SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

SOCDAAL NABADEEDKA ABWAAN HADRAAWI EE UK


Waxaa dhammaan Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkan Ingriiska loogu bishaareynayaa in socdaalkii Nabadda ee Abwaan / Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku marayey waddamada Yurub ee ay Soomaalidu ku dhaqan tahay ku soo food leeyahay waddanka Ingiriiska. Sida uu qorshuhu yahay, waxa uu abwaanku ku soo beegan yahay waddanka Ingiriiska horraanta bisha Jenaweri ee sannadka cusub 2004, waxaanu kulanka guud ee Socdaal-Nabadeedka Hadraawi ee ugu horreeyaa uu ka dhici doonaa hadduu Eebbe idmo, magaalada London, maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 11/01/2004.

Arrintaas qabanqaabadeeda waxa iska kaashanaya labada urur ee kala ah KAAH (Kaalinta Abwaankiyo Aqoonta Habboon) iyo Somali Concern Group, waxaana labada urur diyaariyeen xafladdii ibo-furka u noqon lahay Socdaal-nabadeedka Abwaanka ee UK.

Taariikhdu waa Axadda, 11 January 2004
Rugta xafladdu ku qabsoomi doontaa waa:-
FRIENDLY HOUSE,
173 EUSTON ROAD, NW1
(Kana soo horjeeda Euston Tube Station)
Wakhtiga: Waa duhurnimada maalinta Axadda 11th Jan. 04
Saacadda: Bilowga Barnaamijku waa 13:00 duhurnimo
Gaadiidka:
Tube: Euston, Kingscross, Warren Station
Buses: 10,17, 18,30,73,91, 188, 205, 214, 253, 259,

Fadlan wixii faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh:

Maxamed Yuusuf Mire 07958052535
Maxamuud Guure 07958063235
E-mails:- mohamedbashe@hotmail.com
guremm@hotmail.com
kaah@kaah.org.uk 
suldaan@aftahan.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com Dec 20, 2003

MAXAY JARAA'IDKA CAALAMKU KA QOREEN SOOMAALIDA 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]