SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
DUX LA,AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE IYO DIBINDAABYADA DADWEYNAHA


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

June 7, 2003

KAAH

Tan iyo markii maxkamadda sare ee Somaliland sida cad ugu dhawaaqday guusha ay xisbiga UDUB ka gaadheen dooroshooyinka Madaxtooyada ee Bishii april ka dhacday dhamaan dalka oo dhan, waxaa Madaxweyne Riyaale shaaca uga qaaday bulshada Reer Somaliland in uu dhisaayo dawlad uu ugu yeedhay Mid naxariis badan, tayo leh, balse aan dabacsanayn, waa sida uu hadalka ugu dhigaye, hadaba akhristow markaynu seddexda kelmadood ee Madaxweyne Riyaale isticmaalay kala qaad-qaadno waxaa hubaal ah in horu dhaca guud ee ku dhawaaqida golaha xukuumaddu ay muujinayso khilaaf weyn oo ka horyimid ballanqaadkii Madaxweyne Riyaale, aan dulucda hoos ugu dhaadhaco kalana qaad qaado bal sida ay bulshadu wax u sugaysay

1. WAA TEE DAWLADDA NAXARIISTA BADAN?

Dawlad loo dhanyahahay, dawlad ay ka muuqdaan ashkhaas la saaxiib ah bulshada, dawlad ku sifaysan wajiyo la isku hallayn karo ballan qaadka bulshada ay u hayaan, dawlad aan khiyaamayn hantida qaranka, dawlad aan lahayn saansaanta cududa militery (Sidii xukuumaddi dalka laga tirtiray ee Kacaankii siyaad Barre), dawlad ka saafi ah qawaaniinta loogu yeedho afka qalaad (corruption) musuqmaasuq (nepotalism) eexasho (tribilism) iyo weliba qabyaalad, iyo weliba astaamo guud oo dadweynahu ku duugsadaan, waa dawladda dabcan akhriste aynu dhamaanteen u aqoonsan karo dawlad naxariis badan, dulucda qoraalkaygu ma aha in aan ka dhiidhiyaayo wejiyada cusub ee ka dhex muuqda golaha xukuumadda Somaliland, balse waxa weeyaan halkay ku danbaysay tallo wadaagnimadii axsaabta siyaasadeed, Halkee uu hogaanka qaranku ku laalay isku soo dhawaanshahii hawladeenada bulshada. dabcan waa su,aalo u baahan jawaabtooda lagana sugaayo inuu ka jawaabo Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

WAA TEE DAWLAD TAYO BADAN?

Dawlad hadaf iyo hanaanleh, dawlad indheer garadku ka dhex muuqdo, dawlad hawrarta ay ku sifaysantahay ka midaysan, dawlad cadawga yuurura lagu hallayn karo, dawlad hooyada cadceeda hoos haawanaysa taakulaysa, dawlad og danta guud ee qaranka Somaliland, dawlad xeerta xuduudka guud ee qaranka somaliland, dawlad u heelan hawsha culus ee soo waajihi doonta waa dabcan saansaan lagu sifayn karo dawlad tayo leh (quality government)

akhristow Markaan dhinaca kale ka eego iskuna dayo inaan salka taabto ashkhaasta guud ee loo magacaabay xilalka kala duwan inkasta oo aan odhan karo anigu badankood aqoon guud uma lihi balse aan jecelahay inaan wax ka taatabto shakhsiga qudha ee aan is idhi malaha waa aqoonayahan, muwaadin, daacadlow, uu madaxweyne Riyaale halkii ugu haboonayd la hiigsaday waa ENGINEER MAXAMED XAASHI CILMI, waxaa laga yaaba caamiyan in Engineer Xaashi aanay bulshadu aqoon u lahayn, sannadkii 1996kii ayuu Mudane xaashi noqday duqa caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Mudane Xaashi, waxaa markhaati maanta u ah boqolaalka kun ee reer Hargeysa Isbedelkii baaxadalahaa ee uu la hiigsanaayey caasimadda Qaranka, waxaan ku kalsoonahay in uu Mudane Maxamed Xaashi Cilmi lagu rayn doono, waabase hadiiba uu ka helo la shaqayn(co-operation) buuxda hogaanka qaranka oo la,aantii aanay fulayn hawsha sida daacadaleh loo fullin karo.

dhinaca kale waxaa aan arka khalad weyn oo uu madaxweyne Riyaale sameeyey markii uu Maxamed Siciid Gees u magacaabay wasiirka Kaluumaysiga, waayo Mudane Gees waa khabiir ku takhasusay hawlaha caafimaadka, aqoon aad u dheerna u leh hawlaha dhaqaale iyo maaliyadda, dhinaca kalana xanbaarsan haybad iyo aqoon dhaqanka iyo xadaaradaha bulshada markaa waxaan Madaxweynaha kula tallin lahaa in uu Gees ku celiyo wasaaradda Maaliyadda oo uu mar ka ahaan jiray wasiir, runtii waxaa marag ma doonto ah intii uu gees ka ahaa wasaaraddaasi wasiirka inuu ku guulaystay midaynta cashuuraha bedda iyo beriga Somaliland oo dhan, wuxuuna u sameeyey sharci tayo leh oo saamayn ku yeeshay musuq maasuq farabadan oo dalka ka jiray, dhinaca kale Marwo Dr. Adna Aadan waxaan odhan kara waa muwaadinad hawlkar, aan kalsooni buuxda ku qabo inay ka soo dhalaali karto hawsha balaadhan ee loo igmay oo ay ugu horayso iibgeynta qaranka Somaliland oo aan aqoonsi ka haysan bulshada caalamka.

Marka la eego dhaliisha farabadan ee aan usoo jeedinaayo xubnaha uu Madaxweynahu dib ugu magacaabay hawlaha ay u hayeen qaranka runtiina bulsho badan oo qurbe joog ah oo aan ka mid ahay ay niyad jab balaadhan ka muujiyeen waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Ismaciil Yare oo ah wasiirka arrimaha gudaha, waxaa nasiib darro ah intii uu ninkaasi wasaaradda madaxda ka ahaa inuu ku dhaqaaqay ficilo ku lid ah arrimaha bulshada iyo xuquuqda insaanka,(Human Rights) waa dambiile laga doondoonayo qaaradda europe (Wanted Criminal in sweden Police Record)siiba ay ku daba jiraan booliska waddanka sweden, kuwaasi oo recordkiisa ku muujiyey saxaafadda wadankaasi, isaga oo lagu eedeyey inuu ka ganacsan jiray mukhadaraad, waxaa ayaandarro ah in madaxweyne Riyaale uu shakhsigaasi oo runtii bulshadeena oo sumacad ka raadinaysa beesha caalamka uu u magacaabay xil wasaaradeed.

Guntii iyo gebo gebadii ayaan la qaba saxiibadayda reer London Ismaciil gadiid, iyo Cabdirizak xuseen balayax, "Walle nin hurdoow hallowday dantaa" waxaa ninkii noola ee jiray laga haya:-

Bulshaale wad buu sidaa
Bahdoon buu maaggan yahay
Ul boocuu ugu tukubay
Berdaa lagu kala negaa
Dhexdoodii buu ka baxay
Dhammaa beybeysigii
Ban weyn baa layska helay
Fallaadhuhu gun iyo baar
Bartii shiishkay hayaan
Biciidkuna wuu arkaa
Xaggeese la beegsadaa
Badbaado miyay dhacdaa?

WAA FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


diridhaba2001@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA 

-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk | June 7, 2003 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD