SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Midab Takoor, Af Takoor, Timo Takoor iyo Sinji Takoor-ba Soomaali baa leh

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

ceyntejournalist@attbi.com 

June 9, 2003

 

KAAH

Culimada Cilmu-Nafsiga wexeey aaminsan yihiin oo eeyna jarribeen in Beni'aadamka waxa ugu horeeya ee uu u weehannaabo eey tahay: Bulshada dhexdeeda oo laga aqbalo. Waxaa loola jeedaa; Qofku marka uu heer qaangaar-ba soo cagacageeyo wuxuu dagaal dheer u galaa sidii uu isugu muujin lahaa qof wanaagsan oo bulshada dhexdeeda "Macquul" ugu yaraan ka ah. Hadii uu qofku taa ku fashilmo, Culimada Cilmu-nafsigu wexeey leeyihiin qofkaasi wuxuu khatar ugu jiraa "Isku dhex yaac" nafsadeed, taas oo deedna horseedi karta khataro halis ah, sida: Isdil IWM.

Marka laga hadlayo qof bulshada dhexdeeda laga aqbalo waxaa looga gol leeyahay in qofkaasi uu dareemo in sharaf iyo xushmeyn uu asaagiis la dherer yahay. Dalkeenii hooyo ee Soomaalia waxaa ka jiray musiibooyin kudhawaad mujtamaca soomaaliyeed oo dhan eey raalli iyo nus isaga ahaayeen. Quursi, yasmo, xaqirid iyo xaq-duudsiin ayaa gogol u dhig u ahaa, illaa iyo haatanna u ah. Waxaa jiray maantana jira "Midab takoor, Af-takoor, Timo takoor iyo Sinji takoor" waa sida uu Dr. Cali Khalif Galayr u dhigaye. Mar uu ka hadlayey xafladii "Quursigu qiil ma leeyahay" ee lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, Todobaad kahor.

bal aan isku dayo inaan yara qeexo faracyada kor ku xusan ee quursiga, sida soomaaliya looga isticmaalo.

Midab takoor: waa yasmo qof aadami ah lagu dhugto indha-xaqirid, iyadoo markaas lagu heysto midabka alle u uumay. Somaliya dadka asalkoodu carabta yahay ama shaanshida iyo reer xamarkuba waxaa loo arkaa ineey muwaadinnimadoodu bar tahay. xitaa waxaan xusuustaa iyadoo leysku caayo markii aan yaryareyn oo laba ciyaal is-dagaasho midka woxoogaa baqa ayaa la dhihi jiray "Carabnimada iska daa nooh"!

Af (Luqad) takoor : waa yasmo lagu maqlo qof beni-aadam ah dhago xaqirid, iyadoo danbigiisu yahay Lahajadiisa (Qaab dhawaaqa luqadda) oo kaliya. Dadka afka May-ga ku hadla ayaa ugu lahjad duwan soomaaliya, sidaas awgeed baa leysku caayn jiray "eelaayohoow xunka ah" IWM. Iyadoo inta badan dadka ku hadla lahjadda May-ga eeysan dhalasho ahaan Eelaay aheyn.

Timo takoor: waa yasmo lagu takooro qof aadami ah qaabka tintiisu uga adag tahay dadka kale, ama sankiisu uga yara ballaaran yahay. Waxaa amakaag leh in Qabaa'ilka isu arka Laandheerayaashu eey leeyihiin kumanaan ka timo adag Jareerweyne, kana san ku duleel weyn, misana laguma dheeho dadka lagu yaso tintooda adeeygeeda.

Sinji takoor: Waa quursi la quursado qof aan midab, luqad iyo timo toona ka duwaneyn soomaalida kale, balse la leeyahay waxaad tahay: Midgaan, Boon Tumaal, Eeylo, Kabtol iyo magacyo baas oo "Ceriyaanees" ah sida uu Abwaan Siciid Saalax u dhigay.

Dhamaan dabaqadahan midab takoorku waa kuwa illaa iyo imminka ka aloosan soomaaliya. Marka soomaalida kale ku mashquulsan tahay dibu-heshiisiin, La-Quursadayaashu wexeey ku mashquulsan yihiin: Tolow hadii dowladi dhalato, ma "Kud ka guure qanje u guur " beey noqon doontaa, mise bulshada leydinka karantiilay baa markale leydinku soo dabbaali doonaa?

