SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  Somali ma danbaa ugu jirta habkan igad wax u wado

 

I  I  D  H  E  H

 

Magaca alle ayaan ku bilaabayaa Somaali meelkastay joogto waxaan leeyahay ACWWbarakatu Intaas ka dib waxaan gudo gelayaa mawduuca marabo war aad ka dheragsan tihiin somali ahaan inaan idinku soo celiyo Laakiin meesha hada ay sheekadu marayso inaan ka bilaabo Waxaan ka war haynaa in xiin siyaasadeed oo hor leh uu hada Bilaabmay mid kasta uu u neef tuurayo sidii uu shirkaay wadaan Wadamada igad uu isagu unoqon lahaa ka keliya ee dawlad loo dhan yahay lagu doorto noqdana successor ka soo dhex Baxa ummada. tartamayaashuna waxay yihiin sidan :

1)D KG iyo baarlamaankeedii carta , suaalreer carta madhan yihiin?

2)nidaamyada dawliga iyo kuwa maxaliga hadaan jilciyo :- a) maamul dawlo goboleedada
b) maamulada gobolgobolka ugaara( G/ jawhar,G/hiiraan).

3)SRRC suaal iyana ma dhan tahay xagayse haysataa ?

4) ururada (siyaasadeedka iyo kuwa maxaliga u adeega danaha dadka iyagu marabaan inay siyaasad ahaan u yimaadaan laakiin waxay rabaan qofkay rabaan eedanahooda fulinaya inay taageero toosa siiyaan ).

5)aqoonyahanada in uun dareensan inay wax la qabtaan ummadooda soomaali laga yaabe inay qaab xisbi ku socdaan ama shaqsi.

6)waxaan ka tegey laba maamul askar goboleed oo iyagana la isku haysto dhulka ay maamulaan sida shabeelada hoose iyo kismaayo.

Hadaba hadii intaa ay isu tagaan maxaa ka soo bixi kara ma dawlad xalaala, Soomaaliyina raali ka tahay mise dawlad xaaraana, horaa loo odhan jirey hal xaaraana nirig xalaala ma dhasho, way iska cadahay waxa u badan oo meesha maraya intii ummada dhaantay meel xuna u jiidey, suaal maxay soo saarayaan? Haday wax soosaaraana intey le ekaan karaan? misaa nin walba meesha loo dhiibo markuu wuxuu qaado waayo buu miiska gurigiisa u qaadan sidii maamihii ugu danbeeyey ee dawladii ina Bare.suaalahaas jawaabahooda idinka somali ahaan ayay idiin taal.

Reer carta shaneemadoodii waa la dawaday iyadaana ugu dambeeysey, Kuwan kale ama maamul ha samaystaan ama maleeshiyo meel haku Haystaan iyagana 12 sano ayay dadka haysteen,hana kala soocin min waqooyi galbeed ilaa w/bari ilaa muqdisho ilaa kismaayo shaneemo warkoodu waa dhaafay mugdi buu marayaa xaalkoodu iyo baaba.cafwan meel ma wada joogaan dhamaan kuwa dadkooda sharciga u kala sameeyey dawliga ah iyo kuwa fowdada ku jira ee waxaan ka wadaa dawlad dhexe la aanta ee ma aha wax kale. Hadaba talo, horaa loo yidhi talo iyadu kuguma noola ee adaa ku nool Waxaan ku talin lahaa inaynaan noqon ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalise yaynaan dib ugu noqon 60 kii dawladii musuqmaasuqa oo hada baadhbaadho(qaraabto) C/qaasim iyo mararka qaarkoodna uu isticmaalo kii ina bare ileen waa macalinkiisiiye intaas oo shaneemo waa lagalay suaal waxaad daawatey had iyo goor ma ku ceshan karta? waa maya dalka iyo dadkiisaba dhulkay yaalaan meel kastay joogaan waxay u baahan yihiin dad ka saara dhibaatada , xagay joogaan dadkaasi? ma kuwa gudaha joogaanbaa? ma dalka dibadiisay joogaan ?ma kuwo hada ka dib u dhalnaya somalibaa? hadaba jawaabahooda idinku soo saara somaaliahaan laakiin hadaydaan somali ahayn xil ma idinka saarna.

Waxay aniga ay iila muuqata in wadanku toban qof oo aan qabiil lagu xulin(lagu soo saarin) laakiin lagu xulo ( wax uqabad somalinimo iyo karti ) ah niman soomaaliyeed ee aduunku usoo istaago aqoon ay leeyihiin ama ruugcadaa siyaasi kama wada qabiilistayaasha ku adeegta bahashaas ee waa inuu ahaadaa heer qaran diyaarna u ah inay dalkooda wax u qabtaan qabiilkana u arka li tacaarafu ee aan hub ka dhiganayn lana aamini karo dalkana maamulkiisa gacanta loo geliyo, dadkana dhamaantiis ay heegan iskaa wax u qabso ah loola shaqeeyo gudo iyo debad waayo hadaynaan la shaqeen wax maqaban karaan? Waa maya ileen gacmo wada jir bay wax ku gooyaane. waxayna u shaqeenayaan sidan :

1)madaxweyne.

2)raiisawasaare.

3)6 wasiir (wasiirkasta 5 ama 6 wasaaradood buu wasiir ka yahay). 4)G/maxkamada iyo sharciga.

5)xidhiidhiyaha dawlada iyo arimaha bulshada(shaqadiisuna ay tahay sidii wasaarada gudaha).

Marka intaa la helo waxaa laga yaaba in qarankii kufay inuu kaco Kuwa dambiilayaasha cidii doontaa wax ha ka sheegatee waxaa fiican in la dhaho (id-habuu antuma dulaqaa), macnaheedu yahay orda waa la idin cafiyey ileen alaahba dadkiisa waa cafiyaa waxaana ku jirta is cafinta xigmad aad uweyn Oo uu yidhi nebi maxamed naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee markuu maka furtay, waxaan saas u lee yahay aduunka qof ku waarayaa ma jiro waayo qof kasta waqti yar buu lee yahay iyaguna waa inay intaa nagu daayaan oo aanay dalka labid danbe kula laaban oo ay ka toobad keenaan xumaantii hore. Nimanka loo doorto inay dadka iyo dalka Maamulaan waxaa ka xaaraana maamulka khaldan:- a)inay is xagxagtaan( sidii carta min bilow ilaa hada).
b)inay qabiil isu colaadiyaan ama isku nebcaadaan.
c)inay cirka isla aadaan wax kalena ismoodaan.

d)waa inay hantida dalka iska ilaaliyaan ,aanay kuna xadgudbin iskaa wax u qabso ku dadaalaan inay inta badan ku shaqeeyaan. Dalkana meeshii ay doonaan ayay ka degi karaan amaan ahaan ilaah Waxba kuma aha inuu inaga soo dhex saaro tobankaa qof oo lagu xulo inay daacad ka yihiin inay ummada soo celiyaan waayo dadku waxay u baahan yihiin hogaan fiican oo aan kala fadilin , is ixtiraamida iyo soomaalinimona waa inay ahaataa mid muqadasa oo la ilaaliyo sharafta walaalnimada markaa ayaa waxaa bilaabmaysa is jaceel iyo isqadarin qof kastaana helaya cadaaladiisii iyo xuquudiisii uu ku lahaa(dakiisa iyo dadkiisa).hadaba sidee lagu helayaa tobankaa?ugu horayn helitaankooda yaan la qabyaaldeen ee ha lagu xulo yaa ka daacad noqon kara arimahan maanta ee aan u baahneyn in la siyaaseeyo ummada ama meelkale laga hogaamiyo.Waliba dadku wuu isku filanyahay soomaali way siin karaan musharkooda Iyadoon carab loo soo baryin . tobanka la xulayo waa in laga soo xulo Ingiriiska, maraykanka, talyaaniga, canada ,jarmalka, sweden,ustareeliya koonfur afrika iwm, aqoon yahanada jooga meelahaas waliba jaaliyaduhu xulayaan( aqoontiisa,waaya aragnimadiisa,ummad malagu aamini karaa, heer qaran magaadhay mise waa warlord),markaan xulano tobanka markaa ka dib aynu isula tagno wixii somali ka naxaya shirna ha inala qabtaan Igad ,jaamacada carabta, AU,EU, US ,aan nidaamka hoose ku dhisayno.

hadaan saas la yeelin meel fog baynu ka raadin doonaa!!!! MD C/qaasim waa kuu han weyneed somali kuli, markaanu DR C/Q aan maqleyney laakiin waxa nagu filaatay somali kuli dawladaada markaad kala soo dhex baxdid media duna sheegto maanta MDKG wuxuu la shirayaa labada gole inta hawiye kaga jirta,(macnaheedu yahay somali ma metelo laakiin beel baan metelaa ) soomaaliyina ay ku sugayso adigoo u madax weyne ah ma wax baad hagaajineysaa mise cudurkii dawadiisa la raadinayey ayaad sii fidisay md C/qaasim hadaan kuu sharxo jagada aad haysid waad dhaaftay heer aad somali hal beel marba kala soo baxdid oo aad la shirtid waana dariiq xun oo uu jideeyey maclinkii ina bare xiligii ugu dambeeyey maamulkiisa isagoo saas u yeelayey bal inuu muddo sii joogo kursiga , waxaan kugu la talinayaa noqo kii labaad ee reer Carta shaadhkiisa ilaashay si hawl yarna uga siibo intay goori goor tahay.

SRRC na iyana somaali cafis niyo ah ayay ula taagan tahay hana dhaafaan ummada haday baxayaan iyo haday joogayaan labada . Somali diidna (waa kuwa ummada xumaheeda ku naaxa )waxaan leeyahay aduunkan wax yar baa la joogayaa ee meesha lagu waarayo ha seegina una shaqeysta daarta aakhiro walaalihiina xumaha ka daaya .

Qoraalkan dadgaara kuma eryanayo ujeedo aan somalinimo ahayna kama lihi bal in ilaahay I waafajiyey iyo in kale wixii denbiyana alaah ha iga cafiyo. Wa bilaahi tawfiiq

. Ha isasaxdo somali khaladkeeda
WQ. Axmed Maxamuud (Giire)

WQ. Axmed 
Giire245@hotmail.com 

Oct 18, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 DKG oo Diyaar u ah in ay Itoobiya kula Midowdo Nidaamka Confederalka 
hadii eey " dowladda itoobiya taageerada ka joojiso mucaaradka DKMG ah" isla markaana GUJI 12/10
DOODFURAN:
Sidee Dadweynaha Soomaalidu u arkaan hadalkaas 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD