SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Shirka Labaad ee Wasiirrada Dalalka Ugu Horumar-ka Liita Aduunka Oo Ay Somaliya ka qayb-gashay,

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

June 16, 2002


Midig..wasiir-ka ganacsiga Bangaldesh..Dhexda Wasiir Dawlaha Ganacsiga TNG iyo caasha Xaaji Xaashi..La taliyaha Koowaad Ee Safaaradda New-Delhi

Caasimadda Dalka Bangladesh Ee Daka Waxa ku Soo Gabogaboobay Shirkii wadamadda Ugu Horumar-ka Liita Aduunka (Least Developed Countries(LDCs), Shirkaasi waxa uga Qayb-galay Somaliya Wasiir Dawlaha Ganacsiga Dawladda Ku Meel Gaadh-ka ah Ee Somaliya H.E.Mr. Mohamed Abdi Sheikh Muhumad iyo Mrs. Caasha Xaaji Xaashi, Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya, New Delhi.

Shirka labaad ee Wasiirrada waddamada caalamka ugu horumarka liita, oo Soomaaliya Meel Danbe kaga Jirto, waxa loo qabtay in la mideeyo mowqifka LDCs ay la tegayaan shirka WTO( World Trade organization) oo lagu qaban doono magaalada Cancun, Mexico, bisha September 2003.

LDCs dhaqaalahoodu 70% wuxu ku saleysan yahay beeraha; waddamada horumaraynay wax soo-saarkooda beeraha waxay ku kabaan 1 billion maalintiiba(saca Yurub waxay dawladdu ku bixisaa 2 dollar kan Jaban-na 7 maalintii).

Wasiirrada LDCs waxay soo saareen "Dhaka Declaration" oo sal u noqon doono wadaxaajoodka ay la yeelan doonaan WTO.Arrimahaa baaqa lagu codsanayo waxa ka mid ah in laysku raaco:

In loo ballaanqaado wax soo saarka LDCs in uu galo suuqyada canshuur la’aan iyo xaddid la’aan.

In la xalliyo arrimaha la Xidhiidha hirgalinta iyo in si gaara loo tixgaliyo wax soo saarka LDCs si ayan u noqon kuwa caalam ka hadha in la siiyo gelitaan aan joogta ahayn ee suuqyada waddammada horumaray dadka xirfadda yar leh ama xirfadla’aanta ah ee LDCs iyo in la aqoonsado shahaadada xirfadlaha.

In la siiyo kaalmo dhaqaale iyo teknolojiyo si ay sara ugu qaadaan wax soo saarkooda oo uga dhigaan mid u qalma suuqyada waddammada horumaray.

In la joojiyo deeq cunto(Food Aid) haddii aan duruufo khaas ah jirin , madaama ay waxyeelleynayso beeralayda.

In wixi ku saabsan hirgalinta ballaanqaadyada iyo wajibaadyada la tixgaliyo durufaha LDCs oo aan lagu kallifin wax ayan qaadi karin. 

Arrimaha ku saabsan ganacsiga oo la wado waa kuwo aad muhiim u ah oo Imikaba waddammo badani ay ka faa’iidaysteen, waxana ay waxtar u yeelan karaan waddan leh wax soo saar uu iib geeyo.

xoolo nool intii la dhoofin lahaa waa in la dhoofiyo hilib, maqaar laga shaqeeyay iyo lafo iwm.

Waftiga Somaliya waxa uu kula Talinayaa ganacsatada, iyo Maalqabeenadda Soomaliyeed Oo Kaashanaya Dawladda in Ay Siiyaan ahmiyad weyn sida ugu wanaagsan Ee ummadda looga faa’iidayn karo. Waxa jirra mashariic farabadan oo loogu tala galay sidii LDCs ay wax soo saarkooda u kala duwi lahaayeen qiimana ugu kordhin lahaayeen tusaale:

xoolo nool intii la dhoofin lahaa waa in la dhoofiyo hilib, maqaar laga shaqeeyay iyo lafo iwm..).

Waftiga Somaliya waxa ay la Kulmeen intii ay Joogeen Bangladhesh wasiir-ka Ganacsiga Ee Dalka Bangladhesh H.E.Mr. Amir Khosssru Mahmud Chowdhury oo ay ka Wada Hadleen Sidii Kor Loogu Sii Qaadi Lahaa Xidhiidh-ka labada Dal Ee Somaliya iyo Bangladesh

Waftiga Somaliyeed waxa ay u Mahadnaqayaan H.E. Mr. Salebaan Omar Oudine, Wasiirka Ganacsiga Ee Jamhuuriyadda Djibouti iyo Mr. Hassan Doualeh, Wakiil u qaabilsan UNCTAD, Geneve, kuwaas oo si Fiican Ugu Soo Dhaweeyay Waftiga Somaliyeed Shir-ka Wadamadda Ugu Horumar-ka Liita Ee ku Soo Gabgaboobay Caasimadda Dalka Bangladhesdh...Ee Daka. 

 

KAAH

Abdiaziz Ahmed Mousa 
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

QORAALADII HORE EE CABDICASIIS 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]