SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
War saxaafadeed uu soo saaray hogaamiye kooxeedka Muuse suudi yalaxow ayuu ku ayiday maamul gobaleedka lamagac baxay bariga iyo bartamaha somaaliya 

 

I  I  D  H  E  H

Muuse suudi yalaxow ayaa waxaa uu ku cadeeyay mow qifikiisa laxiriira ku dhawaaqida maamul gobaleedka lamagacbaxay bariga iyo bartamaha somaaliya kaa soo looga dhawaaqay todobaad yadii la soo dhaafay magaalada muqdisho isla mar ahaantaana uu ku saxiixnaa gudoomiyaha kaltanka golaha SRRC mudane Hilowle imaan cumar.

Muuse Suudi yalaxow waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku shegay in ayada oo aan jirin maamul dhexe awgeed loo aas aasay maamulkan cusub kaa soo sudub dhaxaad unoqan karo buuyiri mashaqada kataagan dalka somaaliya. Muusa suudi ayaa sidoo kale tibaaxay in mow qifka golaha SRRC loo aas aasayna ay tahay in maamul gobaleedyo ay ka abuurmaan gudaha dalka si is qabqabsiga sad bursiga laxiriira uu udhamaado oo markaasina la isugu tago shirweyne dib u he shiisiineed oo dhidaba u xaara dowlad loo wada dhan yahay.

Mar uu ka hadlayay siyaasa iyo mabda maamul gobaleedkan waxa uu sheegay in maamul gobaleedkaan ay uwada dhan yihii beelaha ku abtirsada beesha mudulood iyo ku wa ay isku deegaanka yihiin waloow uusan carabaabin. Waxaa sidookale uu faahfaahin kabixiyay inta dhul uu fadhiyo baaxadiisa waxuuna sheegay in maamul gobaleedka baaxdiisa dhul ahaaneed uu ka soo bilaabanayo galagduud ilaa iyo jubabahoose.

War saxaafadeedkan marki la soo saarayay waxaa ku saxiixnaa rag siyaasiyiin ah oo caan ah oo ay kamid ahaayeen hilowle imaan cumar cali mahdi maxamed maxamed cumar xabeeb (m.dheere) durbaba waxaa soo baxaya diidmo iyo dhaleeceen laxiriirta ku dha waaqida maamulkaan hadaba siyaasiyiintii ka soo hor jeystay ama dhaleecaysay maamulkaas waxaa ka mid ah maxamed dheere iyo xuseen xaaji bood ku waa soo sheegay in aysan warba ka hayn meel lagu dhisay maamulgobaleed ay hor mud uyihiin siyaasiyiinta beesha mudulood laakiin ayka maqleen oo kaliya magacyadooda oo laga sii daynayo qaarkamid ah idaacadaha iyo wargeys yada muqsisho.

Wxaa sidoo kale dadku ay hadal hayaan qaabka uu uhir gali karo maamul aan lahayn madax weyne. Baarlamaan iyo xukuumad toona.

C/laahi mire cabdi (qadaafi) | qadaafi114q@hotmail.com 

SOMALITALK.COM | sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Xarunta Dr ismaaciil jimcaale
Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha u dooda ayaa cambaaraysay kuwa gaysanaya xadgudubyada damiiriga ah ee ku dhaca dadka aan hubaysnayn gaar ahaan afduubyadii loo gaystay C/ raxmaan Max’ed Sheekhey iyo Max’ed Aweys Macaane iyo dilkii C/sangaab Jimcaale oo ay ku dileen suuqa dhuxusha lagu iibiyo ee degmada Shibis
.. GUJI...

WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii Uruka SANU 

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD