SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OGEYSIIS
 Shuruuda Qoraalada Kusoo Baxaya SomaliTalk.com

"Waa in qoraalku ahaadaa Af-Soomaali, ama waa in uu wataa tarjumadiisa oo Af-Soomaali ah"

Shuruudaha Qoraalada:

  • Ugu horayn waa in qoraalku ahaadaa mid la fahmi karo -  higgaadda iyo naxwaha qoraalku waa in ay sax yihiin (marka aad qoraalka qortid ugu yaraan hal mar akhri ama qof kale u dhiib si uu kaaga hubiyo inta aadan dadweynaha usoo tebin) --- AKHRI... oo AKHRI... oo markale AKHRI ... oo HUBI oo markaas kaddib SOO TEBI !!!.
  • Waa in qoraalku ahaadaa mid ay dad weynuhu wax ka faa'iidayaan ama cilmi laga korosanayo, kuwaas oo muhiimad gooni ah la siin doono.
  • Waa in aan maqaaladu noqon "qoraallada lagu soo yooyootamo!!" - yooyootanka lama baahin doono.
  • Waa in aan qof si shakhsiyan ah loogu xad gudbin, waa ladhaliili karaa qofka wax qabadkiisa harer mariya sida saxda ah, waana la amaani karaa qofka wax wanaajiya, laakiin waa in aan marna laga tegin caddaaladda.
  • Qoraalada cilmi baarista ah waa in ay wataan tixraac ama meelaha laga soo xigtey.
  • Waana in qoraalku ku qornaadaa Af-Soomaali (eeg hoose).

Waxaan mar labaad xusuusineynaa dhammaan qorayaasha nasoo gaarsiiya qoraalada, in ay shardi tahay in qoraalku uu ku qoranyahay Afka-Soomaali. Qoraalku wuxuu noqon karaa war, war-Saxaafadeed ama war-Murtiyeed, Maqaal, Faalo, iwm.. Dhammaan waa shardi in ay ku qoraadaan Afka Soomaaliga.

Qoraalku marka uu ku qoran yahay luqada Soomaaliga waxa uu si rasmi ah u gaaraya umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo fahmaya tibaaxaha, dulucda, ujeedada hadalka iyo macnaha guud ee qoraalka, waa marka uu qoraalkaasi ku qoranyahay luqada afkooda hooyo - Af-Soomaali.

Sidaas darteed ayaan muddo sii horeysey halkaan ku faafinay in haddii qoraal looga gol leeyahay in uu gaaro Soomaalida, ay shardi tahay in uu ku qoranyahay luqadooda Af-Soomaaliga.

Hadii ay dhacdo in qoraalka asalkiisu uu ku qoran yahay luqad kale, waxaa shardi ah in qoraagu uu soo raaciyo qayb u dhiganta qoraalkaas oo ku qoran AfSoomaali ama tarjumada qoraalka.

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Waxaan ka afeefaneynaa in aanaan soo deyn doonin qoraal aan wadan qayb Afsoomaali ah amaba aan ku qorayn Afka Soomaaliga. Taasi waxay ka qayb qaadanaysaa dhawrista Afka Soomaaliga si uu san dunida uga suulin . EEG HALKAN

Qoraalada SomaliTalk waxaa loogu soo hagaajin karaa Halkan....

Bahda Somalitalk.com

Canada/USA

Daabacaad: Oct 14, 2002 | Cusboonaysiin: Dec 7, 2003

XASILLOONIDARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji
m

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD