|
TAARIIKHDII HORE EE SOOMALIA
Faallo: Cali diiriye nuur pilot | tigaana_52@hotmail.com
June 15, 2003
Sideedaba halkee ka soo jeeda magaca soomaliya?
arintaan fikrada kala duwan aya lagaa qabaa.
Laakiin tan ila quman waxay tahay in dadka
soomalida ay ka soo jeedaan dadka kuushitiga koonfureed
Qoowmiyadahaas waxaa ka mid ah
Saaxada,cafarta,oromada iyo soomaalida.
Waxay asal ahaan ku farcameen koonfurta
itoobiya iyo waqooyiga keenya ilaa harada udof la yiraahdo.
Badankooda ilaa iyo hada halkaas ayay ku nool
yihiin. soomaalida qowmiyadahaas kala duwn ayay ka tirsan yihiin waa dad da
weyn magacyo badan aya lo yiqiinay sida (reer bunt,reer berbera,reer barbaar
iyo reer banaadir).iyo kuwa kale oo fara badan ,magaca soomaaliga ah inta la og
yahay hada waxaa lala kulmay
Qarnigii 15naad Soomaalinimada sideedaba ma
jinsi baaa?jinsi waxaan ula jeedaaa rayidka waxa la yiraahdo
Jawaabtu waa maya sideey aniga ila tahay
soomaalinimada waxay ka kooban tahay ama waxaan ula jeedaa
Jamhuuriyada soomaaliya waxaan u kala qaybin
lahaa sadex jinsi (cadaan,madow bunti ah,iyomadow buni ah).
Madowga buniga ah ayaa ah kan soomalida ay u
badan yihiin cadaanka waxay inta badan ku nool yihiin marka,baraawe iyo xamar
dadka madowga bantuga ah iyana waxay ku nool yihiin jiinanka labad webi iyo
koonfurtoodaba sidaas darteed soomalida jinsi kaliya kama koobna ee sadexdaas
jinsina way u siman yihiin soomaalinimada. hadaba soomalinimada ma
diinbaa?jawaabtu waa maya waayo?dadka soomaaliyeed inta diinta soo gaarin ayay
ku noolayeen geeska afrika waxyaabihii waydaas hore la caabudi dha2qankeena
ilaa iyo hada waa la geli karaa qof kastoo muslim ah soomaali ma aha waayo?af
soomaligii isaga oo jira ayay diinta na soo gaartay , Taasi ayaana sabab u
ahayd markii ay diinta si fiican u qaadan waayeen in shiikh yuusuf al-kownayn
uu soo saaaray(alif la kordhabay iyo alif la hoos dhabey iyo alif la goday)
Laakiin soomalidu waa dad muslim ah sidaas
darteed ayay diintu ugu yeelatay uguna leedahy saameyn weyn
taariikhdeena,dhaqankeena oo dhan bal hada aynu eegno diinta iyo
abtirsiinta,Abtirsiinta oo jirta ayay diinta na soo gaartay ee abtirsiintu kama
ay imaan diinta islaamka,laakiin waxa iyana run ah in diintu ay saamayn weyn ku
yeelatay abtirsiinta casriga ah ee soomaaliyeed ilaa iyo hada reeraha soomaliya
ay ku abtirsadaan shiiqyo,iyana ay abtirsiintoodu gasho bini--haashim iyo
Qureysh dhawr qarni ka hor ayay dhaaftay diinta ayaa saamayn ku yeelatay in
abtirsiintii hore ee reeraha soomaaliyeed tan cusubi bedesho wax soomali ugaar
ahi sideedaba ma aha waxaa inala wadaaga dadyoow badan sida Fulaaniga,hawsaha
iyo dadyoow kale oo tan iyo senegaal ku nool oo diinta islaamka qarniyo danbe
gaartay.
Isweydiintu waxay tahay soomaliya waxay u
dhowdahay jasiiradaha carbeed maxaa qoray in bini--haashim abtirsiintooda
gaarsiiyay reer senegaaal ,tani kaftan igama ahan laakiin waa xaqiiqo cilmi ah
oo la hubiyay.
Aqristoow waxaan intaas uga gudbi lahaa
soomalinimadu waa maxay??waa dareen ka dhashay is bar bar dhig qowmiyado kala
duwan oo foormalihiisu yahay anaga iyo idinka anaga oo soomali ahiyo idinka oo
talyaani ah, anaga oo soomali ah, idinka oo amxaaro ah. marxaladihii dareenka
soomalinimo soo maray hadaan si kooban u qaadano sidaan ayaan u qiyaasi lahaa.
1--marxaladii axmed gurey iyo iska dhicintii
boortaqiiska
2--Tawradii dhaqaneed ee yuusuf al--kowneyn
3--Halgankii isticmaar diidka haa ee sayid
maxamed cabdule xassan
4--Waqtikgii asxaabta siyaasadeed ay soo
baxeen oo ku caan ahaa(soomaliyay toosoo)
Waqtikgaas ay soo baxeen asxaabta siyaasadeed
ayaa dareenka soomaliyeed gaaray heer biseel ah waxuuna dhalay dareen cusb oo
ah dareenka wadanimo,labada dareen waxaa u dhaxeeya farqiyo waaweyn,
1--Dareenka soomalinimo waa mid dhexdhexaad ah
yacnii soomaliga waa soomali waxuu bar bar dhig u yahay umadaha kale ama
qowmiyadaha kale.
2--Laakiin dareenka wadaniga ah ma aha mid
dhexdhexaad ah ee waxuu wataa qiimayn siyaasadeed, mid bulsheed,mid dhaqaaleed
iyo dhaqanba,waxuuna lidi ku yahay dib u dhaca qabyaalada iwm.
Waa dareen xuduntiisu tahay halganka horu
marinta umad nimada iyo dalad nimada soomaaliyeed.
Wax kastoo yoolkaas car qalad ku ah wuu ka soo
horjeedaa dareenkaas wadanimo.
Soomalinimada ma wada wadaagto iyana waa
nasiib daree itaal daradiisa ayaa noogu wacan aafooyinka hada ina haysta.
Aqristoow waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo xiro qabyaalada sideedaba nacfi ma
leedahay?? qabyaldu waa laba nuuc A)Qabyaalad hideed ee soomalidu dhaqan u
leedahay sida xoolo gooyada makta la wada bixiyo iyo xeerar kale oo fara badan
qabyaladaasi waxay leedahay xeerar adag oo laga gudbi karin. B)Qabyaalada kale
waa tan magaalooyinka ka dhelatay oo ku magac dheer qabyaalada siyaasadeed tani
wax dumis mooyaanee wax anfac ah oo ay umada u leedahay ma jirto bay ila tahay
qabyaalada siyaasdeed nabad walaatinimo iyo horu mar toona ma keeni karto
waxaana adeegsado siyaasiyiinta danahoodav gaarka ah ka leh iyagaana cadowga
koowaad ah wiiqa dumiyana qaranka.
Ugu danbeyntiii qabyaalada iyo dawladnimada
siyaasadeed halkee bay iska soo galeen??
Dawladii casriga ahayd ee aanu 60kii gaarnay
waa tii ugu horaysay ee taariikhdeena ee soomali badnkeed midaysay ka hor waxaa
jiri jiray dawlado heer gobol ah.
Waxay dhalatay iyadoo dareenkeeda wadanimo
curdin yahay, dhaqaaleheedu uu itaal yar yahay,aqoonta casriga ahna biloow ay
tahay,qabyaalada siyaasdeedna ay xoog leedahay, Sidaas darteed dawladnimadaasi
inay ku fikirto wax la yaab leh ma ahan waayo??? kooxihii ilaa iyo hada xukunka
haayay waxaaayba dawlad u arkeeen ilaa iyo hadana u arkaaan hanti gaar ahaneeed
oo iayagu leeeyihiiiiiiiiiiiiin.
Waxaa Qoray
Cali diiriye nuur pilot
tigaana_52@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
Qoraaladii
Hore ee Xasan Nuur
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|