SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Shirka Eldoret nabadi ma ka soo socotaa?!

 

I  I  D  H  E  H

Anigu jawaab idin ma siinkaro. Axad kaliya ayaa su’aashaa ka jawaabi kara waa Subxaanuhu Wa Tacaalaa. Anigoo sanad Afartanaad ku siqaya arin baanan indhaha saarin waa cir aan saxaab lahayn oo saymo ka curteen! Ciise (CSW) ka sokoowna ilmo aan aabe iyo hooyo xagood ka socon ma arag. Xataa sanadahan saynisku meel sare gaaray oo sida aad la socotaan waxa loo soo gaabiyo IVF oo English ahaan loo sugo In Vitro Fertilisation oo markasta loo baahanyahay ugxanta/ukunta dumarka iyo manida raga. Qole kale oo ku xeel dheer cilmiga la yiraahdo gene coloning waxay ku doodaan in ay suurtogal tahay in ilmo dhedig ah laga dhalin karo labo dumar ah dhexdood. Xataa haday u suurtowdo wali ma gaarin arinta Nabi Ciise iyo hooyadii maxaa yeelay waa kala jinsi.

Hadaan dhinaca kaftanka usoo noqdo nin guur doon ah ayaa mar la tashaday nin kale oo yiri dumar ka waran. Wuxuu ugu jawaabay dumarku waa wada shar markastaad yaraysid da’dooda dhibkaad yaraysay. Wuxuu ka wadaa mid yar guurso waxaa dhici karta inay xoogaa ka shar yartahay.

Waxaan uga danleeyahay qabqablayaashu inay niman qarribanyihiin, inay qaxar badanyihiin, inay qabyaalad badanyihiin iyo inay shisheeye qaraabsinimo badanyihiin la iskuma qabto. Mid qura ayaa ku filan inuu qaran dhan dumiyo. Hadii qol la isugu keeno oo layiraahdo wax wadaqabsada dhibaatadii baa cirka isku shareeraysa. Xisaab ahaan hadaan u xararno xeerkaas ayay raacaysaa:

(-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) (-1) + (-1) + (-1) = -9. Hadaad kusii dartid calaamadaas taban waxaad helaysaa tiro taban. Dhibtu waxay ka joogtaa anaga ayaa inteena badan calaamad taban wadana. Hadii aan wadan lahayn calaamad togane (+) ah oo badan nimankaas wax yar bay naga goosan lahaayeen waxaana aakhirka noo soo bixi lahaa calaamad togan (+) waana liibaani lahayn.

Bal gabay yar oo Sayidku tiriyey aan ka bowsado oo aan ka dhooqeeyo. Waa qabqablayaasha oo leh:

  • Sagaal nin oo walaalo ah sideenaan

  • Sideed ay ilmo Zenawi yihiin sidiinaas

  • Nina Sabi ina Cumar Geele u yahay sidaydaas

  • Sideedu ninkii siri sidiinaas

  • Ninkuna sideedii siri sidaydaas

  • Sagaalkuna shacabkii siri sideenaan

  • Hadii aynu isa siri sideedaba

  • Sidaa maynu kukala tagno sideedaba.

Hadii aan fiirino xeerarka fiisikiska (Physics) iyo kuwa Kimistariga (Chemistry) waxaan arkaynaa in calaamadaha is leh sida tabanayaasha ay kala didaan. Xasuusta heertamarihii unugyada (Atomic shells). Tusaalahan waxaa dhici karta in fikradayda mid lid ku ah laga heli karo laakiin waxaan hada ka hadlayaa waa qabqablayaasha oo kaliya oo wata calaamad tabane ah.

Hadaan kusoo noqono xisaabtii, nimankan qabqablayaasha ah waa niman isdhinac cararaya oo aan ogolayn tanaasul waxay u egyihiin sidii xariiqo barbaro ah (parallel lines) oo isku jiho ayey usocdaan laakiin usuma yimaadaan. Waa arintaas arinta keenta in qabqable kastaa yiraahdo waxaan raadinayaa danta Umadda Soomaaliyeed oo dadka taageerana ay la tahay inuu xaq ku taaganyahay. Sagaal danood oo Umadda Soomaaliyeed loo wado xagay isugu iman.

