SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
 Sidee Saddam Hussein loo qabtey?

Ahmed Osman Farah (Zahid)

Karachi-Pakistan

axmedshiino@hotmail.com

Tel: 00-92-300-2252724. 

Tan iyo intii maamulka madaxwayne bushi iyo xulufadiisa Ingiriiska ay ku soo duuleen dalka ciraaq awoodiina ay ka rideeen madxwayne Saddam Hussein, waxaa waddanka ciraaq soo wajahay qaraxyo arxan darro ah oo ay mawaadiniin reer ciraaq ah ugu hurayaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen cadwga xoogga ku hasyta ee maraykanka iyo ingiriiska, qarxyadaas way kala cusalaayeen oo waxaaba ugu darnaa kii lala beegsadey dhismihii xarrunta qaramada midoobey ay ku leedahay magaala madaxda Baqdad, waxaa taas ka drnaa qaraxii uu ku dhintey hogaamiyihii shiicada Al Hakimi kaas oo lagu dhex qarxiyey masaajid dhexdiis, dhamaan qarxyadaasi waxay bilaabeen markii Saddam laga eryey Baqdad. 

Dadka qaarkii ee adduunka ayaa aaminsan in qaraxyadan uu maleegey hogaamiye Saddam, dhabarjab ayay u ahayd Saddam ka gadaal markii la laayey labadiisii wiil ee uu aadka u jeclaa ee Uday iyo Qusay, iyo weliba saraakiishii dawladiisa oo maalinba maalinta ka dhamaysa isu dhiibaysey ciidamda maraykanka. 

Akhristo bal is waydii maxaa saddam adduunka oo dhan isugu tageen?, waxaa ku soo baxaysa mararka qaarkood jawaab ah in marayku ka dhiganyhay qof leh igu soo wareeji hubkaaga si aadan hadhow to isga kay celin, yaab waaye taasi mana ahan wax caqli galah, Saddam iyo maraykan sida muuqata taas ayay isku diidanyihiin oo adunku markykana ula jebeiyey waddan ay carabta iyo guud ahaan islaamku hoos harsanyey, akhriste waxaan halkan rabaa inaan ku soo kobo sidii maraykanku iyo xulufadiisa ay u heleen nin ay ka harsanwaayeen muddo fara badan. 

Ilaa iyo maalinkii saddam ka baxay caasimadda Baqdad, ciidamda isbahysigu waxay saddam ka raadinayeen magaalda uu ku dhashey ee Tikrit.

Sida uu sheegey nin ka mid ah dadka aadka u nceb saddam, maalintii ugu damesey ee ay ciidamda isbahaysigu gacan buuxda ku dhigeen Baqdad, waxuu sheegey in uu arkayey Saddam iyo labdiisa wiil oo saaran baabuur oo ag jooga masaajid ku yaalla Baqdad, hase ahaatee in yar uun ka dib ay wiilashiisu raaceen baabuur cad oo ay u dhaqaaqeen dhinaca magaalda mousil ee wiilasha ilam saddam iyo wiil ay dhaleen lagu diley Jullydii ina dhaaftey ee sandkan, sadaam iyo dhowr qof oo la socdona isagoo xiran qamiis cad inuu u dhaqaaqey dhinaca magaalda tikriit. 

Mid ka mid ah hogaamiiyaasha ciidamda isbahysiga ayaa sheegey inay aad ugu daaleen dhaqaale badan ku baxey sidii ay ku heli lahaayeen Saddam.

Saddam Hussein madaxwaynhay ciraaq waxaa lagu yaqaanaa nin adag oo militeri ah isagoo noloshiisa ku dhamaystey xilli qalafsan oo aad u dhib badan, waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin neceb yuhuudda, isla ,markaana jecel in carbtu ay si wada jir ah ula diriraan yuhuudda. 

Ciidamda isbahysiga  mudoo bilo ah ayay saddam ka raadinayeen magaalada uu ku dhashey ee Tikriit, daka tikriit deggan saddam aad ayay u jecelyihiin, nin la yiraahdo Sohayb Abdul-Rahman waxuu u sheegey saxaafadda adduunka inuu saddam aabahood yahay hadii ay reer tikriit yihiin, sidaas ayaa keentey in ciidamda maraykanku ay aad  ugu mashquulaan raadinta saddam ee tikriit.

Ciidamad isbahysiga si ba’an ayay halkaas ugu daaleen iyagoo si is daba jog ah u raacayey waddo waskhaysan oo geeyneysa meel aan waxba oolin,  waxay qaar kamid ah oo saxaafadda la hadalaya sheegeen inay dhowr jeer ku laalaabanyeen laakiinse ay ku hungoobayeen, waxaa dheeraatey raadintii macalinkii maamulka bush sida ba’an u doonayey, heer ayba ka samreen.