Xanuun aad u darani inuu jiro waxaan ka gartay Xaaji Muuse Mire oo shirkii sabtidii ka dhacay Minnesota ee aan soo sheegay oohin afkiisa la qaban waayey, isagoo 70 iyo dheeraad jir ah, eeyna hor tuban yihiin boqolaal soomaali ah. Xaajigu wuxuu cod oohini ku dhafan tahay ku yiri " Maba is laheyn intaad nooshahay baa arrinkani soomaali intan le'eg ka wada hadli doontaa". Odayaal uu Abwaan Siciid Saalax ugu horeeyo baa u istaagay Xaajiga oo madaxa ka dhunkaday, ha yeeshee wuxuu raaciyey arrinkale oo tiiba kasii murug badan " Anigoo jooga Columbus, Ohio ayaan arrinkan ka hadlay, markii aan bannaanka u baxay baa waxaa igu soo shamuumay dad badan, wiil dhalinyaro ah baa igu yiri: Adeer gabar hadeey kuu joogto igu nikaaxi caawa ! Waxaan ugu jawaabay; orod oo adeeradaa ii keen aan kuugu nikaaxee" ayuu yiri. Warkaasi waa mid dhawaq meel fog ku dhacaya oo misana soo laalaabanaya xambaarsan. Macnihiisa oo koobani wuxuu yahay: Hadii adinka dhalinayarooy aad Aqbasheen in quursigu uusan qiil laheyn, duqowdiina ayaa wali aaminsan oo aan soo dooneyn gabar midgaan ah. Xaaji Muuse Mire wuxuu afkiisa ku cabiray waxa ku jira uurka kumanaan la quursado.

Dhanka wax kaqabshada arrinkani hadii aan u jalleeco, horta "farta iyo meesha bugta ayaa is og" oo waan ka warheynaa in Culimaa'udiinka soomaaliyeed eeysan waligood - intaan anigu ogahay- si toos ah u daffirin quursiga, iyagoo daliishana ayaadaha eebe. Waxaana Qur'aanka iyo Sunnada ku jira boqolaal meelood oo lagu cadeeynayo Sinaanshaha alle loo siman yahay. taa horta waa mid eey culimadu ka jiifteen. Laakiin Sh.C/raxman Shariif oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa sabtidii ka dhawaajiyey arrin kale oo iyana qossol laheyd. Wuxuu yiri " Hadii aan markii aan waddankii joognay xirfadaha Tumaal iyo Kabatol iyo Kawaanle isku caayi jirnay, maanta shaqooyinkeena intooda badan ayaaba ah mid kamid ah seddexdaas shaqo". Dhanka aqoonyahannada hadii aan eego, waxaan arkay iyagoo ka soo horjeeda midab takoorka, laakiin ku marmarsiimoonaya "Anigu guursan maayo qof layaso maxaa yeelay inaan caruurteyda cuqdadeeyo ma doonayo, oo lagu caayo waa bah Midgaan!" Sidaas waxaa igu yiri nin Somaali ah oo heysta shahaado jaamacadeed.

Nasiib xumo, kudhawaad sanad kahor mar aan sameeyey baaritaan aan su'aalo ku weydiiyey 79 dhalinyaro soomaaliyeed oo dhamaantood dugsi sare ka baxay, kana dhashay Laandheer ku sheegga soomaalida, ayaan natiijo ku helay in 73% eey wali ka go'an tahay ineey guursadaan Laandheerayaal kale, hadii eey waayaanna eey 50% doorbideen ineey ajnabi guursadaan inteey soomaalida la quursado guursan lahaayeen. Wallee "Faanoole Fari kama Qodna". Marka iyaga shaqo loo diidana wexeey ku cabaadaan "Qof caddaan ah baa leyga siiyey" oo waa ley midab takooray.

Arrinka lagama maarmaanka ahi waxa weeye in dadka la quursadaayi aashuun ku addinka ka baxaan oo billaabaan ineey ku faanaan reeraha eey yihiin. Hadii eey kusii socdaan ineey is-qarniyaana, weeyba qarsoomayaan. Maxeey uga baahan yihiin ineey is qariyaan marba hadii Janaraalkii ugu sareeyey ee abid soo mara ciidamadii xoogga dalka soomaaliya, isla markaana ahaa madaxweyne ku xigeenkii soomaaliya iyo xubin Gudigii sare ee Kacaan Max'ed Cali Samatar uu ahaa nin ka soo jeeda dadka la quursado. Laakiin kamaskax iyo maalba badnaan malaayiiin laan-dheere isku sheega. Soomaalida kale ee ka soo horjeedda Quursigana waa ineey caadiyeeyaan ku dhawaaqidda magacyo si nux nux ah loo yiraahdo oo Midgaan, Tumaal, Boon, Jareer iyo Eeylo eey kamid yihiin, iyadoo loo arkayo inaaneey waxba dhaamin; Hawiye, Daarood, Dir iyo Raxanweyn oo dhamaantood si amakaag leh u jecel ineey "Reer Banii-Haashim" isku xiriiriyaan nasab ahaan. Hadii waxa lagu heysto Midgaanku tahay "Bakhti buu cunay"na waxaa cad inuu kaga saxsanaa ninka gaajada isu dilay, ee yiri "Nasab baan ahay " oo Bakhtiga ma cuno. Ma Nabi Muxammad SCW baad ka fadli badan tahay? Isagaaba Banneeyey in bakhtiga la quuto marka nafta loo yaabee. Halkaasna haku beenowdo Maahmaah ku sheegga Soomaaliyeed ee "Waan baahanay Bakhti looma Cuno"

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceyntejournalist@attbi.com
 
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]