SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
NOLOSHII IMAAM ASHAHIID XASAN AL-BANNA
WQ Faysal Cali Ciise  | awfaysal@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

Waa adagtahay in lagu cabiro qalin iyo qoraal toona noloshi imaam Al-Bannaa, waxaana horay uga afeeftay culumo badan oo isku dayay bal inay wax ka qoraan xayaatadi caalimkan u dhexda ah umadaha Islaamka oo idil meel walba ooy joogaan. Maadaama wali lagu jiro bishii la oofsaday imaamkan ayaa waxaan hadaba isku hawlay inaan akhristayaasha sharafta leh u soo gudbiyo qoraal gaaban oo ku saabsan taariikhdii imaamkan qiimaha badan anigoo kasoo xiganaya qaar ka mid ah qoraaladii laga qoray noloshiisi.

QAYB KA MID AH NOLOSHII IMAAMKA

Al-imaam Asheekh Xasan ibn Axmad ibn C/raxmaan Al-Banna, wuxuu ku dhashay magaalada Maxmuudiya ee dalka Masar, sanadku markuu ahaa 1906. Wuxuu ka dhashay qoys macruuf ku ah aqoonta diinta, waxaana aabihi lagu tiriyaa culumadii ugu caansanayd magaaladiisa wakhtigaa, ka akhri tarjumadiisa kitaabka Al-Fatxu Arrabbaani calaa musnadi Imaam Axmad. Al-Banna tuuladii uu ku dhashay ayuu ku bartay Qur’aanka kuna dhamaystay waxbarashadiisi hoose iyo dhexe, halkaa oo uu ka aaday Qaahira waxaanu ka soo qalin jabiyay kuliyada macalimiinta ee loo yaqaan daarul culuum taariikhdu markay ahayd 1927. Wuxuu imaamkan ku soo beegmay wakhti dib u dhac aad u xumi qabsaday Muslimiinta oo idil, gumaysina uu ku habsaday meel walba ooy joogeen, ku dhaqankii diinta, barashadeedii iyo in la isku hogaamiyaba waxay noqdeen wax lala yaabo oon ahayn macquul. Sidii hadaba lagu yiqiin culumada inay had iyo goor u istaagaan xalinta mashaakisha wakhtigooda ayuu imaamkani isagoo da’ yar wuxuu bilaabay inuu baraarujiyo umada ugana digo hagarta cadawga islaamka ay la maaganyihiin Muslim meeluu joogaba, waxaana durbadiiba aqbalay [ama ajiibay] oo is garab taagay dad aad u fara badan oo isugu jiray rag iyo dumar use badan dhalinyaro. Al-Banna oo dadki arkay ay ku sifeeyeen mashiin aan daalin oo har iyo habeenba u taagan noolaynta diinteena iyo difaaceeda ayaa maalinkii oo idil wuxuu wax bari jiray caruurta fiidkiina fariisan jiray masjidka si uu wax u baro dadka waawayn, wuxuu intaa ka dibna ku wareegi jiray magaalada iyo meelaha ay dhalintu isugu timaado si uu iyagana u maqashiiyo codkiisa.

AAS AASKII AKHWAANKA

Masjidka Cordoba, Spain - taariikh kooban

Markii ay dhacday khilaafadii ama dawladii Islaamka ee ka dhisnay dalka Turkiga 1924kii ayaa imaamkani wuxuu arkay in ay lagama maarmaan tahay in la soo celiyo khilaafadii iyo midnimadii Islaamka iyadoo la raacayo nahjigi ama wadadii nabigeena sallallaahu calayhi wasalam. Burburinta khilaafadii Muslimiinta waxay cadawga diintan ku kaliftay inay huraan naf iyo nafiisba ama maal iyo moodba, waxaa waliba intaa u dheeraa ooy hureen wakhtigoodi oo idil, waxaanay ka tageen har, hooy iyo hurdaba si ay u gaaraan hadafkooda. Hadii hadaba cadawgu midaysanyahay isla markaana nidaamsanyahay sida kali ah ee looga hortagi karaa waa midnimo iyo nidaam waana tan ku kaliftay in Imaamkan uu aqalkiisa ugu yeeray sanadkii 1928ki lix ka mid ahayd asxaabtiisii waxaanu halkaa ku aasaasay urur islaami ah oo waligii kobcaya ilaa ay gaaraan hadafkooda waana ururka loo yaqaan Ikhwaan Al-muslimiin. 

