SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
RA'IISUL WASAARAHA DOWLADA KMG AH XASAN ABSHIR FAARAX OO SHEEGAY IN KHILAAFKII DOWLADA KMG AH LA DHAMEYAY MADAXWEYNE C/QAASINA UU SHIRKA IMANAYO


xasan abshir faarax
Wasiirka koowaad ee Dowlada KMG ah Xasan Abshir Faarax ayaa sheegay in lasoo af jaray khilaafkii u dhaxeeyay madaxda sare ee dowlada KMG ah,isla markaana ay dowladu ka qayb gali doonto shirka nabada Soomaaliyeede ee ka dhacaya Kenya.

Xasan Abshir waxa kale oo uu sheegay in Dowladu diyaar u tahay wax walba oo lagu gaarayo maslaxadda Ummada Soomaliyeed shirkaana uu fursad u yahay shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha Dowlada KMG ahna Dr. C/qaasim Salaad Xasan uu dhawaan soo gaarayo madasha shirka ka socdo ee Kenya (Embagathi) maalmaha soo socda iyadoo isniinta laga doodayo dastuurka federaalka ah ee dalku yeelan doono.

KAAH

Xasan Abshir waxa kale oo uu ka hadlay safarkii uu dhawaan ku tagay magaalada Mogadisho isagoo dib u soo laabtay maalinimadii shalay ahayd. 

Sidoo kale waxaa horay madasha shirka usoo garaay wafti uu hogaaminayay ra,iisul wasaare ku xigeenka Cismaan Jaamac Cali (kaluun) oo ka socda dowlada ku meel gaarka ah iskuguna jira xildhibaano iyo wasiiro, iyadoo ay horay xarunta shirka usoo gaareen xildhibaano ka yimid magaalada Muqdisho oo aan ka qayb galin dhowr fadhi oo baarlamanka KMG ah, xildhibaandan ayaa iskood isku soo xilqaamay sida ay wararku sheegayaan waxayna hada ku sugan yihiin madasha shirka.

Dhinaca kale waxaa waxaa lasoo gabagabeeyay doodii Documentiyada shanta guddi ee kale iyadoo maalinta isniinta ahna laga doodayo chaterka, Dastuurkan ayaa ka kooban ilaa afar qaybood oo kala ah mid ay soo qoreen hogaamiyayaasha siyaasada, mid aqoonyahaniin uu ka mid tahay Prof Abdi Isimacil Samatar ay soo diyaariyeen iyo labo gudigii diyarintiisa loo xilsaaratay ay soo diyaariyeen oo ah A-B. Dhamaantood ayaa lagu wadaa in lays barbar dhigo kadibna laga doodo kii waxa ay eragadu ku heshiiyaana laqaadan doono kadibna loo gudbayo dhismaha Gollaha baarlamanka iydoo ay kusii xigi doonto tartanka doorashada madaxweynenimo oo ay u taagan yihiin musharxiin badan (balse kiplagad ayaa sheegay in sideed iyo tobanka juun (18/6/03) saq dhexe uu ku dhawaaqayo dowlad soomaaliyeed)

sidoo kale gudoomiyaha gudiga farsamada Igad ahna ergayga Dowlada Kenya u qaabilsan shirka somaalida Am Pathwel Kiplagad ayaa safar ugu maqan Dalka Faransiiska arrimo la xiriira taageero caalami oo shirka soomaalida ku saabsan.

canab maxamud mumtaz.
canabmumtaz@hotmail.com
 
Somalitalk
nairobi, kenya

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 

  QORAALADII HORE EE CANAB MUMTAZ

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD