SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MBAGATHI
WARARKA SHIRKA MBAGATHI
  • CISMAAN CAATO OO WELI DIIDAN SHIRKA NAIROBI
  • SHARIIF SALAAN OO KUBAAQAY INTA KA MAQAN SHIRKA IN AY YIMAADAAN
  • CAWAD CASHARA: WAXBA KAMA JIRAAN EEDAYNTA LOO JEEDINAYO DERISKA
  • SRRC OO EEDAYN USOO JEEDISEY DKG

SRRC: WAXAY DKG MAJARA HABAABINEYSAA SHIRKA NABADAYNTA SOOMAALIDA

KAAH

Qoraal dheer oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha SRRC, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil, ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray DKG, eedayntaas oo ah in ay (DKG) marin habaabineyso hannaanka geedi socodka nad raadinta Soomaaliya.

Qoraalkaas oo ku qoraa luqada Ingiriiska ahaana bayaan muujinaya siyaasada SRRC ayaa sheegay in ay (SRRC) u yimaadeen shirka ay IGAD soo qaban qaabiyeen si loogu gaaro nabad waarta, shirkaas oo aan wax shuruud ah oo ka horeeyey ku xirnayn.

Laakiin, ayaa qoraalku ku daray, waxaa caado noqotay in "kooxda DKG" ay ku cagajugleeyaan in ay ka baxayaan shirka ama ku xirayaan shuruudo aan waadax ahayn, waa sida qoraalku u dhigaye, taas oo noqon karta mid si bareer ah ama mid ay ku eedaynayaan gudiga farsamada ee xubnaha IGAD. Taas oo carqalad ku ah ama majara habaabineysa gebi ahaanba hanaanka geedi socodka shirka nabada, ayuu qoraalku ku daray.

SRRC iyo inta jecel nabadu waxa ay ku gacan sayrayaan habkaas caga jiidka ah ee carqaladaynaya hanaanka dhibka lagaga saari lahaa Soomaaliya, ayuu ku daray warsaxaafadeedkaas oo koobi kamid ah lasoo gaarsiiyey SomaliTalk.

SRRC waxan si xaqiiq ah u hubaan in wadamada safka hore ay samaynayaan wax kasta oo ay awoodaan si ay nabad iyo deganansho uga dhalato Soomaaliya, ayuu qoraalkaasi ku xoojiyey.

SRRC waxay shaaca qoraalkaas kaga qaadeen in ay go'aan ka tahay in ay sii wadaan hanaanka nabada (shirka) inkasta oo bey yiraahdeen ay DKG isku deyeyso in ay ka baxdo.

Meel kamid ah qoraalkas waxaa ku cad in SRRC ay ku eedaynayaan xubnaha diidan hanaankan shirka ee ku jira DKG ama dibada ka ahba in ay xiriir la leeyihiin ururo ay ku tilmaameen argagxiso ah, waa sida qoraalku u dhigaye.

Ugu dambayntii SRRC waxa ay caalamka ugu baaqday in ay diidaan habka ay ku ku sheegeen in uu majara habaabinayo geedi socodka nabada.

ISHA WARKA: Islaamciil: plpresidency@yahoo.com 

Feb 28, 2003

<><><>

WARARKA KALE EE SHIRKA Mbagathi-Nairobi 

  • CISMAAN CAATO OO WELI DIIDAN SHIRKA NAIROBI
  • SHARIIF SALAAN OO KUBAAQAY INTA KA MAQAN SHIRKA IN AY YIMAADAAN
  • CAWAD CASHARA: WAXBA KAMA JIRAAN EEDAYNTA LOO JEEDINAYO DERISKA

Cusmaan Caato oo katirsan Hogaamiyayaasha lamagbaxay G8 oo khadka taleefanka aan kula xiriiray ayaa iisheegay in wali ay ku taagan yihiin go'aankooda ah in aanay ka qaybgalayn shirka tan iyo inta wax laga qabanayo itoobiya iyo jabuuti oo ay ku eedaynayaan qas ay ka dhexwadaan shirka, dhanka kale shariif saalan oo ah gudoomiyaha ururada bulshada ayaa ugu baaqay ergada shirka ka maqan in ay yimaadaan si loo helo  nabad iyo xal dalka soomaaliya.

Cawad cashara oo ah wasiir katirsan Puntland oo isagana aan kula kulmay xarunta Mbagathi ayaa iisheegay in aysan waxba kajirin eeda loosoo jeedinayo dalalka dariska ah ee ah in ay qasayaan shirka wuxuuna sheegay in soomaaliya dhexdaada uu qaska ka taaganyahay.

Ridwaan Xaaji
Mbagathi-Nairobi 

I  I  D  H  E  H

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD