SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Safarkii Ingiriis ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Nairobi, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com  

DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

Markii iigu horreysay ayaan shalay imid magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Garoonka Deyniile ee duleedka magaalada Muqdisho ayaan ka soo duulay goor barqanimadii ah. Muddo ka yar hal saac markii aan garoonka dhex joogay ayaa waxaan soo raacay diyaarad lambarkeedu yahay VVD oo ah kuwa Qaadka geeya Soomaaliya.

Muddo saddex saac ku dhow ayay diyaaraddu hawada nagula soo jirtay, waxaana ila saarnaa dusheeda afar wiil oo dhallinyaro ah, laba gabdhood oo yar yar iyo laba pilot oo mid ka mid ah la ii sheegay inuu yahay mid ka mid ah milkiilayaasha diyaaradda, uuna yahay Soomaali. Pilot-ka kale ayaa isaguna ah Ethiopian, mana ahayn markii ugu horreysay ee aan isla safarno.

Saacad markii diyaaraddu socotay ayaa si axsaannimo ay ku jirto uu nin ka mid ahaa dadkii aan diyaaradda wada saarnayn waxa uu iigu baaqay inaan cuno Oodkac uu watay. Markii aan laba jeer iri ma cuni karo ayuu igu yiri dhadhami. Wax yar ayaan soo darsaday Oodkacii, kaddib waan qasmay.

Xanuun aanan ogeyn ayaa igu yimid oo degdeg ah, waxaana dareemay, run ahaantii, inaan sakaraad ku dhowahay. Waxaan aad uga welwelayey in anigoo xanuunsan aan ka dego garoonka Wilson Airport oo aalaaba shaqaaluhu ay yihiin dad culeyskooda leh.

Markii aan soo gaarnay garoonka ayaa Ilaahay igu taageeray caafimaad. Waxaan maray qaybaha hubinta iyo baaritaannada. Markii aan marayo baaritaankii ugu dambeeyey ayaa waxaa isaga key dhegay qoladii joogtay meesha looga baxo garoonka.nairobi

Waxa ay i weydiiyeen document-ga aan ku soo galay Kenya. Waxaan tusay passport-keygii oo uu ku dhufsan yahay dal ku gal (VISA) Kenya ah oo garoonka laygaga dhuftay. Wax kale oo document ah ma wadataa markay yiraahdeen ayaan tusay Journalist’s Card aan leeyahay oo ka diiwaan gashay Minneapolis, MN.

Salaan ayay qaateen, waana i raalli geliyeen, iyagoo igu leh “waan ka xunnahay, raalli ahow.” Waa yahay, waadna mahadsan tihiin inta iri baan orod ku soo fuulay gaari ay igu soo dhoweynayeen saaxiibbadeyda Nairobi. Waxaan niyadda ka soo gocday asluub wanaagga howl-wadeennada garoonka Dubai iyo arxan-darrada kuwa Wilson.

Magaalada Nairobi markaan gudaha u soo galay ayaa waxaa na joojiyey gabar askariyad ah. Darawalkii ayay weydiisay license-ka uu ku wado gaariga. Markuu tusay ayay ku murmeen magaciisa. Waxaa arrintii dhex galay saaxiibadey, waxaana ay ku dhammeeyeen xaal-mastuur.

Waxaan soo dhex maray magaalada gudaheeda, wax yar kaddibna waxaan imid xaafadda Eastlight, oo ah meesha malkada rasmiga ah u ah Soomaalida deggan magaalada Nairobi. Dadku aad ayay u badan yihiin, waxaadna dareemaysaa inaad joogto Soomaaliya oo kale.

Waxaan markiiba dhexda ka galay Ayaamaha Cyber Café oo dhab ahaantii si weyn caan uga dhex noqday reer Nairobi. Net-ka dabaalashadiisa ayaa laygu soo dhoweeyey anigoon weli nasan. Markaan wax yar fiiriyey ayaan u istaagay nasiino.

Eastlight, markii hore waxaan ka aaminsanaa inay tahay meel yar oo kooban, hase ahaatee waxaa ii soo baxday markaan meelaha soo marmaray inay tahay xaafad weyn oo ballaaran, hase ahaatee waa meel dhiiqadu ku badan tahay.

“Waxaan ma ahan dhiiqo, waa wasaqdii magaaladu iska soo fogeysay,” sidaas waxaa xalay igu yiri Faysal Cali Jimcaale oo ah reer Eastlight, annagoo dhex marayna meel aan la mari karin oo wasaq badani ceegaagto.nairobi

Waxaan degay hotel Mash oo ku dhex yaalla bartanka Eastlight, hotelkana waxaa deggan badi dadkii ay iiga xirnaayeen howlihii aan u imid halkan. Waxaa hotelka ku hor yaalla maqaayad ka mid ah maqaayadaha ay Soomaalidu isugu timaaddo.

