SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Mareykanka oo masaafurinaya Qaali hore oo Soomaaliyeed

Tarjumadii: C/raxman Ceynte | Ceyntejournalist@attbi.com 

June 13, 2003

KAAH

Washington (Reuters): Qaali Mareykan ah oo socdaalka qaabilsan oo magaalada San Diego ee Gobolka California ayaa amray [June 12, 2003] in la Misaafuriyo Qaali Millatari oo la soo shaqeeyey Dowladii Millatari ee Siyad Barre, isagoo lagu tuhmay inuu geystay danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadamiga.

Cabdi Cali Nur Max'ed oo loo yiqiin (Qaali Nuur) wuxuu ahaa qaali waqtigii Siyad Barre. "Mr. Max'ed waxaa lagu heystaa inuu gacan siiyey xasuuq shacbi aan waxba galabsan, meel u dhow magaalada Hargeysa ee Soomaaliya" ayeey yiraahdeen xafiiska Socdaalka iyo Ilaalada xuduudaha.

Mr. Max'ed ayaa la sheegayaa inuu aqbalay in la Misaafuriyo, isla markaana uu imminka ku xiran yahay xabsi eey Dowladdu leedahay. Sida eey warbixintu sheegtay. Afhayeenka Waaxda Socdaalka ayaa ka gaabsaday inuu ka faalloodo inta sano ee uu Qaalli Nur joogay Mareykanka iyo xaaladiisa sharci ahaaneed sideey aheyd.

"Baaritaankani wuxuu muujinayaa in Waaxda Sodaalka iyo Wasaaaradda Ammaanka gudahaba eey ka go'an tahay inuusan waddankan gabbaad nabad ah u noqdo kuwa xusuuqyo beni'aadanimada ka dhan ah geystay" ayuu yiri Micheal Garcia. Sii-hayaha Waaxda Socdaalka "Waa muhimmada koobaad inaan ka taqallusno kuwa danbiyadaas foosha xun geystay" .

Waaxda Sodaalka iyo ilaalinta xuduudaha oo la dhisay kagadaal markii lakala diray Waaxdii Socdaalka iyo dhalasha-siinta ayaa askunta xafiis si gaar ah u baara danbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadaha.

Xigasho: CNN  

Soomaali Reer Minnesota ah oo Gaaloobey 
Axmed Max'ed oo 38 jir ah oo u dhashay soomaali, hadase haysata dhalasha Maraykanka ayaa.... Guji... 

F.G: Maqaalkan waa mid aan soo turjumay oo kaliya, masuulna kama ahi waxa uu xambaarsan yahay.

F.G: Meelaha aan calaamadaha [ & ] ku suntay waa hadallo xaqiiqda ka fog oo wariyaha ama qofkii laga sheekeynayey uu iska sameystay.

Turjumaadii :
C/raxman Ceynte
Minnesota

Ceyntejournalist@attbi.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2003

Afeef: Linkiyada dhinacyada kala socda waa ka madax bannaan yihiin warkii asalka ahaa.

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]