Hadii shacabku nimankan ka hari waayo oo wax laga qaban waayo waxaa imaanaysa in la isku dhufto oo ay labo labo isu qabsadaan halkaasna uu khalqi badan sida kala bar umaddu lunto oo ay dhici karto in markaas ka dib diyaar loo noqdo in la heshiiyo waa goor aan yaraanay, cadowgii kalana na sugayo.

Xisaab ahaan calaamada tabani waxay togane noqotaa markii mid la mid ah la isku dhufto. Hadii qabqablayaashu ay mid mid isugu dhacaan waxaa dhacaysa sidan:

[(-1) x (-1) = 1, (-1) x (-1) = 1, (-1) x (-1) = 1, (-1) x (-1) = 1. Sidaad aragtaan sideed calaamadood oo tabane ah baan labo labo iskugu dhufanay waxaa noo soo baxay afar hal hal oo togane ah. Sidoo kale waxaa la arkay in qabqablayaashu ay dadka kale ka xoogbadanyihiin oo ay tooda ku khasbaan. Tusaale ahaan (-1) x (1) = -1. Waxaad ogaataan qofkii muslim ah looma ogala inuu xukun dartiis dad ku dilo ama cirdigooda iyo sharaftooda ku xadgudbo sida qabqablayaaha iyo waxa taageera. Laakiin qofka muslimka ah Ilaahay buu ku xiranyahay oo haduu talo saarto cid diintiisa ka bedeli karta ma jiro. Marka qabqabluhu uu dagaalo oo uu xoog wax ku qabsado qofka muslimka ah markii -1 laga digo xaga aduunyadiisa oo dhib loo gaysto wuxuu unoqdaa Ilaahiis diintiisuna markasta waa togane oo lama bedeli karo. Marka -1 laga dhigo waxaa loo galiyaa waxaa loo yaqaan qiimo sugan (absolute value) oo markasta tabanaha ka dhigta togane. Waa Cismada Eebe. Tusaale ahaan [-1] = 1. Qofka muslimka haduu Ilaahiis adeeco diintiisu waa u toostaa oo markasta waa sidii la rabay.

Horta Ilaahay kheyrka ha ina waafajiyo. Umaddan Soomaaliyeed oo dhibana Ilaahay dhibta haka saaro. Ilaahna waa awoodaa inuu shirkaas nabad ka dhaliyo.

Fikradaydu waxay tahay rajo badan kama qabo shirkaas dhowr arimood dartood.

1. Ilaahay markuu dhulka ka waramayey wuxuu yiri (Waladii khabutha laa yakhruju ilaa nakidaa) oo ah dhulka kiisa xun waxaan xumayn ma soo saaro. Shirka dad badan oo aan qabqablayaal ahayn baa jooga laakiin waxa wax ka go’aan oo dadku fiirinayo waa iyaga. Marka qabqablayaashu kheyr ma soo saari karaan?!

2. Sunada Ilaahay waxay ku dureersatay in waxwalba ay hab raacaan. Nabad markii larabo qaabkaas looma maro waa sidii aan uniri Cir qaawaan roob kama yimaado waxaa marka hore la arkaa calaamaad sida dabaysha iyo daruuraha. Qof hadal kuu ku hadlaba diin ama dadkeedii haysta ma jid nabad buu raacay?!

3. Tusaalayaashii calaamadahii aan isticmaalay xisaab ahaan iyo Saynis ahaan

4. Ari dhurwaa Cows usoo gurayo. Waa wax lagu qoslo. Cadowgaagu hakula rabo horumar.

 

cabdulwaaxid Khaliif cabdulwaxid@hotmail.com 

Oct 18, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD