SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Abdi Abshir Dorre
Environmental coordinator (Agenda 21)
Direct 0046 8 508 24 026
Mobile 0046 704 724 026 
abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
 
 

I  I  D  H  E  H

 

Waa leeysku heeystaa tirada dadka iyo kheeyraadka dunida:

Ugu horeeyn, waxaan aad ugu abaal hayaa dalkii iyo dadkii nagu soo daalay iyo nadaamka iyo dariiqa fasaxaya in qofku asagoo leh dal iyo dad uu u dhashay eey hadana suuragal u tahay inuu ku noolaado meesha uu ka helayo nabad iyo nolol. Ha hilmaamin in aniga iyo adigaba aan marti u nahay(si toos ah /dadbanba) dal asal ahaan eeynaan u dhalan oo nabad, naxariis, iyo horumar kalla duwan(cidii kasbatay/nasiib u yeelatay) aan kalla kulanay.

Taasina waxeey u fududahay inuu ka abaalgudo cidii aan hilmaamin in dhowr sano ka hor aan ka soo cararnay dhibaato (weliba sii xoogeeysaneeysa) oon anagu isu geeysanay.

Hadaba aan isla eegno qormadan hoos ku qoran, oon hubo inaadan ku farxeeyn.

Caalamka maanta aan ku noolnahay waxaa leeysku heeystaa saddex arrin:

Tiradda dadka, - Kheeyraadka dabiiciga iyo -Aqoonta. Waxaa dhici karta in saaxiibo badan dhahaan tirada dadka ka reeb, Afrikaba waayaga iska dhooban, ha yeeshee cid wax laga iibiyo aad baa loogu baahan yahay si dhaqaalaha dal leeyahay u kobco(tusaale dalka Shiina). Mar aan akhrinayey dhibaatada qaxootigu ku hayo wadankan, ayaa waxaa ii soo ifbaxday in faa`iidana lagu qabo oo hadii xoogaa lacag ah la geliyey, eey suuqa la aadayaan si eey u noolaadaan, markaa waxaa kordhaya wax kalla gadashada, wax soo saarka iyo lacagaha dib ugu noqda canshuurta wadankan iyo gaboladuba helaan ee ganacsiga ka soo baxa, hadaba dadkii yimid khasaare kaliya lama eeysan imaan, waa kaliya marka sida qaxootiga lagu sifeeyo eey sax tahay micnihii mashaqeeystayaal ceeyrta(welfare) ku nool, taasoo sida aan ognahay xaqiiqda ka fog. Marka aad u fiirsato gaar ahaan Sooomaalideena dalkan iyo dunida daafyadeed u soo nabad galay ee aadka u dhalin yar watana dhaqanka ah in caruur la dhalaa eey muhiim tahay, waxeey ku dhaleen dunida caruur aad u fara badan, tusaale ahaan dalkan Sweden soomaalidu 60% waxeey ka yar yihiin 16 sano(micanaheedu waa intuu ku dhashay ama caruur ahaan buu ku yimid). Dadka asal ahaan u dhashay dalkan, ee aan aheeyn indheergaradka khasaaro ayeey u arkaan, ha yeeshee waxgaradka, aqoonyahanka iyo hogaanka dalkani faa`iido badan buu u jeedaa, oo tusaale yar hadaan tilmaamo, tirada wadankan aad beey u yaraaneeysay mudadii u danbeeysay(islama ekeeyn inta dhimatay/dhalatay), markaa waxaa miisanka dhameeystiray soow ma aha dadkii ka yimid meesha caruurdhalida looga heeysto (cidii oo ciidan u heshay ceelka leeysku heeysto). Sweden gabadhii iyo odaygiidba howl aduun beey ku tartamayaan, oo caruur waqtigii baa diiday. Dhowaan dad baa looga baahan dunida in laga keeno, shaqaale xirfado kalla duwan leh, ha hilmaamin dal iyo dad baa shaqsiyaadkaas wax barayey ilaa eey noqdeen dad xirfado leh, Sweden laakin xataa lagama iibinayo (oo ganacsiga dadka waa khalad, weliba meesha eey dadka ka soo qaadanayaan ayagaa dooranaya). Maalmo dhaweed S-Africa iyo USA baa isku heystay kalkaaliyayaal caafimaad oo S-Afikaan ah oo nolol wanaagsan iyo shaqo loogu bishaareeyey (saaxiib suuqa shaqadu waa xor……..xoriyada dadkuna waa tan koowaad), ma lahaa waa la jiifiyaana banaan, mase globalisation baa u biloowday si dardar ah.

Yaa haya tirada dadkeeygii soomaaliyeed dhalatay/dhimatay?cidaan wax xisaabin waa la xisaabin buu arinku u muuqdaa. Dhinaca dhimashada marka aan eegno dadka ku dhintay Soomaaliya ama Afrika, halkaa oo leeynta dadku tahay wax caadi ah, ha hilmaamin qofkaasi caalamka horumaray dhib buu kalla tagay, kheeyraad fara badan oo Afrika ku aasan baa dunidu eey si wadajir ah ugu baahan tahay, ishaana lagu hayaa, (international resources), hadaba arinku waa wiilkii dhaxalka kulla lahaa dhimay (tacsidiina aad beey kaaga fogtahay oo wax qaaraan ah lagaama rabo). Markaa da`yarta galbeedka kheeyraadka waa u cidlo. Inkastoo dadka waa la dhali karaa saaxiibo badan isleeyihiin, hadana waxaan ku xasuusin qodob muhiim ah oo AQOONTU sal u tahay ee la`aanteed loo baaba`ayo: haraad, gaajo, cudur iwm.

Bal marka aad damacdo inaad arinkaas danbe ee aqoonta ah aad ka fakarto waa arrinka kaliya oo wadamo badan oo dunida ku yaal ku kalifay ineey silic ku jiraan. Anoo kuu soo gaabinaya waxaad arkeeysaa wadan kheeyraad dalkiisii ka buuxo:

Bad iyo dhulbeereed, - Shidaal iyo macdan, -Tirada dadka(ee wax laga iibin lahaa)

laakiin ku jirra silic aan kor ku soo xusay (tusaale Nigeria), waayo saaxib?? AQOONTA.

Bal ka waran hadii intii lagu tabcay ee wax la baray eey nabadgalyo aawgeed wadankii uga soo hayaamaan, una yimaadeen dalkale, soow ma aha kheeyraad(Aqoonta) kaa guuray oo dib loo heleeyn. Waxaa ka muuqata meelaha lagu keeydiyo tirooyinka kala duwan, in si hal qof dalkan looga saaro ilaa dugsiga hoose/dhexe eey lacag farabadani ku baxeeyso.

Bal ka waran hadii xoog dhameeystiran, aqoon jaamacadeed wata, oo nabad raadis ah albaabka ka soo galo, asagoo isla markaa ku faraxsan inuu nabad iyo nolol kaliya helo.

Isweeydiintu waxeey tahay, yaa ku deeymin adiga hadaba aqoon loo soo jeeday, la geliyey dhaqaale fara badan oo ku baxay cilmi baaris iyo tijaabooyin kalla duwan, waa CIDNA. Waxaan filaa inaad maqashay erayo farabadan oo laga yaabo in aan loo kuurgelin BASAASIDA CILMIGA, waa waxyaabaha maanta aan cid kugu marti qaadeeysaa eeysan jirin, hadaad adigu kheeyraadkaagii, dadkaagii iyo aqoontaadii yareeyd aad martiqaad ku bixisay. Ogoobeey diinta muslimka oo soomaalideenu weliba eey aad u kala dhaxleen, waxaa u horeeya IKHRÀ, oo weliba Nabiga (nnk), asagoo waxna qorin, waxna akhrin lagu amray. Nasiibdaradu waa wax la dhaxlay lama xafido oo lagama faa`iido (waayo laguma daalin barashadeeda iyo fahamkeeda, ee awoowaheen baa muslim ahaa).

Qofkii /dadkii /dalkii aan wax akhrin, cilmi baarisna la imaan, dunidan waxeey ku tahay kuna waari doontaa marti AAD LOO SILCIYO.

  Abdi Abshir Dorre 
abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
 

SOMALITALK.COM | sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii Uruka SANU 

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD