|
WARGELIN
XAFIISKII XAWAALADDA EE BILAAL FOOD
CENTER (1990 RUSSELL ROAD) EE OTTAWA WAA SIDIISII

Dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee
magaalada Ottawa ee dalka Canada, gaar ahaan macaamiisheenna sharafta leh waxaa
lagu wargelinayaa kadib markii ay hantiilayaashii AMAL EXPRESS ay laba u kala
jabeen ayna halkaas ka samaysantay shirkad kale oo la yiraahdo TAWAKAL EXPRESS,
Xafiiskii Amal Express ee 1990 Russell Road wuxuu raacay shirkadda cusub
ee Tawakal Express oo ay aasaaseen hantiilayaashii kasoo go’ay Amal
Express.
Xafiiskan oo ilaa sannadkii 1992 idiin
adeegayey, kuna caan baxay adeeg hufan iyo ammaano lagu kalsoon yahay, wuxuu
imminkana idiinla diyaar yahay shaqo deg-deg ah oo idin raalli gelisa. Waa
hubaal in aan maqsuud idinka dhegeyno.
Macaamiishu waxay durba dareemeen adeeg ka
hufan kii hore, waxaana laydiin ballan qaadayaa soo dhaweyntii aad horayba
nooga barateen iyo waliba xeelado cusub oo xawilaadda lagu dadadjinayo.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Maxamed Macalim & Cabdulfataax Maxamed
Tel: (613) 733-7206 – Fax: (613)
733-9084
E-mail:
amalexpress@sprint.ca
Ads:SomaliTalk.com | August 22, 2003 |