SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
Waa maxay farqiga u dhexeeya Ummi (qof aan waxba qorin, waxbana akhriyin) iyo Jaahil?

Hassan Nuur | SRG14@jubiimail.dk 

June 15, 2003

 

KAAH

Dad bandan waxaa ku soo degdegaysa hadii ay maqlaan labadaa tilmaamood, inay yihiin hal dabaqad oo ka mid ah mujtamac iskuna mid ah, waase arin iska cad in farqi wayn u dhexeeyo haddii aan lagu idho adaygin.

Kollay hadii aan isku dayo inaan micneeyo waxaan odhan lahaa:

Ummi waa qof aan waxba qorin waxbana akhriyin oo xumaha iyo samahan ula siman dadka, inkastoo xag rabi la inooga sheeegay inaanay isku mid ahayn qofka wax yaqaan iyo qofka aan wax aqoon, hadana dadku intaa kagama hadhaan oo waxay ku tilmaamaan qof aan ilbaxnimada, qawaaniin, horumar iyo tixgelin midna laga mutaysan isaguna mutaysan, qofka Soomaalidu liidayso waxay ku yidhaahdaan “war tag jaahil yahaw” balse ogow in arintu ka duwan tahay sidaa (ha ilaawin tilmaamihii Rasuulkeena Suubanaa NNKH)

Jaahil waa qof qalbigiisu uusan aqoon wanaaga, waajibaadka rabaaniga ah iyo ixtiraamka aadanaha midnaba, cidna aan la tashan, xukunkiisu kuma arooro diin iyo maslaxad midnaba, balse wuxuu ku arooraa rabitaankiisa oo keliya, sidaa awgeed ma manaafacaadsan karo xataa haduu cilmi leeyahay.

Waxaynu tusaale inoogu filan Fircoon inta uu soo shiriyey yidhi Naazicaat , subxaan Allaah, sida la weriyey waxaa maalin maalmaha ka mid ah gurigiisa soo hor fadhiistay nin dhar-sameeye ah oo wata qalabka Alandiga (wershad gacmeed yar oo dharka lagu sameeyo). Fircoon wuxuu arkay ninkaan oo si aada ugu hawlan, kuna jira hawl uu fahmi waayey. Wuxuu isku dayey inuu wax ka ogaado ninkan mashquulka ah waxa uu meesha ku hayo iyo ujeedada uu ka leeyahay qalabkan uu isku garaacayo. Wuu ku soo baydhay isaga oo dadka ka xan qarsanaya illeen waa tuug iyo beenawaas caadadiiye, faq badanaa daacad yaraa ... inta uu ninkii la faqay ayuu waydiiyey waxa xadaafiirta intaaa le’eg geliyey oo uu isugu garaacayo qalabka oo ula muuqda mid aan wax (dun) ku jirin.

Ninkii intuu kor u hadlay isaga oo maqashiinaya dadkii kale ayuu yidhi Sayidii “kaabbe ama taliye... miyaadan arkayn dharkan quruxda badan oo aan samaynayo” isagoo sii raaciyey xayeysiin aad u heer saraysa … wuxuu ku soo gunaanaday “… waa dhar aan doqonka iyo jaahilku arki karin MIYAADAN ARKIN SAYIDII ADIGU?”

Waa jaahil iyo caadadii beenta kama xishoodo, waa keligii taliye, waa fule, waa qabqable iyo beentii, waa maan laawe, wuxuu ka xishoodaa xaqa iyo inuu runta sheego oo kor u hadlo, waa tuug oo wax buu qarinayaa sidaa awgeed inuu dhuundhuunto, hoos u hadlo, hoos hoos u socdo dan buu mooday, wuxuu walaaqayo ayuu og-yahay inay sun iyo waabay tahay oo markii uu ogaaday in waxa uu ninka waydiiyey dadkiina maqleen “haa waan arkaa ee waa meeqa” ayuu kor u yidhi, isla markaana wuxuu amray waardiyayaashiisii, in loo keeno ninka iyo dharka uu samaynayaba xafiiskiisa “guriiisa” gaarka ah, deetana horay u sii socday.

Wax yar kadib waxaa irida looga soo geliyey ninkii oo aad moodo inuu culays wado wuxuu sidana ma arko, yaab badanaa. Fircoon intuu indhihii marmaray ayuu marlabaad indhaha ka buuxsaday waxa ninkani la ciirciirayo, balse kuma guulaysan inuu arko wax ka badan ninkii ay banaanka isku soo arkeen, waa ninkii uu ugu markhaati furay dadka hortiisa wuxuu ka baqayaa inuu runta sheego oo doqon lagu sheego. Waxaa ninkii iyo fircoon dhex martay sheekadan gaaban oo ganacsiga ah:

Fir.: Iiwarran oo iiga warran dharka aad samayso?