Asbuucyadii ugu dameeyey qaar ka tirsan sirdoonka maraykanya ayaa loo direy meesha laga baarayey saddam, waxay sirdoonku sheegeen inay halkaas kula kulmeen dad badan oo ay ka wareesteen meesha macquulka ah ee ay ugu hagaagi karaan saddam laakiin ma siinayn warbxin buuxda aan ka ahayn uun inay dhahaan waxaa laga yaabaa inuu tikriit joogo, waxaaba xitaa jirtey dad ka mid ah dadkaasi ay sirdoonku waraysnyeen in la xirey iyagoo lala tagey meel gaar ah, waxaa la sheegy in shabaabkaas la xirey lagu khasbey inay sheegaan meesha saddam ku gabanayo, lama yaqaan sida ay ula dhaqmeen dhalinyaradaas laakiin sida afkooda ka cad iyaga oo ciqaabaya ayay ka heleen war macquul ah oo u sheegy in saddam laba guri oo ku dhex yaal beer ay ka baxaan Orange iyo Laymuunta uu ku dhuumanyo, labadaas guri waxay ku yaalaan tuulo la yiraahdo ADWAR oo dhowr mile uun u jirta magaalada saddam ku dhashey ee tikrit, ADWAR waa magaalda uu ku dhashey mid ka mid ah raga ay sadaam isku xeel dheeryihin oo la yiraahdo Izat Ibrahim. 

Maalinimadii sabtida 13-Dec.03, ayaa ciidamo dhan 600 oo askari oo uu u hogaaminayo ninka la yiraahdo Maj. Gen. Raymond Odierno oo ah taliyaha qaybta 4 aad ee ciidamda dhulka isbahysiga, waxay ku dhaqaaqeen hawlgal ay la beegsanyaan labdii  guri ee ku dhex yaalay beerta, gurigaas waxuu ka koobanyahay hal qol oo jiif ah, oo ay surnaayeen dhar, dharka waxaa ka mid ahaa kuwo cusub laakiin aan boshqdaysanyn, waxuu gurigu leeyahay hal jiko, jikada horteeda waxaa ka qodan god yar oo ilaa 6 feet oo hoos ah , godku waxuu leeyahay dabool iyo tuubbo loogu talagaley in ay hawada siiso godka qofka kujira.

Ciidamda isbahaysiga iyagoo sii wata hawlgalkii oo jooga isla gurigaas ayay arkeen labo nin oo ka cararya deeyrka gurigaas, ciidamda waxay horey u soo galeen guriga gudihiisa waxay kor u qaadeen roog yaaley dhulka, roogaas waxaa ka hooseeyey godkii oo ay

dusha ka saarantahay bir,  godkaasi oo ay sheegeen inuu aad u waskhaysnaa, ayaa waxaa geli karey keliya hal qof, godkii ayay sii galeen hase ahaateen markii hore ma garanyn qofka godka ku jira waayo waxuu ahaa nin timo jactadan isla markaana leh gar wayn oo ay u xirantahay baastoolad, ciidanku iyagoo la yaaban ninkan aan la garanaynin ayay waydiiyeen qofka uu yahay, ayuu qofkii aad moodid inuu wareersanaa waxuu bxiyey jawaab ay ciidamda isbahaysigu la yaabeen waxuu ninkaasi u sheegey inuu yahay Saddam Hussein laakiin wax rasaas ah kuma ayayn ridin askartu, isagauna ma isticmaalin baastooladii u xirnayd. 

Maj. Gen. Raymond Odierno oo ahaa taliyihii watey guutadaas heshey sadaam ayaa isagoo si aflagaado ah u hadlaya yiri “ waxaan u qabaney sidii jiirkii oo kale”.

Fikrad ahaan way adagthay in qof god keligii ku jira uu muujiyo is difaac, haddana dadka sadaam aadka u yaqaaney kama aysan farxin siduu ula shaqeeyey askartii baaraysey.

Ciidamadu waxay wadyiiyeen saddam su’aalo dhowr ah, waxaa lagu yiri inuu sheego cidda uu yahay, waxuu madxwayne saddam ku jawaabey “Waxaan ahay Saddam xuseen, Madaxwaynahay dalka ciraaq, waxaana diyaar u ahay wada xaajood”, sidaas waxaa sheegye Maj. Gen. Raymond Odierno. Mid ka midh askartii ka qaybqaadatey weerarka lagu ugaarsanyey saddam ayaa sheegey in markii saddam uu isu sheegy ciidamda is bahysigu ay ugu jawaabeen saddam xuseen“Madaxwayne bush ayaa ku soo salaamayey. 