Saakay subaxnimadii ayaan u dhaqaaqay dhanka magaalada hoose (downtown) Nairobi. Waxaan billowgii hore tagay hotel Hilton. Waqti gaaban markii aan ku nastay ayaan u dhaqaaqay dhanka dukaamo iibiya dharka Talyaaniga, waxaana la kulmay dhacdo la mid ah dhacdooyinkii Muqdisho.

Koox burcad ah oo hubeysan ayaa waxa ay galeen oo qabsadeen dhismaha weyn ee la yiraahdo Uganda House, waxaana ay isku dayayeen inay lacag boobaan, hase ahaatee police-ka ayaa nin ka mid ah tuugada dhaawacay, waxaana ay eryadeen kuwii kale.

Dad badan oo dhacdadan la yaabban ayaa dhismaha ku soo hor-xoomay, waxaanan la hadlay nin ka mid ahaa dadkaas oo ii sheegay in dhacdooyinkan oo kale ay ku badan yihiin Nairobi.

Waxaan dabadeed ka soo dhaqaaqay meeshii, waxaanan imid Portal Coffee oo ah maqaayad Soomaalidu ay wax ka cunaan. Waxaa i wehliyey ganacsade Daher Ali Bubal oo muddo joogay Kenya. Waan qadeynay, kaddibna waxaan galnay Masjidka caanka ah ee Jamia Mosque oo ku dheggan maqaayadda.

Masjidka waxaa aalaaba si lixaad leh u soo camira Soomaalida, waxaana uu u dhisan yahay qaab casri ah. Waxaan dabadeed booqday hotel Intercontinental-Nairobi oo ah meel lagu kala war qaato. Cabbaar markaan fadhiyey ayaan weydiiyey wixii buugaag cusub ee ay hayaan Catholic Bookshop oo ku dheggan Cathedral-ka bartamaha.

Waxaan dabadeed hormaray khabrigii Madaxweynihii hore ee Kenya, Jommo Kenyatta. Khabriga waxa uu dhexda kaga yaallaa laba libaax oo bir ka sameysan. Waxaa geesaha kaga yaalla 20 calan oo calanka Kenya ah.

Kaddib, waxaan sii ag maray Baarlamaanka Kenya oo dhisme ahaan u eg Baarlamaankii hore ee Soomaaliya, waxaana uga sii gudbay Xafiiska Madaxweynaha Kenya (Office of the President). Iigama muuqan xafiiska in wax shaqo ah ay ka socdaan, waxaase ku badnaa gawaarida.

Waxaan kaddib booqday Kenyatta International Conference Center oo ah dhisme la dhihi karo waa kan ay caanka ku tahay Nairobi. Askar badan ayaa gudaha ku dhex jirtay, kuwaas oo sugayey ammaanka. Waxaan halkaas uga sii gudbay dhismaha Nation Building oo ah xafiiska wargeyska afka dheer ee Daily Nation. Wixii warbixinno ah ayaan is dhaafsannay, waxaana ballannay inaan mar kale is weydaaranno wixii fekrado ah.

Magaalada Nairobi, waxaa aad ugu badan dadka masaakiinta ah ee tuugsada. Waxaad ku arkeysaa dariiqyada dad taag-darran iyo kuwa dhaawacan oo aan garan waayey wixii ay ku dhaawacmeen.

Caawa anigoo jooga hotel The PanAfrican ayaan waxaan maqlay xabbad, dad hotelka qaybtiisa hoose jooga ayaana ii sheegay inay dhici karto in xabbaddu tahay police-ka iyo tuugo is haysata.

Waxaa magaalada awood qarsoon ku leh tuugada dadka dhacda, kuwa wax dafa iyo kuwa dadka qalqaliya ee xeeladda u adeegsada, waxaase aad u yar maalmahaan qabqabashadii ay police-ka Kenya ku hayeen Soomaalida.

Nairobi, waxaa caado ka ah in gaadiidka dadweynaha ee BL-ka oo halkan looga yaqaanno “Matatu” ay si darran u dheereeyaan muusigga, kaas oo dheguhu ay ku qiiqayaan, korkuna ku ruxmayo, iyadoo gawaaridani lagu farsameeyo Kenya. “Dadka waayeelka ahi ma raacaan gawaaridaan muusigga dheer awgii” ayuu yiri Saacid Maxamed Cali oo dhallinyarada Nairobi ka mid ah.

Cimilada ayaa maalmahaan yara kulul, laakiin waxa ay iila muuqataa qabow. Cimiladu waxa ay caga cageynaysaa 32, habeenkii ayayse noqotaa 24. Guud ahaan, magaaladu waa roobeysan tahay, waxaana ka da’aya roobab.nairobi3.jpg (30180 bytes)

Dhaqanka iyo dabeecadda ayaa wax badan ka geddisan tan Soomaaliya, waxaana dhallinyaradu ay xiiseeyaan ka qayb galka xafladaha Aroosyada iyo kuwa kaleba, waxaana arrintan dhiirri geliya, sida la ii sheegay, dhallinyarada qurbaha ka timaadda.

Dhinaca waxbarashada xaafadda Soomaalidu deggan tahay lagama sheegi karo waxbarasho tayo leh, laakiin waxaa jira dad wax barta oo aan badnayn oo dhigta waxbarashada dowladda.

“Soomaalida inteeda kale waxay wax ka bartaan iskuulada gaarka ah (private schools), waxayna bartaan luuqadda English-ka oo keliya,” sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Xaaji (Cali Deeq) oo ka mid ah dhallinyarada Kenya. “Waxaa kale oo ay bartaan Computer-ka iyo isticmaalka Internet-ka” ayuu ku daray

Ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, gaar ahaan Eastlight ayaa 90% waxa uu ku xiran yahay dharka, hase ahaatee maalmahaan dambe waxaa sare u kacay isku dayashada ganacsatada iyo ka ganacsiga Cyber Café-yada.

“Nin walba waxa uu ku dayanayaa ninka kale tallaabada uu qaado,” sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Cabdi (Waayeel) oo ka mid ah ganacsatada Nairobi, “waad aragtay sidaan filayo, dariiq walba waxaa ku yaalla Net Café” ayuu ku sii daray.

Nolosha Nairobi, ma hooseyso, mana sarreyso. Waa iska meel dhexaad, hase ahaatee magaalada hoose ayaa yara qaali ah. Marka is barbardhig la sameeyo, nolosha Nairobi waa ka hooseysaa tan Dubai, waana ka sarreysaa tan Muqdisho.

 

WAKAALADDA WARARKA IRIN OO NAIROBI KU WARAYSATAY MAXAMED XAAJI (INGIRIIS)

‘Waxaan dareensanahay in dhaawac uu gaaray xiriirkii u dhexeeyey saxaafadda iyo dowladda ku meel gaarka”

Wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN ayaa dorraad la xiriirtay weriyeheenna Maxamed Xaaji (Ingiriis) oo hadda ku sugan magaalada Nayroobi, waxaana ay wax ka weydiisay sharciga saxaafadda ee Baarlamaanku ansixiyey.

I  I  D  H  E  H

“Haddii sharcigani lagu ansixiyo sida uu hadda yahay, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kuwa ugu foosha xun adduunka (draconian)” ayuu yiri Ingiriis oo u sheegay IRIN in Arbacadii la soo dhaafay ay dhammaan joojisay saxaafadda Muqdisho shaqadeedii, sida wargaysyada, idaacadaha iyo telefishinnada.

“90% saxaafadda la daabaco iyo tan warbaahintu way joojiyeen howshoodii si ay u muujiyaan inay ka soo horjeedaan sharcigan” ayuu yiri Maxamed Xaaji (Ingiriis) oo xusay in sharci ku sheeggani uu hor istaagayo howlgallada saxaafadda.

“Waxyaabaha saxafiyiintu ay aadka uga walaacsan yihiin waxaa ka mid ah; in sharcigu qeexayo inay tahay sharci darro in la weriyo sirta dowladda iyo in la dhaleeceeyo saraakiisha dowladda” ayuu yiri Ingiriis.

“Sharcigani waa wax aan la aqbali karin (unacceptable), taasna waa waxa aan ku diiddannahay” ayuu yiri, isagoo sheegay inkastoo sharcigani u muuqdo mid aan weli lagu heshiin, haddana isagoo ku hadlaya magaca saxafiyiinta Soomaaliyeed uu soo dhoweynayo faragelinta Madaxweynaha ee uu ku celiyey Baarlamaanka sharcigan.

“Waan soo dhoweynaynaa tallaabada Madaxweynaha, laakiin waxaan dareensanahay in dhaawac uu gaaray xiriirkii u dhexeeyey saxaafadda iyo dowladda ku meel gaarka” ayuu yiri Ingiriis oo walaac uu ka muuqdo, waxaana uu intaas ku daray “arrintani gebi ahaanba waxay ahayd mid aan loo baahnayn.”

Wakaaladda wararka IRIN waxaa kale oo ay waraysatay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Aadan Ibraahin (Ibbi), waxaana uu u sheegay in Madaxweynaha KMG C/qaasim Salaad Xasan uu oggolaaday in dib u habeyn (amendments) lgu sameeyo sharcigan, “Madaxweynuhu wuxuu dhisay guddi qareenno ah iyo saraakiil dowladda ah oo la shira suxufiyiinta, kalana hadla cabashadooda” ayuu yiri Ibbi.

“Goluhu wuxuu si degdeg ah ula kulmi doonaa wakiillo ka socda saxaafadda, sharciga intiisa badanna waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka, kuwaas oo ka bixin doona qodobada saxafiyiintu ka cabanayaan” ayuu yiri.

Warkan waxa uu ku jiraa web page-ka wakaaladda wararka IRIN, isagoo ku qoran af-Ingiriisi, waxaa kale oo laga heli karaa website-ka caanka ah ee lagu magacdaabo: http://allafrica.com/ 

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Nairobi, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com  

Oct 3, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY 
 
 
 
 
 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]