Ninkii: Sayidii dharkan waa dharka aduunka ugu qaalisan oo loogu tala galay boqorada, dadka caqliga leh iyo dadka sharafta iyo karaamada leh oo keli ah...

Fir.: Sidii caadada u ahayd wuu guul guulay ninkii oo yidhi hadii uusan dharkan ii qalmin madaxaan kaa jarayaa, isagoo iska indho tiraya runta uguna gabanaya inuu iska hubiyo in arintu dhab tahay... waa jaahil wuxuu ogyahay ma jirto.

Ninkii.: … “Haa sayidii waan kaa hubaa, waatii aan horay kuugu sheegay” ayuu yidhi isagoo gacmaha marba dhan ugu wareejinaya wax uu horay uga quustay inuu arko oo xayeysiinta uu samaynayo aad u malaysid sidii dukaanle busaaradsan, eeg sayidii, eeg sayidii... isagoo marba dhan ugu walcinaya.

Fir.: Iimisa midab ayaad haysaa?

Ninkii: Eeeeeeg sayidii kani waa cagaar sida aad aragtaba isagaa ugu qurux badan ee iibso.

Fir.: Waayahay… imis ayuu joogaa

Ninkii: Wuxuu joogaa ... oo dahab ah

Fir.: Hooo!

Fir.: Sidee loo xidhaa...?

Ninkii: Wuxuu ka bixiyey dharkii uu watay, wuxuuna u guntiyey ama u geliyey wuxuu Alandiga ka soo saaray, waana iska tegay.

Fircoon oo aad u xaragoonaya, wuxuu galabtaa u baxay tax-taxaashin, ciidankiisii oo hareeraha ka socda ayuu suuqii isa soo dhigay. Waa jaahil oo wax looma sheego, waa jaahil oo waa keligii taliye, waa jaahil oo waa dhiig-yacab, waa jaahil oo wanaaga iyo xumaha ma kala yaqaan, waa jaahil oo dadka lama tashado, waa jaahil oo naftiisa ayuu wax walba la jecel yahay, waa jaahil oo wuxuu ka xumaadaa hadii ay soo korodho wuxuun waxtar u ah aadanaha, waa jaahil oo waxay noloshu la tahay waxa isagu doonayo oo keliya, waa jaahil oo wuxuu u haystaa labadii meel taaganba inay isaga u faqayaan, waa jaahil oo wuxuu ka shaqeeyaa colaada, nacaybka isku dirka si cidina aanay u noolaan, waa keligii noolaade oo wuxuu aamin san yahay waxa isaga ay la tahay, waa jaahil oo waa lagu dhici waayey, car yaa ku dhaca.... waa jaahil oo weligiiba indhihiisu wax wanaagsan ma arag dhegihiisuna wax san ma maqal, saa ilaahaybaa ku mana sheegtay inuu jaahilkaa ifka ka kexeeyey, si kastaba ha ahaatee cidina isma eegin isagana lama eegin ee waa la horgalay.

Siduu u mushaaxayey oo u xaragoonayey dadka wixii arkaana u indha gabax laynayeen, wuxuu ku soo baxay wiil yar oo ciid ku cayaaraya. Wiilkii yaraa wuu amankaagay oo yaabay oo intuu is haysan waayey foolxumadii fircoon ka muuqatay ayuu afka furtay oo mar keliya ku qayliyey “HAYAAAAAYEY NINKA QAYAAAAAWAN EEEEEEEEEEEEGA!”.

Fircoon cirka iyo dhulkaa ayaa ku yeedhay, wuxuu maro ka dhufsaday waardiyihii ugu xigay, maalinta inuu fashilmay ayuu iskula faqay, laakiin xaalku sida uu mooday ma aha, waayo dadku kama ilbaxaan oo ishoodu ka arkay, waa dad duloobay oo aan waxba ku qaadan dhacdadaa iyo dhacdooyin kaleba oo weli been buu usii sheegayey ilaa afka dhoobo looga shubay.

Akhristow hadaan qormadaan barbar dhigno qabqablayaasha Soomaalida ma noqonayso mid aad la yaabto hadii aad dib ugu noqoto dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay, laga soo bilaabo dadkii maslaxadooda la qubay, kuwii qabiilka la cabsiiyey iyo kuwii qoriga loo xabaariyey oo qaladka isku raacay, waxay ka dhaxleena wuxuu noqday silsiladii faraacinada.

Sida aan 2002 mar hore ku xusay maqaal ku soo baxay internetka oo ku saabsanaa mar aan socdaal ku tegay dalal ka mid ah Geeska Afrika, soonoqoshadaydii waxaan ka soo ababaxay Uganda, waxaan diyaarada isugu nimi nin soomaali ah oo aanu Denmark wada deganahay, balse wax aqoona oo hore aanaan isu lahayn. Adis Ababa markaanu nimi waxaanu ku degnay hoteel. Waxaa markiiba dad meesha joogay ii sheegeen in ay hoteelka degan yihiin kooxo siyaasadeed oo soomaaliya ka yimi, waxaan iskula faqay “haa gartay waa kooxdii ...”. Waxaan aad u danaynayey inaan wuxuun ka ogaado dadkan siyaasada Soomaaliya horboodaya. Cabaar kadib waxay indhahaygu qabteen dad Soomaali ah oo intooda badan miisaankoodu u dhexeeyo 40-60 kg oo koox koox u wada socda. Waxaan xafiiska qaabilaada waydiiyey magacyada hogaamiye kooxeedyo meesha la iigu sheegay si aan wax u waydiiyo, balse waxaa la ii sheegay inuusan HEBEL Adis joogin HEBEL IYO HEBELNA ku maqan yihiin Adis dibedeeda oo ay ilaa galabta soo noqonayaan. Waxaan ka qaatay telefono. Maalintaa inteedii badnayd waxaan ku qaatay receptionka aniga oo wax akhrisanayey, hoostana ka eegayey kooxaha soomaalida ee halkaa koox koox ku imanayey ugana baxayey. Kulligood waxay ahaayeen dad dhiilaysan, marka ay wejigaaga garan waayaan isla markiiba sidii aad qaan u qabsanaysid wajigay dadbayeen, waxay u muuqdeen kuwo isula socda hab qabiil, waayo kooxina koox lama hadlayn.

Aniga iyo ninkii aanu wada soconay waxaanu fiidnimadii usoo casho doonanay makhaayada hoteelka oo dad badan ka cuntaynayeen, waxaa miis xoogaa noo jira fadhiyey lix nin oo ka mid ah kooxaha soomaalida, waxaa iyaguna jiray qaar kale oo si qalabaanyo ah u fadhiyey meloo kala duwan. Aniga iyo saaxiibkay waxaanu ka sheekaysanay kooxahaas, waxan u soo jeediyey inaanu u tagno oo la sheekaysano. Wuxuu iisheegay inaanay ku banaanayn salaan iyo sheeko toona “war waa cawaan dad bini’aadan ah bay dhameeyeen oo dalkii bay baabi’iyeen ....” ayuu iigu jawaabay isla markaana sida aan ka ogaaday dareenka saaxiibkay waxaan gartay inuu garanayo raga meesha fadhiyey qaarkood, waana ku raacay dareenka Soomaalinimo saaxiibkay ee ka muuqday.

Cuntadii baanu iska sii wadanay anaga oo hoostaa marba isha kaga xadayna, waxayse noogu darayd markii nin ka mid ah kooxihii Somalida oo meesha fadhiyey oo da’diisa aan ku qiyaasay ilaa kontameeyo, markii uu si yaxyax iyo ma xishoodnimo ah gacanta hoosta uga geliyey gabadhii u adeegaysay. Waxaa isla markiiba igu soo dhacday “waryaa! gabadhaan maxay mudan lahayd hadii maanta ay joogi lahayd...... dabcan waxay kagaga badbaaday calankeeda ay hoos joogto” Islaam allow kuwa uu ka yimi imisa xadgudib iyo tacadi bay maanta gaysteen, barina imasaa sugaysa kufsi, dil iyo xadgudub?

Saaxiibkay markii uu casheeyey wuu iska baxay, aniguse waxaan go’aansaday inaan nimankaa u tago oo bal wax kasta oo ay yihiin iskala soo sheekaysto. Sida aan maqaalkii hore ku xususay waxaa na dhexmaray doodo kulkul; kii iigula macquulsanaa wuxuu ii sheegay in ay siyaasadii buubayso iyaguna ay daba buubayaan balse ay gaadhi la’yihiin, sidaa awgeed waa wareerka wareerka gaadhsii. Anigoo si sarbeeb ah uga duulaya dhacdadii daqiiqado ka hor, waxaan waydiiyey “ kollay wax soo kordhin maysaane wixii aad gaysateen maxaa idinku kaliifay iyo cida loo raacayo”. Arintaas oo dhamaantood hal nin mooyaane si wayn u taabatay, waxay dhalisay in ay hadalkii kala boobaan, qaarkood erayada ka soo baxayey waxay ahaayeen qof inaba damiir aadaminimo ku hadhsan yahay aanay afkiisa soo mari kareen, waxaan ka xasuustaa “qabiilkayagaa ugu badan Soomaaliya... madaxnimo cid aan .... iskama leh, reer hebelbaa saan ah, sidaa yeelay iyo waxay doonayaa……” qaarbaa u gacan haadinayey dagaaladii Hargaysa, qaarbaa eedaynayey dawladihii hore, Carta iyo Qaahira iyo wax la mid ah, mana jirin gebi ahaanba qof keliya oo ka hadlay sidii loo xalin lahaa waxa maanta taagan oo ahayd wixii ay meeshaa u fadhiyeen, saa maba fahmaan, war duulka miyaan nin caqli lehba ku jirin.

Aniga oo adeegsanaya muuqalka siyaasadeed iyo dadnimo ee ka muuqda, waxaan hadana waydiiyey nin oday ah oo ku faanayey engineernimo “waxa dhinaca kuu qaloociyey ma qorigii aad siday ilaa iyo maalintii dagaaladaa, imisaad dishay, hadaad aqoon leedahay maxaad sidaa ugu hadlaysaa...?” Akhristow dhacdooyinkaa kuwii goob jooga ka ahaa waxaan rajaynayaa inay xasuusan doonaan. Ugu danbayntii waxaan isku deyey inaan wax tusaaleeyo erayada aan ku sagootiyeyna waxaa ka mid ahaa war soomali dal iyo khayraad ku filan way leedahay ee dadka iyo dalka ha loo naxariisto.

Malaa intaa hadaan sii dhaafo qabqable ayaan noqon lahaa, si kastaba ha ahaatee is xisaabi inta aan lagu xisaabin waa halqabsiga aan ka duulayno. Dabcan waa waajib in loo qiro qofkii wanaag sameeyey, sidoo kale waa in qofkastaa ku qancaa wixii ka xumaaday, si kastaba ha ahaatee bal aan soo qaadano tilmaamo yar oo ay ka siman yihiin dadka siyaasada Soomaaliya horboodaya badidoodu:

Waa mid ku nool magaalo ka mid ah meelaha ugu foolxun aduunka oo dilka iyo afduubka ka dhaca aanay jirin meel ay ka dhacaan aduunka.

Waa is waydiine, xaq ma uleeyahay inuu u dudo mansab iyo maamuus aanu mutaysan?

Ganacsade dalka ka saara lacagta adag oo keena, foorjeri, daroogo, cunto ama daawo dhimatay, cidhib tira khayraadka iyo dabeecada dalka, cashuur iyo magdhaw toona aan bixin.

Masuuliyada dalka iyo mustaqbalka cruurteena ma ku aamini karaa?

Kuwo aan u qalmin in la hogaamiyo ama ay wax hogaamiyaan midnaba.

Ma uga tanaasuli karnaa xaqa iyo karaamada aynu leenahay?

Mucjisooyinkaa sida loo furdaaminayo iyo su’aalaha hadaan u dhaafo dadwaynaha, aan idiin sheego hadana wax kale oo ay ka siman yihiin:

  • Dhamaantood, dadka, dalka, jiritaanka, nabada iyo horumarka waxaa kala qaalisan mar uun madaxwayne i dheh!
  • Dhamaantood, waxay ka abuurmeen burbur, qori, qabiil iyo is-dhex-yaac.
  • Sida ay u badan yihiin waxay haystaan wuxun ay sheegaan, calan baan gole siyaasadeed ku siyaartay, ummad baa idooratay, qabiilkaygaa la quudhsanayaa waa hal abuurkooda.
  • Qaar waa jihaaday (yaab badanaa, waa ma xishoode).

Yaanan waxba idin quus tirin, yaanan idinka welwelsiin ama aanan idiin dayrin ee bishaaro, bushaaro, bushaaro, maanta waxaynu haysanaa fursad aan weligeed ina soo marin. Anigu cidna ma nabadgeliyo, damaanad cidna masiiyo, horumar ma aqaan, hogaamiye wanaagsan ma soo saaro ayaa qabiilku ku yidhi nin wax ka doontay.

Hassan Nuur | SRG14@jubiimail.dk

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Qoraaladii Hore ee Xasan Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI 


Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga.... GUJI 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]