SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Waraqad Furan Oo ku Socta, Kulmiye,Udub iyo Taageerayaashooda

 Siciid Cali Axmed
Ottawa, Candada.

Saidahmed67@aol.com
 

June 1, 2003

KAAH

Doorashadii ka dhacday Somaliland waxa ay buuq siyaasadeed ka dhex aloostay xisbiyadda Kulmiye, Udub iyo taageerayaashooda. Buuqani sida lala wada socdaba waxa uu ka dhashay natiijoyinkii ay guddida doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland ka soo saareen doorashadan. Buuqaas oo wali jiitamaya iyo iyada oo haddii aan la soo afjarin uu dhaawac ku keeni karo nabadda iyo horumarka mandaqadan ayaa waxaan doonayaa in xisbiyadda is haya, taageerayaashooda iyo guud ahaanba dadwaynaha aan fariintan ugu diro saxaafada xorta ah.

Dadwaynaha

Inkasta oo duruufo adagi ay idinku xeeranyihiin, hadana waxa aad mudantihiin in la idiinku hambalyeeyo sida nabaddu ku jirto ee aad u wada noolaydeen sanadadiii tagay, sidaas oo kale waxaa muddan in la idiinku hambalyeeyo in aad cododkiina si dumuqraaddiyo ah oo aan qas iyo buuq lahayn u dhiibateen. Doorashaddu waa hab xadaariya oo aad doorateen in aad cidii idin hogaaminaysa ku keentaan, sidaa daraadeed dib ha ugu noqoninna nidaamka qabiilka iyo qoryaha. Qabyaaladdu wali maskaxdda dad aan yarayn ayay ka guuxaysaa ee iska ilaaliya in ay caadifadeeddu idin gubto. Qayb ha ka noqonina dhibaatooyinka ka iman kara is jiidjiiddadka siyaasiyiinta kursiga isku haya. Nabadu waa wax qaaliya oo uu qiimaheeda garanayo qofkii ay ka maqantahay ee ilaashada nabada aad haysataan.

Udub iyo Taageerayaashiisa

Inkasta oo la idiin xukmiyay natiijadii doorashooyinka hadan ha ilaawina in inta badan ee dadku ay idinka footeeyeen. Waxa aad maanta taladda u haysaan mujtamac qaybsan ee ha ilaawina taa!. Maamulka fiicani kama fakaro danta shaqsi iyo ta xisbbi ee waxa ay eegaan danta ummada ay maamulayaan. Sida aad wax u maamushaaan indho badan ayaa daawanaya, ogaadana in indhahaa qaar kamiddi (Mucaaridka) ayna idiin naxayn, waajibkooda(mucaaradka) weeye in ay qaladaadkiina mujtamaca u bidhaamiyaan ee ha dhibsanina. Musuqmaasuqa, laaluushka iyo eexdu waa kuwa baabiiyay mujtamacaadka soo koraya ee isku daya in aad ka kortaan. Iska ilaaliya diktatooriyada, dulmiga iyo cabudhinta mucaaridka, kuwaas oo hadaad la timaadaan idinka iyo umaddaba u horseedi doona burbur. Dadka aad maamulka u dhiibanysaan ha noqdaan qaar u qalma xilka ay umadda u qabanayaan. U dhiiba xilka qaar umada u shaqaynaya oo aan u cararayn mansab iyo in ay jeebabka buuxsadaan. Ha noqonina kuwii lagu xasuusto burbur iyo qalalaase ee noqda kuwo horumar iyo wanaag dadka u soo jiidda. Ugu danbayntii waxaan idiin rajaynayaa in uu Ilaahay idiin fududeeyo hawsha aad madaxa saarateen, ogaaddana in masuuliyadda aad qaadeen la idin waydiinayo aakhiro.

Kulmiye Iyo Taageerayaashiisa

Marka hore waxaan idiinku hambalyaynayaa sida aad mudada yar ugu dhisteen xisbigan xoogan ee qarka u saarmay in uu xukunka qabto. Taa ka dib, hadii aad aqbasheen in aad ciyaarata dimuqraaddiyadda ka qayb gashaan waxaa haboon in sidaas oo kale aad aqbashaan natiijadda ay ciyaartu ku dhamaatay. Maxkamadda iyo guddida doorashooyinku waa qayb ka midda nidaamka doorashadda ee mar hadayddun markii hore ogolaateen jiritaankoodana waa in waxii ka soo baxa aad aqbashaan. Hadii maxkamada iyo guddida doorashooyinku ay daldaloolo yeesheen(waana lahaayeen) waa in loo shaqeeyaa sidii daldalooladaa loo awdi lahaa marka soo socoda. Marar badan waxa aad sheegteen in aad raali ka noqonaysaan qaraarka ay Komishanka iyo Maxkamaddu soo saaraan, waxaanay ila tahay si kasta oo aad u aragtaan in la idiinku qaldamay in aad ka socotaan, danta guudna aad ka hormarisaan tan xisbbiga. Hadii aad sidaas yeeshaan dad badan waydun soo jiidan. Hadiise aad jiitantaan waxa laga yaabaa in la idiin arko xisbi u socdda burbur iyo qalalaase. Diidmada aad diidaan in aad aqbashaan natiijadani waxa ay keenaysaa in calaamatu su’aal la saaro sida uu nidaamka dumuqraadiyaddu uu mustaqbalka u hir gali karo. Doorashada soo socota hadii la idiin xukmiyo in aad UDUB ka guulaysateen, sidiinoo kale sow diidi maayaan in ay kursiga ka degaan. Taasi sow keeni mayso fawdo. Sidaa daraadeed waxa ay ila tahay in aad eegtaan mustaqbalka fog iyo raadka mawqifkiinu uu ku yeelan karo dooroshooyinka soo socda. Bisayl siiyaasadeed muujiya oo idinka oo aaminsan in la idin dulmiyay hadana aqbala natiijada doorashada, horana uga socda. Hadii aad warwareegtaan se su’aasha haboon in aad is waydiisaan waxa ay tahay maxuu mawqifkiinu soo kordhinayaa.? Waa suaal idiinka baahan jawaab hadaad tihiin reer KULMIYE. Rajadayddu waxa weeye in aad aqbali doontaan natijadan, aanad noqon doontaan xisbi mucaariida oo u taagan xisaabinta xukuumada.

Gabagabo.

Xubin kama ihi labada xisbi ee is haysata, mana ka mid ihi taageerayaashooda, waxaanse ahay qof danaynaya danta ummada. Inkasta oo ay xisbiyadiina tartamayaa aad ku celceliseen in nabadda la ilaashaddo, hadana hadii khilaafka jiraa uu sii jiitamo shaki la’aan waxa uu keeni doona dib u dhac siyaasadeed iyo mid bulsho. Tani waxa ay ahayd doorashadii ugu horaysay, inksata oo ay daldaloolo lahaydna, hadana aragtidayda marka la eego waaqica caalamlka sadexaad waxaad odhankartaa waxa ay ahayd mid najaxday. Doorashooyin badan ayaa mustaqabka hadii Alle yidhaa dhici doona ee yaanay halakan tajribadani ku dhicisoobin.

Mahadsanidin

Siciid Cali Axmed
Ottawa, Candada.

Saidahmed67@aol.com
 

Qoraalkii Hore ee Siciid Cali Axmed... GUJI 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk | June 1, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD