SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 TODOBA ILAA TODOBAATAN JIR SOMALIYEY CAQLI MEE

W/Q, Hassan Darwiish

 

I  I  D  H  E  H

 

Waxaa ay ahayd kaliisha diraac daba dheeraatay oo wadaanta qoyan ee dhulka xaabtaa aanay saxar ka qaadi karaynin, maadaama uu dhulku aad u xaalufay, meelihii lahaa waxoogaaga cawska ah ee sida Dixida ,dureemada, sifaarkaba iyo biyaha iyo baadkabalahaa waxaa looga maagay Colaad xun oo ka dhalatay dagaal ka bilowday sidii lagu cabi lahaa ceelka Talo Xume,

Kaaha waaberi ayaa soo bidhaamaay dadkii ku noolaa tuulada Talo xumo waxay dhamaan ku jiraan guul fadhi ceelka maadaama todobaad ka hor lagu diririray waraabintii saddexda meesi ee ay bulshadaasi dhaqanayeen ee arigga, geela iyo lo'da, Markii qoraxdu godkeeda ka soo mudh tidhi ayaa ugu yaraan kun qoys xoolahood soo kulaaleen qarka Ceelkii Talo xume, xoolaha waxaa daba tiicayay caruur iyo haween macaluul iyo oon la asqoobay, maadama ninkii qori qaadi karay uu ku jiro heegan ah hadii wadaantiisa la qabto ama nin kale ka hor maro waraabinta xoolihiisa inuu rubada gooyo, oo isaga noqdo kan cal calyada hore xoolihisu cabaan oo weliba inta aan raas kale waraabsan xoolihiisa uu uga hor maro rakaadashada iyo weliba ku cel celshiga biyaha.

Qacdii horeba waxaa isku soo qamaamay xoolihii oo uriyey saxan-saxada biyaha, yaase kala horaya ma caruurta iyo haweenkan iyaga laftarkoodu ka liita xoolaha ay la socdaan, maadama ay iyaguba ooman yihiin. ragii kala celin lahaa xoolahana iyagii ayaaba u baahan wax kala hora, maadaama uu mid waliba keeb la yuurur ahaa.

Markii uu banaaxigii Lo'da, qalaadkii, iyo garmaamadii ariga iyo ololkii iyo hugunkii geelu isku darsamay ee ay dhamaan caasha saareen halkii ceelkii ka xigay ayaa nin waliba soo hinqaday, saa wuxuu arkay mid kale oo isna ka soo baxay turunbuc yar oo agtiisa ahaa, xabadaa laysku asqeeyey, mid waliba kii kale ee uu arko ayuu liifada saray,

ugu yaraan dadka ceelkan u soo arooray waxay u kala socdaan 6 qaybood oo aanay qolona qolada kale bixinin, haday dagnaan ka hesho, xitaa Biri ma geydadii lama dhaafin, meeshii waxaa ku qudh baxay rag iyo dumar iyo caruuro aad u faro badan, waxaa taas ka darnaa ceelkii Talo xume oo dowliskiisu dheeraa dhamaana ilaa 200 ft waxaa awdey xoolihii oo ku daatay taasoo qarka keentay siduu neefba neefka kale uga daba gelayay afka ceelka.

Biyo laga cabo iska daaye waxaan taag loo helayn sidii loogu heshiin lahaa bal in xoolaha ku daatay ceelka laga soo guro taasoo laga yaabo inay iyaduna qaadato ilaa todobaad kale,

Markay xaajo dhabaqday ee la waayey meel loo irkado ayaa haweenkii xoolaha la socday oo barooranaya meel dhexe isugu yimaadeen, markay arkeen dhibka meesha yaalay ayay go'aan sadeen inay ku kala hagoogtaan dabaadiga haray, mid ka mid ahayd haweenka ayaa soo jeedisay in arrinta keliya ee u furani ay tahay in naag waliba ganbada dhigatoo ay weliba garbasaarahan xooraan bal in ay in uun ka xishoodaan Ciraddooda iyo cawradooda,

Nasiib wanaag markay casarkii qoraxdu u foorarsatay ayaa ay ku guuleysteen inay xabadii joojiyaan kuna qasbeen lixdii dhinac ee iska soo hor jeeday bal intay maydka soo kala gurayaan in ay ka xishoodaan taana way ku guuleysteen idanka ILAAHAY,

