qoraalkan soo gaarsiiyey xubin sare ee
bahda SomaliTalk ee Yurub iyo bariga Afrika oo hadda booqasho
kujooga Afrikada Bari
Oct 14, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|