Culumo aad u fara badan ayaa wax ka qoray noloshii imaamkan waxaa ka mid ahaa sheekh Muxamad Al-xaamid sheekhii iyo caalimkii Shaam oo idil :-“Muslimiintu ma aanay arag Xasan Al-Banna oo kale boqolaal sano. Wuxuu Eebe isugu daray sifooyin fara badan ooy yartahay qof kulansaday…. ilaa uu yiri wuxuu si buuxda qalbigiisa iyo qaalibkiisaba isugu dhiibay ilaahay, waasagaa doortay oo ka yeelay shahiid.” Sidoo kale waxaa isna wax ka qoray Asheekh Abul Xasan Annadawi caalimkii India wuxuuna yiri “ Qof kasta oo garanayay lana dhaqmay Imaamkan wuxuu qiray fadliga uu leeyahay ninkan sida kadiska ah kusoo maray Masar ka dibna dunida islaamka oo idil, wuxuu dhab ahaan mar qura wada ahaa daaci, murabi, mujaahid iyo mucalim.” Wuxuu imaamkan dhidibada ururka akhwaanka ku saleeyay qawaacida sharciga islaamka dhinac kasta ood ka eegto waxaanu u qoray oo uu ka tagay qodobo iyo qawaaniin la hirgalinayo si loo gaaro hadafkiisi waynaa ee ahaa soo celintii khilaafadii Islaamka, tusaale ahaan wuxuu yiri :- waa inaan helnaa afraad muslinimadu ay dhab ka tahay, ka dibna waa inaan helnaa qoysas muslinamadu ay sidoo kale dhab ka tahay, ka dib waxaan helaynaa mujtamac muslimadu ay dhab ka tahay ka dibna shaki ma leh in la helayo dawladii Islaamka. 

Hadaad u yara fiirsato talaaboyinkan uu imaamkan magacaabay waxaad arkaysaa inay yihiin kuwa isku xiran sida silsilada oo kale maxaa yeelay hadii aan la helin qof muslim dhab ah lama heli karo qoys muslim ah waayo qoys wanaagsan waxaa shardi u ah qof wanaagsan, sidoo kale hadii aan la helin qoys wanaagsan lama heli karo qawm wanaagsan waayo qawmku wuxuu ka koobanyahay qoysas isu tagay, sidoo kale hadii aan la helin qoom wanaagsan lama heli karo qaran wanaagsan. Waa talaabooyin ku dhisan cilmi iyo fiiro gaar ah oo uu imaamku siiyay sidii uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam u dhisay dawladii Islaamka, waa talaabooyin ku dhalinaya naftaada inaad noqoto mas’uul qiira leh oo u danqada diintiisa, maradana u xayta sidii uu kaalintiisa uga soo bixi lahaa, isla markaana aad qayb uga noqon lahayd baadi doonka loogu jiro jawharadi ka luntay muslimiinta, waxay kugu dhalinaysaa inaadan hagran wax walba ood haysato naf iyo nafiis, karti iyo aqoon sidii loo gaari lahaa hadafkii umada iyo sharafti diinteena, taas ooy saldhig u tahay inaan hagaago oon noqdo muslim dhab ah qof ahaan, qoys ahaan, qoom ahaan kadibna qaran ahaan.

I  I  D  H  E  H

Bishan aynu ku jirno ee February 12 keedi 1949ki ayaa ciidamo dablay ah oo dawlada ka socda ay rasaas ku fureen imaam Xasan Al-Banna oo maraya wado ka mid ah wadooyinka Qaahira, waxaa halkaa looga qaaday isbitaalka hayeeshee waxay dawladii halkaa kajirtay ku bixisay amar inaan la daawayn karin sheekha dhaawaca ah halkaas oo uu dhiigbax ugu dhintay Allaha u naxaariistee. 

WQ Faysal Cali Ciise  

awfaysal@hotmail.com

Feb 23, 2003

Afeef: Aratida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE FAYSAL

 

.... SU'aalo Cilmiyeed 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD