SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Taajir Reer Djibouti ah oo Ugu Baaqay Ganacsatada Reer Somaliland in ay wax ka Iibsadaan Ganacsatadda Reer Djibouti ...

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

June 8, 2002

KAAH

New-Delhi-8.5.2003 Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane Oo ka Mid ahaa ganacsatadii Reer Djibouti Ee Uu Hogaaminayey Madaxweyne Ismail Omer Gelle Oo Waraysi Aan kula Yeeshay Hotel-Taj Ee Bombay Hindiya ayaa Ugu Baaqay Ganacsatadda Reer Somaliland in Ay Ganacsigooga u Soo Duwaan Djibouti oo Uu Ku Tilmaamay Hoyga Aaminiga Ee Ganacsiga Qaaradda Afrika.

Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane oo ka Soo Qalin jabiyay Jaamacadda Magaaladda Paris Ee Shuruucdda Ganacsiga Caalamiga ahi waa Ganacsade Reer Djibouti ah Ganacsi weynina uga Socodo Somaliland ..Mohamed Ahmed oo ka waramaya Socdalaaka uu ku yimid Hindiya ee uu kula Socday Madaxweyne Geele ayaa Yidhi.

Anaga Shirkadayda Baxsane waxa ay Xidhiidh Ganacsi oo Soo Jireen ah la lahayd Dalkan Hindiya oo waxanu ka qaadanaa Halkan Sonkorta iyo bariis-kaba ..waxa kale oo Aanu ka Qaadanaa Moto-yinka kuwa loo yaqaan Kinetic-ka Markaa Anagoo Sidaa Xidhiidh-kaygu ahaa ayaa Dawladda Hindiya oo Si weyn u Daneynaysay Xidhiidh-ka Jamhuuriyadda Djibouti Ee Ganacsi ayey Hindiya Soo Casuunta Madaxweynahayga Mudane Ismail Omer Gelle ..waxanan Soo Raacnay Madaxweynaha Angoo ka Mida Ganacsatadda Halbowlaha u ah Dalkayga.

Garyaqaan Mohamed Oo Aan waydiiyay Sababta Uu Ugu Baaqayo Ganacsatadda Reer Somaliland?? waxa uu yidhi...

Djibouti Ganacsatdooda may lahayn (LC) Oo Dhibaato wax ay ka haysatay Dakadda Dubai..oo ay Haystay Jamal Cali ..Tusaale .....Nin Caraba ayaa ka Soo waaridaya Sonkorta Brazil ka Dib Dakadda Dubai ayaa lagu Soo Dajinayaa waxana sii Iibinaya Dilaalin Caraba Oo la Odhanayaa Iibiya ..kadibna Dilaalintaa oo lacag Saartay ayaanu ka Iibsanaa Anagu .Hadaanu nahay Ganacsatadda .markaa Anaguna Ganacsatadii yar yaryd ayaanu ka Sii Iibinaa .. taasina waxa ay Keentay in Raashinku Qaali Noqodo Maadama ay Gacmo Badani Sii kala iibsanayaan ....

Markaa Imika Intii ay JAMAL CALI Dakadda Maamulkeeda Qabatay Waxa yaraatay Gacmihii badanaa Ee Sii kala Iibsanaayey oo Anagaa Imika Toos u Soo Waaridayna oo Keenayna Dakadda jibouti ..Markaa Halkii ay Ganacsatadda Reer Somaliland u safri lahayeen Dubai Oo ay Gacmo Badani ka Sii kala iibin lahaayeen waxa uga Faa,iida Badnaanaysa imika oo Uga Dhawaanaysa halkan Djibouti ..in ay ka iibsadaan oo ay Dhigtaan Alaabtooda ileyn Djibouti waa Dakadd Aamina Oo Caana ka Ah Afrikee...waa Sida uu Hadalka U Dhigay Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane.

Dhawaan waxa la Furayaa Dakadd kale oo la Yidhaa Port-Daarale. oo 8 km u Jirta Dakaddii Hore Taasina waxa ay Inoo Fududaynaysaa Haddanu Ganacsatadda Djibouti ..in Aanu alaabtayadda Dhigano Bakhaaradda Dakadaa oo Culays-ka ka Qaadno Dakadan Imika.

Mohamed Ahmed Dahir Baxsane waxa uu yidhi Waxanu jeclnahay inaan Xidhiidh Fiican la yeelano Reer Somaliland oo ah walaalahayo..anagu Hadaanu nahay Ganacsatadda Ma Naqaan Siyaasadd waxanu ku Koobanahay Ganacsigayaga waxanu yidhi Cidii Naga Doonaysa Inaanu ganacsi wadaagno waxa ay Kala Soo Xidhiidha karaan Baxsane Company Djibouti..
telephone :352526 Ama fax 354788 E-mail
atodj@intnet.dj

waxa waraystay 
Abdiaziz Ahmed Mousa 
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 

QORAALADII HORE EE CABDICASIIS 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]