Waxay kaloo sheegeen in mundulkii saddam uu ahaa mundul ka kooban hal qol jiif, hal jiko, qolkaas waxaa oolaa hal kursi, ha sariir.

Askartu waxay qabteen laba qori oo hubka fudud ah, hal baastoolad, Gaari taksi oo ku dhex jirey guriga, iyo boorso gacmeed ay ku jirto lacag dhan Toddoba boqol iyo konton kun oo doolarka maraykan ah ($750,000 USD). 

Askartu waxay sheegeen in aysana halkaasi sii joogi karayn sababtoo ah meesha oo aan nadaafad fiicnayn, oo ay ku tilmaameen in halkaasi ay uraysey islamarkaana garaashku ka fiicanyahay, sidaasi daraadeed saddam waa la duuliyey abaarihiin 9:15, saacad iyo xoogaa uun ka dib markii la heley, waxaa soo qaadey diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo loo yaqaan Helicopter, inkastoo aysna sheegin meesha ay geeyeen haddana mid ka mid ah askarta ayaa saxaafadda u sheegey inuu joogey garoonka caalimiga ah ee Baqdad halkaas oo ay joogaan in badn oo ka mid ah xubnihii dawladiisa oo iyagu horey isugu dhiibey ciidamada isbahaysiga.waxaa la sheegey in saddam uu ciidamada maraykan la hadlayey isla markana ku caawinayey inay baraan, laakiin uu u muuqdey nin daalan oo ay dhaaftey jaaniskiisii uu dunada ku lahaa, taas oo u soo hoyday ayaan daro soo bilaabantey ilaa maalinkii la eryey, haba ugu daraato manta oo isgaii la qabtey waxaa haddana soo dhaaftey maalinkii uu waayey labdii wiil ee uu dunida ka weheshanayey. 

Waxaa intaas dheer in saddam hussien uusan jawaabo qanciya siinin maraykanka iyo xulafadiisa, tusaale ahaa mar la wadyiiyey xaaldiisa inuu ka warramo waxaa ku jawaabey madxwayne saddam “Waan murugaysanhay waayo dadkaygii ayaa dhibaataysan”, waxaa kale oo jirtey in la siiyey galaas biyo ah laakiin saddam waxuu yiri “Markii aan biyo cabbo waxaan aadi jirey musqulka, laakiin sideen u aadaa musqul  anigoo dadkygii dhibaataysanyihiin”,  

Waxay intaas ku dareen isbahysigu in haddi ay su’aalaha ku badin lhaayeen uuba warbixin dheer bixin lahaa.

Guddiga u taliya haatan dalka ciraaq ee uu maraykanku dhoodhoobay ayaa waxy soo booqdeen saddam, isagoo ku jiifa sariir oo xiran go’ iyo jaakad.

Mouwafak al-Rabii oo ka mid ah golaha u taliya haatan  ciraaq ayaa sheegey in saddam markuu soo booqdey uu ahaa nin cabanaya isagoo u hadlayey si geesinimo leh oo aadba moodin inuusan ahayn maxbuus u gacan galey cadwgiisa koobaad ee dunidan,  

Xubnahaas ka tirsan golaha waxy ku wareeriyeen sadaam su’aal la xiriira shirqoollo iyo xasuuqyo uu u geestey, iyagoo waydiinaya maxaa kugu khasbey inaad layso dad fara badan, laakiin Mouwafak al-Rabii waxuu yiri saddam waxuu ahaa nin aan u joojinaynin eedamayhaas ceebna u arkin, waxuu intaas ku daray in sidii caadadiisa ahayd uu adeegsadey erayo cay ah, isagoo ugu damyntii ku tilmaamey ninka madaxda u ah mafiyada aduunka. 

Ugu damayntii akhrista waxay dadaal dher ka dib maraykana iyo xulufadiisu ku guulasyteen helitaan ninka ay mudada ku daaleen, dad qaar ayaan aaminsan in dhowr saddam ay jiraan sidaasi daraadeedna aan ninkani ahayn saddam hussienkii saxda ah, inkastoo maraykanku baareen DNAda saddam islamarkaana noqdey saddamkii saxda ahaa.

Dada badan oo reer ciraaq ah oo u badan shiicada ayaa dabaal deg u sameeyey soo qabashada saddam Hussein, laakiin dadka muslimiinta adduunku aad bay uga niyad jabeen qabshada halyeeygaas carbeed oo ay runtii hoos harsanyaan dad badan oo islaam ah.

Saddam waa leeyahay sifadiisa xun ee xasuuqa la xiriirta laakiin manta ku farximayno qabshadiisa waayo waxuu inoo dhaamaa kan qabsadey iyo kuwa hadda loo dhiibey ciraaq oo iyagu iska iibiyey gaalada. 

Lama yaqaan meel lageeyn doono saddam maadaama ay heleen dad aad u doondoonayey muddo dheer, haddana nin u Hadley golaha hogaanka ciraaq  ayaa sheegey in saddam lagu maxkamadynayo dadlaka ciraaq gudihiisa, taasna waxaa soo dhoweeyey dad fara badan oo shiico ah kuna andacoonaya inuu saddam dhibi jirey markuu xukunka haystey. 

Madaxwaynahay maraykanka Bush waxuu soo jeediyay in saddam la toogto maadama uu yahay dhagarqabe xukunkiisuna iska cadyahay, waa wax iska cad in saddam la toogan doono taasina wa mid saddam u fiican waayo saddam in hal mar la dhaafiyo nafta ayaa u hagagsan intii lagu silcan lahaa xabsigii la dhigey.

Dad badan oo yaqaaan saddam Hussein ayaan sheegey inaysan suurta gal ahayn in xitaa haddii saddam la qabtey ay dhamaaanayaan qarxyada laakiin ayba ka sii darayaan, reer ciraaqna muddo qarxyo la dhibtoonayaan, hogaamiyaasha adduunku waxay cadeeyeen sida ay ugu farxsanyihiin in saddam la qabto, wadamada carabta saddam qabshadiisa aad bay u soo dhoweeyeen. 

Wargaysyada adduunku guud ahaan waxay sawirro kala duwan ka bxiyeen qabshada saddam, kuwo badan oo ka soo baxa yurub iyo wuqooyiga America waxy sheegeen in qabshada saddam ay soo afjarayso hawlgalkii maraykanka iyo isbahysigiisu ka wadeen ciraaq, laakiin mid taas ka geddisan waxaa qorey wargaysyada carabta oo sheegey inaysan suurtoobaynin in maraykanu uu si cayaar ah uga baxaynin ciaaq, ujeedadiisuna aysan ahayn qabshada saddam ee ay uun ahyad ka faa’idaysiga khayraadka iyo macdinta ilaahay ku glaaday dhulka reer ciraaq, dadka adduunku weli waxy ka fekeraan dalka ku xigaya ciraaq, dabcan waa waddankii aan amrikaanka hawlihiisa fulin,

Iiran waxy durba bilowdey inay diyaariso warbxin ay u dirayso maxkamadda adduunka oo ay ku furayso kiiskii dagaalkii 1980kii u dhexeeyey iyada iyo Saddam Hussein,

Saddam waxuu dagaal ba’an ku qaadey dalka iiraan kaas oo ay ku nafwaayeen malaayiin dad ah oo labada dhinac ah, dagaalkaasi waxuu socdey muddo 8 sano ah, labo sano uun ka dib markii la soo afjarey dagaalkiii iiraan iyo ciraaq, ayaa saddam waxuu 1991 weerar ku qaadey dalka deriska ah ee Kuwait oo saddam aaminsanyhay inuu yahay gobol ka mid ah dalka ciraaq, hase ahaatee maraykanka iyo xulafadiisa ayaa saddam weerar xun ku soo qaadey  iyagoo ka saarey dhulkii uu ku duuley, 

Khrista waxynu dhowrnaaba waa meeshii uu ku dameeyo Saddam Hussein, ma wadadii wiilashiisa ayuu mari mise sida Abdallah Ojalankii kurdistanka ahaa ayaa warkiisa la waayayayaa? 

Saddam Hussein waxaa la cirib tirey magaciisii, waayo waxuu ka tagey uun gabdho aan ku batirsanaynin. 

Wabillaahi Toufique

Ahmed Osman Farah (Zahid)
Karachi-Pakistan

axmedshiino@hotmail.com
Tel: 00-92-300-2252724.

Date: 15 December 2003. | Daabacaad: Dec 20, 2003

Faafin: SomaliTalk.com Dec 20, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»SADDAAM XUSEEN: DIKTAATOORKII NASIIBKA XUMAA [Fahad]
»MA KU GUULAYSTAY MARAYKANAK CIRAAQ ?  [C/Raxman]

MAXAY JARAA'IDKA CAALAMKU KA QOREEN SOOMAALIDA 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]