Markii maydkii la kala aastay ayaa ileyn waa la ooman yahay lamana kala adka'e waxay haweenkii ku guubaabiyeen bal in qolo walba soo xushaan ragii garta uga qayb geli lahaa, lixdii qolo mid kastaaba waxay soo xulatay kay is lahaayeen wuu idiin cad goyn doonaa, ee ugu shar badnaa, waxaase la yiri Ilaahow sama ka talis ha noo waayine waxaa shir gudoomiye loo doortay gabar 25 jir ahoo hengasha ama aseyda qaadaysa berrito maadaama seygeedii goobta ku xijaabtay wax yar ka hor, inan-taasoo ahayd mid EEBE ku galadaystay Asluub iyo garasho dheeri ayaa gogosha ka cadeysay maadaama ay colaada ku nin beeshay inaysan sugi karin inay ku walaal beesho.waxaa kaloo ay intaas daba dhigtay in fool xumada colaadu leedahay ay iska soo hor jeedeen ninkeeda iyo walaalaheed, maadaama ay ka kala tirsanaayeen qolyahan dagaalamayey taasna ay la wadaagaan dhamaan ama inta badan haweenka meesha marayey.

Arinta la yaabka leh waxay ahayd lixdaas qolo waxuu mid walba eedaynayaa shanta kale oo uu leeyahay waxaan ka rabaa magta iyo maalka iga maqan. maadaama uusan jirin mid kan kale xabadda uga turay, markay heega dhacaysay.

Geed weyn ayaa loo waabay in laysugu keeno lixda beelood ee Talo Xumo haweenkii ayaa iyaguna isku xilsaraay sugida amaanka gogosha iyagoo ku hubaysnaa qoryihii ay ka aruuriyeen ragii meesha ku qudh baxay.

Ilaahow eex ha nooga tegin aqoon daran hanangu cadaabin, waxaa laga hayaa oday Soomaaliyeed oo gar u soo jilbo jabsaday mid kale oo ag tiisa fadhiyey oo Ilaahay oo keliya quluubtiisa daalacan karo ayaa yiri AAMIIN, Ilaah base xaal og, arintii la guda gel ninba meeshii uu rabay inuu mar uun golaha ka cadeeyo oo ay bishmihiisu la nuux-nuuxsanayeen ayuu golihii ka yiri saa nin walba waxa uu ku hadlayo maba aha wax loo fidhiyey iyo wax sahli kara in biyaha ceelkii saami wadaag iyo sinaan lagu cabo, waayo lixda dhinac ee gartu ka dhaxaysay midna madasha ma keenin kii ugu Taqisana ee waxaa wax lagu soo xulay yaa maalintay gar nacley jirto, golaha la geyn jiray, sama ka talis iyo caalim Ilaah ka cabsadaa goobta kama dhaweyn, ninkastoo meesha fadhiyaan waxuu aamin sanaa inuu yahay xaafudul Quraan iyo mid ka soo baxay jaamacadda ama ka jawaabaya afarta beynu jeho meeshii wax laga weydiiyo (keligii qumane) laakiin dhegihii ALLE waaniyo ayaa waansan ayaa layiri e, dadka garta loo soo maguugay waa wada caalim mid ba kuu doono ha yaaqaan Diini Iyo Maadi’e. oday kastaana waa u jeedaa sida xaqu yahay laakiin waxaa dhega maray caadifada iyo dhaqan dadweynaha reer Talo Xumeyaal oo xeerkoodu ahaa xeer caanka ah ee ay leeyihiin xayawaanka duur joogta ah sida libaaxa shabelka, maroodiga IWM , kaasoo ah ( survived by the fittest ama Jungle law ) oo la micno ah Ninkii ugu xoog roon ayaa iska leh wax walba inta kalena waa u marti kaynta oo waxuu uga tagaa calaqa iyo cagfahaha iyo uuska markuu ka hirqado Daribta ama hilibka qofba siduu u yaqaan,

Intuba inta ka dhowe intaan hadalkii qaar ka mida ka qayb galayashii aanu hal mar ku soo wareegsan ayaa budhka iyo tooreyda oo nin walba hoosta ku soo qarsaday laysa fuulay oo ninba kii ka ag dhowaa inta tuhmay inuu gaadayo ayuu birta ka aslay markii wixii goobta ku dhiman karey ku dhintaeen ayaa lagu kala yaacay madashii, waxaana meeshii ku soo harey haweenkii shirka soo qaban qaabiyey oo dhafoorada haysta, ileyn horaa loo yiri Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa ku candho iyo faruuryoba la'e. halkaas maray xaajadii marayso. ayaa lagu kala dareeray ceelkii iyadoo aan xoolo iyo dadba aanay fiiqsan wax biyo ah.waa halka ay ku baxday .CIDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA .

Sheekh, Dr, Proffasor, Aqoon yahan Barbaar iyo ugaas duub leh cidi ma maqana CAQLISE MEE. sidaas waxaa yiri wiil yar oo 7 sano jira oo qoranaya qalin qori uu rabay inuu ku aado iskuul ku yaal Talo xume oo maalin ka hor laga soo diiwaan geliyey, wiilkan yar oo taagnaa meel lagu dhageysanayey idaacada BBCda oo laga dhegaystay warkaas naxdinta leh, ayaan su’aalay maxaad uga jeedaana Caqlise mee wuxuu yiri, “Hooyaday waxay ii soo gaday Laba qalin iyo saddex Buug iyo Boorso si aan wax ugu barto laakiin malaha addeerow waxaa iiga fiicnaan lahaa inay ii soo gado Buntukh laba qasnadood iyo booshkiisa si aan ugu shaqaysto” yaabay, hadana dhabanada qabsaday cajabay oo hadan jiriricooday, markaasaan hal-haleel ku weydiiyay Cabdi yare oo “adeer maba qaadi kartide maxaad uga door biday waxbarashada belaayadana”

Markaasuu yiri ‘Weger warba ma haysid yaan wax u bartaa ma dalkan nabadaba loo diidey ee belaaydu ku gaardinayso,adeer aanoo uurka hooyaday ku jira ayaa gurigayaga hoobiye ku soo habsaday oo hooyaday gacan ayay ku beeshay, aabahayna wuu ku dhintay, tan iyo maalintaan dhashayna hooyaday oo gacan la’ ayaa miciin ii aheyd, marka aan laba sano jirsaday ayaan dareemay dhibaatada hooyaday ku qabto xambaaristayda, saxaro ka dhaqistayada iyo radinta waxaan quudano ilaa maalintaasna ciil gaamuray ayaan u qaaday kuwa qoriga sita ee baabi’iyey aayihii aniga, walaashay, hooyaday iyo inta ila midka ah, marka adeer bal fiiri hareerahayga kuwii markii dagaalku bilawday aniga I leekaa maanta waa qaan gaar waxna may barnine waxay ku nool yihiin nolosha Bagdhiga (dhaca) markaa waxaan filayaa Qalinkan ma soo dhawa dal looga shaqeesto ee waxaa igala manaafacaad dhaw Qoriga oo hadan sagaal sano gaaro gaawaarida Tiknikada ahee beeshayada ayaan raacayaa, isagaana aan ka biilayaa hooyo iyo walaashayda iga weyn ee Samsam, waayo isagaa ka manaafacaad dhow buugga ee adeer hooyaday ma ka dhaadhicin kartaa, inay iga dayso dugsigan iyo iskuulkan baas ee aanay jirin waxaan ka faa’iidayo,

Waxaan ku iri bal ilaa xad intee in leeg ayaad aqoon u leeyahay qorigan baas ee uu ku haliilayo, Cabdi yare kama laba labeyne markiiba waxa uu la soo booday "warba ma haysid adeer maalin dhaweyd ina Warsamahan aan deriska nahay ayaan kaga helay kun iyo shan boqol oo shilin oo aan shineemada ku galay, waxaanan ka badiyey tartan lagu tartamayay canug walba inta uu ka yaqaan qoryaha weliba adeer waxuu iga weyn yahay 2 sano iyo dhalaan ciir ( saa'id), anigu waxaan sheegay 126 qori min bastoolada ilaa PM inta wax dhaca u dhaxaysa isaguna wuxuu sheegay 117 xabo oo qura marka adeer adigu ma taqaan qoryo kale oo aanan horey u maqal aan ciyaalka lacagta kaga gurtee, rumayso akhristow waxaanba ka gartay waxa uu tirinayay 13 qori oo kaliya waxa iigu la yaab badnaa sida uu u xafiday waxaa uu u kala hormariya isagoo ku gabyaaya alphabetical order waxaa aan ka xasuusta isagoo ku gabyaya inuu ka bilaabay,

Baroon iyo jiib, beebeeshee bastoolada teetee BII EM rasaas leh, baasuuke iyo beebe ordaaaya suug baacsanay, kaare baqanaya taw bursanaaya iyo.............

Halkan kuma soo koobi karo dhamaan waxii ka soo burqanayay quluubta sebigaas yar balse waxay la yaab iyo amakaag igu noqotay halka ay culuuntiisu ka gaartay aqoonta qoryaha oo noqday halka keliya ee uu ku taamayo inuu ka jibo keeno.

Waxaa kale oo aan waydiyay, Adeer walaashaa Samsamta kaa weyn ee aad sheegayso maxay qabataa ? markaasu yiri "Samsam yarey aa" markaasaan ku iri walaashaa haa, ma warwareegane markaasu yiri "adeer laba sano ayay iga weyn tahay, hada laba sanadoodba way noo shaqeynaysay aniguna iyadaan raacaa mar mar si aan u uga waardiyeeyo ciyaalka kale, waayo isgoyskaan gurigeena u dhaw ayaan ka soo qaraabanaa" oo adeer maxay ka qabataa waaba sebiye ayaan ku celiyey isagoon hadalkiisii dhamaysan? markaasu Cabdi yare yiri " adeer cideena cidi uma dhoofsana curadna iyadaa noo ah oo waan ku qasban nahay inaan quutul daruuri helo sidaas daraadeed isgoyskaas ayaan isu dab galaa marka ay gaadho barqada 12ka duhurnimo si aan uga gurubsano garaabadda qaadka ee ka daadaata dadka markay jaadka iibsanyaan taas ayaan aruursanaa anagga iyo canugyo badan, oo uu naga dhaxeeyo tartanka garaabaysigu markaa maalitii waxaa ay walaashay markaan anigu caawinayo ay ka heshaa marka suuqu wanaagsan yahay ilaa 1500 oo shilin So, marka uu sidaas i leeyahay waxuu jeebabka iyo darafahaba ku sitaa caleen aad u fara badan oo uu malaha la sugayay qaar idaacada nala dhegaysanayey, oo ka mid ah kalyantigiisa.

Markaasan weydiiyey oo yaa baas oo aad ka gadaan caleentan ka qubatay jaadka ee weliba ku dhacday dhulka habaaska weyn leh,

Cabdi yare waxuu ku tiraabay Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin adeer waxaan leenahay kalyanti aan ku tashano aaway waxanoo xamaali iyo garab rarata meelaha ka soo jaaba jaabeysta ayaanu anaguna ka sii diritaysanaa risiqeena nooooh" oo kuwaas yaad iiga tilmaami kartaa adeer, inta uu hareeraha fiiriyay ayuu hoos iigu yiri, waxay u badan yihiin aarkulisteyaal iyo dan yar aan gadan karin qaadka nool nool waayo waa qaali oo ma goyn karaan,

Oo iyagana da'doodu waa intee jiro ayaan ku iri " markaasuu yiri waxay u badan yihiin 50 jir ilaa 70 jiro waqtigu ka daba yimid, laakiin waagii hore malaha ahaa rag sar sare markaasuu ku daray duq Cadde oo aanu ilig ku yeerin, waxuu nooga sheekeeyaa intaan ku sugayno qaadka kabadhada taariikhdiisii hore iyo waxuu badhaadhe iyo barwaaqo soo laba laqay waayo waa 58 jir aan ilig ku yeerin oo leh 7 caruura oo yar yar, dawladihii horana u shaqan jiray malaha welina waxuu u jaakidhayaa inuu beeshiisa hogaamiyo oo uu ka baxo jaad suququrkaan, waayo waxuu noo sheegay hadii uu lacag haysan lahaa inuu heli lahaa maleyshiyo badan oo uu sidaas ku heli lahaa jago ka fiican kuwii hore ee uu hayn jiray. waana ninka noogu badan ee aan ka gadno kista aan suu helno maalintii.oo Cabdiyoow miyaydaan ka cabsanin inaad meesha ku dhimataan ileyn waa meel qaad lagu gadayo oo mooryaanta, jirida ama Daydaygu maalin walba ay dadka ku laayaan'e.

Adeer galab dhaweydna laba canug oo wax yar naga waaweyn ayaa iyagoo hawshooda wata waxaa dilay raasaas ay fureen niman tuuga ah oo dhacayay naag jaadka gadi jirta oo la oran jiray Faadumo markay weydiisteen inay siiso qaad baada ayaay u diiday, hoh iyo hoheeeey !!!! bal may iska siiso qaadkiina way qaateen iyadii labada canug iyo dhawr qofoo kale waxaa disha rasaastii ay dadkii ku fureen.

Mid kale oo Gureey la dhaho isagana isagoo gawracan ayaa laga helay kabadh qaadka lagu gado oo uu ku gam'ay isagoo sugayay in marka qaadku dhamaado habeen barka uu helo garaabo badan, lama oga wax gooracay.

Adeer lax dhukani abaar moog ayaa la yiriye taana waan u jeednaa dhibkeeda. hade gurigeenina waa cidna uma maqna ceelna uma qodna ee yaan isku halaynaa, intuu madaxa ruxay oo qamuunyaystay ayuu yiri Hadii aabahay noolaan laahaayaa walee sidii ilmahaa deriska nala ah ayuu dharka Iida noo soo gadi lahaa, iskoolkana bas ayaa nalaku geyn lahaa. laakiin adeer macno ma leh ha u bixin waan ka dabaalan doonaa, inta uu iiga dhacayay sheekadaas walaahay indhahayga waxaa ka daadanayay ilin aan la xadidi karin, waayo sida ay uga taal canugaas aan ciirsiga lahayn iyo sida uu rabo inuu uga baxo dhibaatada iyo sida ay xaqiiqadu tahay. waxa aan weli quluubtayda ka go'in sida Todobba Jirkaas iyo Todobaatan jirkii soomaaliyeed ee loogu maahmaahi jirey Todoba jir iyo tacaliin iyo Todobaatan jir iyo talo. Sida maanta loogu bedelay 7 jir iyo dib jir iyo Todobaatan jir iyo Tafaraaruq doon waxaa la yiri haddii geelii waaweynaa dhababaceeyo(ordo) maxaad moodaa kii Aaranka ahaa

Ha la yaabin hadaad aragtiid maanta ubadkenii oo aayo beelay waayo waxay raaceen maata raadkii ay inoo jeexeen kuwii la rabay inay ina rabeeyaan waayo waxaa la yiri Awrka Danbe Awrka hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay,

Waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkayga ku soo geba gebeeyo bahda reer TALO XUME waxay u baahan yihiin caqli kala haga ama sama fare si nin walba miidaankiisa u qaato, waayo waxaa la yiri MARKA CEELALYADU HESHIISO AYAY XOOLUHU CABAAN laakiin hadii la waayo caqli saliima oo ku salaysan naf qaybsi iyo ii cun iyo adigu ii cun weligeed xoolahaas ceelka ku daatay ee weliba ku dhex qurmay way ku jirayaan inta ka hartay micistii oonka lagu horayna way ku sii dhamaanayaan milicda lagu horay.

waxaase la yiri AYAAN LUUDA IYO ALLE AYAY LEEDAHAY ee bal aan eegna madasha ku xigta tii hore ee reer Talo xume ku heshiin waayeen, hase yeeshee waxaa la yiri nin war sugayaa waxaa la yiri....... kama marmo'e, mar kale ayay dhegaha maatadu u hanqal taagayaan waxa ka soo yeeri doona gogol uu ku dhawaaqay odey deris ah oo la yaabay caqli xumada reer Talo xume.

Guuxa dad weynuhu waxuu leeyahay tolow maxay noqon ma sidii hore oo kale ayaa lagu kala dareeri mise waa kama dan beystii.

Xigmad ayaase waxay leedahay wadaniga dhabta ahi waa kan samaha jecel, sinaanta ku dhaqma saqiir iyo kabiir qadariya, tanaasula, xaqiisa qaata xaqanaaskana ka dheeraada ee tolow kaas ma laga heli doonaa Reer Talo xume.

waxaan ku soo qaadan doonaa qormooyinkayga danbe halka uu ku danbeeyo isku daygan u dan beeya ee la filayo in laysugu keeni doono kuwii Cabdi yare aaye iyo aabe tiray oo uu maanta jeclaan lahaa haday naftiisa badbaadiyaan inay weliba xukumaan isaga.

Fadlan aan helo taladiina iyo tusaalihiina akhristayaal

Hassan Hersi darwiish USA 

hassandarwiish@hotmail.com 

Oct 20, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD