SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - BORLÄNGE
URURADA SOOMAALIDA BORLÄNGE OO KU MIDOOBEY DANAHOODA


Dadweynihii kasoo qayb galay xafladda
Waxa ay in muddo ahba ku howlanaayeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku daqan Degmada Borlänge sida ay u soo afjari laahaayeen isfahan waagii u dhaxeeyey ururaradii ka jiray deegaankaas, oo aad u fara badnaa marka loo eego dadka ku nool magaaladaas.

Waxaa lagu qiyaasaa dhamaan Soomaalida degan magaaladaas ilaa iyo 180 oo u badan Carruur iyo dhalinyaro, halka ay dadka waaweyni kaba badneyn 60 qof sida uu ii sheegay sargaal ka shaqeeyo xafiiska maamulka Degmada.

8 urur ayaa ka jiray magaaladaan waxaana midoobey 7 ka mid ah. Waxayna shirar xidhiidh ah la yeesheen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasada ee wadankan iyo maamulka gobolka. Hadaba xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey xisbiga Shaqaalaha ee talada waddanka haya, laguna muujinayey inay dhamaatey qeybsanaatii Soomaalida Borlänge ayaa waxaa lagu qabtey Talaadadii la soo dhaafey hoolka shirarka.

Gudoomiyaha Golaha Ururada Soomaalida Maxamed Kismaayo

Ismaaciil oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada shirka, guddoomiyana ka ahaa mid ka mid ah ururadii danahooda ku midoobey, ayaa waxuu cod baahiyaha ku soo dhaweeyey Guddoomiya Golaha midowga ururada Soomaaliyeed ee Borlänge mudane Maxamed Xuseen Kismaayo.

Maxamed Kismaayo waxuu si aad ah ugu dheeraadey Shaqo la'aanta ku raagtey Soomaalida iyo baahida loo qabo in dhallinyarada Soomaaliyeed loogu heli xal looga badbaadiyo mukhaadaraadka iyo ka niyadjabka waxbarashada, iyo waliba sidii looga caawin lahaa maadooyinka ay kaalmada uga baahan yihiin.

Waxaa dabadeedna ka hadlay siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Degmada oo kala duwan, waxaa ka mid ahaa masuuliyiintiii xafladaas ka hadashey Peter Hultqvist oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Borlänge, ahna guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee gobolka Dalarna.

Qeyb ka mid ah Siyaasiyiintii maamulka Gobolka Dalarna

Peter waxuu aad ugu nuuxnuuxsaday muhiimada uu leeyahay midowgu iyo abuubulku gaar ahaan qaxootiga, waxuuna xusay maanta inay jirto fursad weyn marka loo eego 60-dameeyadii oo soo galootigii soo galay wadankaan ay u badnaayeen Finlandeys ku yimi xoogsi, waxaana soo galootigaas loola dhaqmi jiray in ay yihiin dabaqada labaad, laakiin taasi maanta ma jirto, idinkana ha isu arkina marti inaad ku tihiin dalkaan ee is abaabula, xaquuqdiinana wadajir ku doonta, hadday noqon lahayd shaqo iyo waxbarasho, Peter waxuu kaloo ballan qaadey inay diyaar u yihiin wadashaqeyn hoose inay la yeelan doonaan Golahaan.

Warbixintii hore ee Magaalada BORLÄNGE.  

Abdulhakim Ahmed Guled 
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com  

 

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD